Madaxweynaha Jubbaland oo ku soo wajahan Muqdisho.

0
Thursday December 30, 2021 - 09:17:33 in Wararka by
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo ku soo wajahan Muqdisho.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay kusoo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho, iyagoo kasoo ambabaxaya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa waxaa safarkiisa Muqdisho uu ku imaanayo ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee looga hadli doono sixida khalalaadka ka jira doorashada dalka iyo dardar-gelinteeda arrimaha doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka qeyb galaya Shirka uu Iclaamiyey R/wasaare Rooble.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip