Xog: Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo

0
Thursday December 30, 2021 - 12:27:03 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Mowqifka Musharaxiinta kala ah Sheekh Sharif Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku yimid isbeddel weyn saacadihii la soo dhaafay, kadib markii ay kulan is-afgarad ku soo dhamaaday la qaateen madaxweynaha dowlad Goboleedka Galamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijisay in kulankii galabti Talaadada ka dhacay hoyga Qoor Qoor la isla meel dhigay in laga hortago dagaalka la doonayo in Villa Somalia looga saaro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoor Qoor ayaa kulanka ka xusay in uusan oggolaan doonin mas’uul ay isku heyb yihiin oo uga saameyn bata siyaasadda xilligan, sidaas darteed ay tahay sababta uu Farmaajo u difaacayo.

"Rooble haddii wax walba gacanta loo geliyo awooddiisa waxaa ka faa’ideysanaya Cabdikariin Guuleed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo dagaalka ku gacan siiyay,” ayuu Qoor Qoor ku kaftamay, sida aan kasoo xiganay xubno ku dhow kulanka.

Sheekh Sharif oo Xasan Kheyra ku kaftamaya ayaa Rooble ku tilmaamay "Saddex sano shacbiyad aad ku sameyn weysay ayuu maalmo kooban ku sameeyey.”

Saddexda masuul ayaa kala qaatay howlaha ay ku fulinayaan qorshahooda, si loo badbaadiyo Farmaajo.

1- Xasan Cali Kheyre iyo Ciidanka Siigaale

Ciidamado dhowr iyo toban gaari ah oo warbaahinta la hadlay gelinkii dambe ee Isniinta oo u badan beesha Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xarun ka sameystay deegaanka Siigaale ee ku dhow madaxtooyada ayaa laga saaray aagagii ay ka yimaadeen, ayada oo la rumeysan yahay in Kheyre uu arrintaas ka shaqeeyay.

Arrintaan ayaa su’aal gelineysa awoodda ciidanka Badbaado Qaran oo la aaminsan yahay inay yihiin waxa ugu badan oo cadaadiska ku hayey Farmaajo, balse qorshahan ayaa sabab u noqon kara in awoodda Farmaajo ay dib u soo laabato.

2- Kulanka Sharif iyo Rooble

MAdaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa isla habeenkii Talaadada kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo geeyay farriintii kulankii Qoor Qoor kasoo baxday.

Kulanka oo saacad iyo bar socday ayuu Shariif ku dadaalay in uu xog badan ka helo qorshaha xiga ee Rooble, isaga oo aan u furin arrinka wada-hadalka Farmaajo, balse sida aan ku ogaanay xogta markii uu ku laabtay Qoor Qoor ayuu sheegay in "Rooble yahay nin fogaaday oo ay tahay in Farmaajo la caawiyo.”

Sidoo kale howsha Shariif loo diray ayaa waxaa kamid ahayd arrimaha ciidamada.

Tallaabooyinkan ay billaabeen labada musharrax oo ku qancay in ay awoodda Rooble la xaddido ayaa xagal daacin kara dadaallaada Midowga masharaxiinta ee ahaa in Farmaajo laga saaro Villa Somalia kahor doorashada, iyada oo dhanka kale laga yaabo in ay taageero badan ku waayaan maadaama ay u muuqato in Rooble uusan wada-hadal geli doonin.

Rooble ayaa waxaa ka go’an in Farmaajo laga saaro Villa Somalia, si ay doorasho u dhacdo, wuxuuna qaataa go’aan ah inaysan labadooda dalka wada xukumi karin, balse waxa uu wajahayaa dhabar-jebinta Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif, haddii aan loo midoobin sidii looga badbaadi lahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip