Bayern Munich Oo U Soo Tafaxeydaneysa Inay Arsenal Ka Kaxeysato Alexis Sanchez Xagaaga.

0
Wednesday April 27, 2016 - 13:06:55 in Sports News by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayern Munich Oo U Soo Tafaxeydaneysa Inay Arsenal Ka Kaxeysato Alexis Sanchez Xagaaga.

    Bayern Munich ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Arsenal Alexis Sanchez xagaaga. Kooxda Jarmalka ayaa xooraansaneysa haddii ay Arsenal diyaar u tahay inay iska iibiso Sanchez xagaagan, sida ay ku warameyso jariirada Daily Mirror.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Arsenal Alexis Sanchez xagaaga. Kooxda Jarmalka ayaa xooraansaneysa haddii ay Arsenal diyaar u tahay inay iska iibiso Sanchez xagaagan, sida ay ku warameyso jariirada Daily Mirror.

Sanchez oo 27 sanno jir ah ayaa 33 milyan ginni ugu soo wareegay Arsenal labo sannadood ka hor, waxaana uu ku riyaaqay Emirates Stadium xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.

Laakiin Sanchez xilli ciyaareedkan waxaa hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo jahwareeriyeen, Bayern Munich ayaana diyaar u noqon karta inay ka faa’ideysato dhiirogelin walba oo ay ka hesho saxiixa ciyaaryahanka.

Sunderland-v-Arsenal

Weli wax dalab rasmi ah kama aysan gudbinin, laakiin xiisahooda ayaa walwal gelin kara Arsenal iyagoo raadinaya inay qandaraas cusub ka saxiixaan Sanchez.

Sanchez ayaa labo sanno ay kaga hartay qandaraaskiisa isagoo isbuucii mushahar ahaan u qaata 130 kun ginni, Arsene Wenger ayaana isbuucii hore sheegay inuu kalsooni ku qabo in Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ay qandaraasyo cusub saxiixi doonaan.

Waxaa la rumeysan yahay in Ozil uu aad ugu dhow yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub cusub ka dib markii uu ogolaaday laakiin wadahalada Sanchez ayaa weli socda iyadoo qandaraas uu isbuucii ku qaadanayo 160 kun ginni miiska loo soo saaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip