Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Xalayto Ee Ay Man City & Real Madrid Barbaraha Ku Galeen Etihad Stadium Ee Semi-finalka Champions League.

0
Wednesday April 27, 2016 - 12:50:34 in Sports News by
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Xalayto Ee Ay Man City & Real Madrid Barbaraha Ku Galeen Etihad Stadium Ee Semi-finalka Champions League.

    Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa ku kala baxay barbaro goolal la'aan ah kulankii Etihad Stadium ee lugta hore ee wareega afar dhamaadka Champions League, waxaana lagu kala bixi doonaa kulanka lugta labaad ee Santiago Bernabeu ee isbu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa ku kala baxay barbaro goolal la'aan ah kulankii Etihad Stadium ee lugta hore ee wareega afar dhamaadka Champions League, waxaana lagu kala bixi doonaa kulanka lugta labaad ee Santiago Bernabeu ee isbuuca danbe.

1.Hart oo lagu badbaaday mar kale

Joe Hart ayaa marar badan badbaadiyay Manchester City, wuxuuna si la mid ah sameeyay xalayto isagoo Pepe ka badbaadiyay kubad gool loo fishay dhamaadkii ciyaarta, iyadoo daafaca Real uu u muuqday mid shabaqa soo taabanaya.

Manchester-City-FC-v-Real-Madrid-UEFA-Champions-League-Semi-Final-First-Leg

Hart ayaa sidoo kale kubad madax aheyd ka badbaadiyay Casemiro, waxaana kulankaan uu noqon lahaa mid lagu kala baxo haddii uusan goolhayaha England soo bandhigin qaab ciyaareed geesinimo leh.

2. Otamendi oo soo bandhigay qiimihiisa

Kabtan Vincent Kompany ayaa lagu amaanaa inuu yahay daafaca ugu adag ee Man City laakiin waa ninka ka garab ciyaaraya Nicolas Otamendi ninkii muhim u ahaa difaaca Manchester City xalayto.

Otamendi ayaa jirkiisa dhigay meelo halis ah si uu u celiyo kubado weerar ah, waxaana uu ka caawinayay Gael Clichy inay yareeyaan saameynta Gareth Bale.

1

3. Benzema oo ay soo martay habeen uu iska ilaawo

Wuxuu ciyaarta soo galay isagoo sita dhaawacii soo gaaray kulankii Rayo Vallecano.

Laakiin Karim Benzema dulsaar ayuu ku ahaa ciyaartii xalayto, waxaana ay keentay in tababare Zidane uu bedelo xiddiga reer France waqtigii nasashada.

Weeraryahanka Faransiiska wax halis ah ma uusan soo bandhigin haba yaraatee, waxaana uu ku dhex dhumay ciyaarta qeybteedii hore, waxaana taas ugu wacan inuu ku ciyaarayay dhaawac.

2

4. Fernandinho waa geesiga City ee aan la qiimeynin

Ma helo amaanta ama aqoonsiga ay helaan xiddigaha u badiya Man City sida Sergio Aguero iyo Kevin de Bruyne, laakiin Fernandinho ayaa lagu doodi karaa inuu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan Manchester City.

Mar kale ayuusan taasi cadeeyay isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan oo dishibiliin leh, isagoo si wanaagsan u maamulayay khadka dhexe ee kooxda Ingariiska gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta.

3

5. Hoos u dhaca Sterling oo soo muuqday

Raheem Sterling ayaa saftay kaliya hal kulan tan iyo markii uu ka soo laabtay dhaawac uu muddo bil ah ku maqnaa, laakiin waxa ay soo bandhigeysaa sida xiddiga Ingariiska ee lagu soo iibsaday 49 milyan ginni uu uga dhacay dhanka doorashada ee kooxda City iyadoo Kelechi Iheanacho uu xitaa kaga horeeya dhanka doorashada isagoo bedelay David Silva qeybtii hore.

Sterling ayaase ugu danbeyn ciyaarta soo galay iyadoo 14 daqiiqadood ay ka harsan tahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip