Ninkii asaasay unugtii dishay Usama Bin Laden oo dhintay

0
Wednesday December 29, 2021 - 23:41:44 in Wararka by
  • Visits: 149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii asaasay unugtii dishay Usama Bin Laden oo dhintay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Richar Marcinko

Richar Marcinko ayaa geeriyooday isaga oo 81 jir, wuxuuna ku galay taariikhda ciidanka Maraykanka in uu ahaa ninkii asaasay, islamarkaasna tabobaray unugta ciidamada Navy Seal ee yaqaano, gaar ahaan Unugta lixaad ee samaysay hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al Qaacidda Usama Bin Laden.

Waxa uu ka qeybqaatay dagaalkii Vietnamn, isaga oo heley wax ka badan 30 billadood

Qaabkiisa hoggaamineed ee go'aan adeega ayaa la sheegay in ay keentay in guulo badan laga gaaro hawlgalo la sameeyay. Balse qaar ayaa ku eedeeyay in uu abuuray dhaqan arxandarro ah ee ciidanka dhexdiisa.

Mar ayaa jirtay dacwad wax is dabomarin ah lagu furey, iyada oo xabsiga la dhigay muddo kooban.

Waxa uu hormuud ka ahaa dajinta qorshaha argagaxiso la dirirka ee Maraykanka,

Wuxuu ku dhashay Lansford, sanadkii 1940-kii, halkaas oo ah magaalo yar oo ku taala gobolka Pennysylvania, waalidkiis waxa ay ahaayeen muhaajiriin ka yimid dalka Slovakia iyo Herzogovina, iyada oo dhammaan raggii qoyskooda ka tirsanaa ay ahaayeen kuwa ka shaqeeya godadka macdanta.

Mar uu hadlay ayuu sheegay in xitaa raggaasi qoyskiisa ka tirsan aysan awoodin in ay iibsadaan kabo.

Buug uu qorey ayuu ku sheegay in markii uu Vietnam ka dagaalamayay in madaxiisa la dhigay lacag badan oo abaalmarin ah qofkii soo dila, isaga oo wareysi uu siiyay Majalladda People uu ku sheegay in dowladda Maraykanka ay ka hor istaagi jirtay in uu laayo dad badan maadaamaa uu dhanka dagaalka ku fiicnaa.

Markii uu dhacay afduubkii shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Tehran 1980-kii, waxa madax looga dhigay unugtan cusub ee Lixaad taas oo uu isaga tabobaray, si ay u samayso hawlgal soo furasho ah.

Waxa uu buuggiisa ku sheegay in marka unugtiisa ay tagaan meelaha baararka qamriga in si ula kac ah ay dagaal gacan ka hadal ah u kicin jireen, sababtoo ah wuxuu aaminsanaa in isu hiilinta xubnaha unugta ay muhiim u ahayd wadajirkooda.

Militariga Maraykanka ayaa markale u xilsaaray in uu asaaso unug lagu magacaabo Red Cell, taas oo ujeedku ahaa in ay tijaabiso heerka sugnaanta amniga ee goobaha ciidamada iyo dowladda Maraykanka.

Waxa uu ku guuleystay in uu bambaanooyin ku rakibo Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One isaga oo aysan cidi ogaanin, sidoo kale wuxuu u dhacay xarunta Hubka Nuyuukleerka Maraykanka.

Wuxuu ka rusqeystay ciidanka sanadkii 1989-kii, isaga oo qorey buugga The Rogue Warrior, kaas oo laga iibsaday malaayiin xabbo. Kaas oo xitaa laga sameeyay barnaamijka ciyaaraha internetka oo isla magacaas leh 2009-kii.

XIGASHO:BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip