Maryan Qaasim oo dirtay fariin culus – "Dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa"
Wasiirkii hore ee gargaarka xukuumadda Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim Axmed, haatana ah musharrax Golaha Shacabka ayaa ka hadashay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble.
Maryan Qaasim ayaa ugu horreyn farriin guud u dirtay dadka Soomalaiyeed, waxayna ugu baaqday inay ka wada-shaqeeyaan xasiloonida dalka iyo horumarka.
Sidoo kale waxa soo hadal qaaday xiisadda taagan, gaar ahaan khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya, isla-markaana saameysay geeddi socoda doorashooyinka
"Dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa. Dagaal hadduu macaan ama kharaar yahay waa la soo jarribay,” ayey tiri, kadib qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga.
Dr. Maryan Qaasim ayaa sidoo kale soo jeedisay in xiisadda taagan lagu xalliyo aqli, xikmad iyo Alla ka cabsi.
Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in inay muhiim tahay in la darda-geliyo doorashada, lagana shaqeeyo maslaxadda guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Halkan hoose ka aqriso farriinta:-
Salaan ka dib, waxaan farriin u dirayaa inta caqliga u saaxiibka ah ee ummadda soomaaliyeed u damqanaysa; dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa. Dagaal hadduu macaan ama kharaar yahay waa la soo jarribay.
Madmadowga madaxda soo kala dhexgalay caqli,xikmad iyo Alla ka cabsi ha lagu xalliyo, caadifad iyo laab la kac dawladnimo kuma dhisanto.
Maslaxadda ha laga shaqeeyo, doorashadana hala dardargeliyo ayadoo ixtiraam iyo sharaf laysu hayo. Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waa astaan qaran aan ,ixtiraamno kana shaqayno isu soo dhowayntooda.
Maryan Qaasim oo dirtay fariin culus – "Dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa"
...