Taliye Odawaa Oo Ciidamada Xoogga Uga Digay Inay Ku Milmaan Arrimaha Siyaasadda

0
Wednesday December 29, 2021 - 14:52:04 in Wararka by
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Odawaa Oo Ciidamada Xoogga Uga Digay Inay Ku Milmaan Arrimaha Siyaasadda

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa Maanta Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya kulan ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka, waxaana kulankaas shir Guddoomiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka Saraakiisha Ciidamada Milateriga ayaa waxaa looga wada hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka, howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee Gobolada ka socda iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha horyaalla Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa dhammaaday Ciidamada Qalabka Sida uga digay inay ku milmaan Arrimaha Siyaasadda, isla markaana u sheegay in aysan cid gaar ah u hiilin karin.

    Taliye Odawaa ayaa Ciidamada waxaa uu faray inay dalka ugu shaqeeyaan sidii ay ugu dhaarteen, Balse ay ka reebantahay inay dad isku haysta Siyaasadda ay la kala saftaan, xili uu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Ciidanka dowladda ay xoojiyaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka socda Gobolada dalka, isagoona boggaadiyey Ciidanka Qalabka Sida.

Digniinta uu Ciidamada u diray Jeneraal Odawaa ayaa kusoo beegantay, iyada oo jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble, waxaana maalin kahor Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in Ciidamada ay isaga ka amar qaadayaan oo aysan ka amar qaadan karin Madaxweyne Farmaajo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip