Dagaal-yahanada Al-Shabab oo qabsaday degmada Balcad
Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka saacado kooban la wareegay degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo Muqdisho dhanka Waqooyiga uga beegan 35km, ka dib dagaal ay la galeen ciidamada maamulka.
Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in dagaal muddo kooban socday ka dib ay Al-Shabaab la wareegeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada iyo Farisiinka ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka ee Koontoroolka Buundada degmada Balcad.
Intii uu dagaalka socday ayaa qoriga hoobiyaha ah ayaa waxaa uu ka dhacay qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo laba ka mid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.
Ma jiro khasaaro dhimasho ah oo la sheegay in uu ka dhashay dagaalka, inta aan ognahay.
Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay qabsashada magaalada, waxayna intaas ku dareen inay hal askari ku dileen, saddex kalena dhaawaceen.
Waxay sidoo kale sheegteen inay gacanta ku dhigeen gaari nuuca raaxada ah oo uu lahaa xildhibaan ka tirsan maamulka HirShabeelle.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadaas walow markii dambe isaga baxeen.
Dagaal-yahanada Al-Shabab oo qabsaday degmada Balcad
..