DENI oo magacaabay wasiiro, ku-xigeeno iyo wasiiru dowle

0
Wednesday December 29, 2021 - 13:44:54 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DENI oo magacaabay wasiiro, ku-xigeeno iyo wasiiru dowle

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay wasiiro cusub, wasiir ku xigeeno iyo sidoo kale wasiiru dowle, sida ku cad digreeto maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

Saciiid Deni ayaa u magacaabay Axmed Yuusuf Qahar Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda, halka asiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda maamulka Puntland loo magacaavay Rashiid Maxamuud Yuusuf.

Sidoo kale wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay laba wasiir ku xigeen iyo hal wasiiru dowle.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

 

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyay :

  1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland.
  2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.
  5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DENI oo magacaabay wasiiro, ku-xigeeno iyo wasiiru dowle

DHAMMAAD




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip