Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo u yeeray Guddoomiyeyaasha Hiiraan & Sh/Dhexe

0
Thursday December 30, 2021 - 14:13:20 in Wararka by
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo u yeeray Guddoomiyeyaasha Hiiraan & Sh/Dhexe

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kalfadhiga 2aad Kulankiisa 10aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Maanta ka qabsoomay Caasimada Hirshabelle ee Jowhar

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cabduxakim lukman Xaaji Maxamed oo ay wehlinaayen Guddoomiye kuxigeenka 1aad Siraaji Sheikh isxaaq Abdulle iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Hassan Osman ayaa ajendahiisu ahaa

 

1 Soo Bandhigida Soo Jeedinta Xildhibaanada ee u yeerida Gudoomiyayasha Gobolada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe

2 Dhageysiga Warbixinta Kalfadhiga 2aad ee Baarlamanka Hirshabelle

Ugu Horeyn Xildhibaan Mukhtar Hassan Mohamed ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Soo Jeedinta Xildhibaanada ee u yeerida Gudoomiyayasha Gobolada ee Hiiraan iyo Shabellada Dhexe

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Baarlamanka Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein ayaa xildhibaanada kahor akhriyey Warbixinta Kalfadhiga 2aad ee Baarlamanka Hirshabelle

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haji Mohamed ayaa ku dhawaaqay in Kalfadhiga 2aad ee baarlamanka Hirshabelle uu xiran yahay wuxuuna Xildhibaanada kula dar daarmay in Mudada fasaxa ay Xildhibaanada ku laabtan deegaan doorashadooda si Kalfadhiga 3aad ay baarlamanka u horkeenan Warbixin kusaabsan xaalada nololeed ee deeganada Dowlad Goboleedka Hirshabelle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip