WARBIXIN: Real Madrid Oo Badisay Todobo Ka Mid Ah Sideed Jeer Kulamada Yurub Ka Dib Barbaro 0-0 Ah Oo Ay Galeen Lugta Hore Iyagoo Marti Ah.

0
Wednesday April 27, 2016 - 12:46:46 in Sports News by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Real Madrid Oo Badisay Todobo Ka Mid Ah Sideed Jeer Kulamada Yurub Ka Dib Barbaro 0-0 Ah Oo Ay Galeen Lugta Hore Iyagoo Marti Ah.

    Real Madrid ayaa awoodi weysay inay gool ku dhaliso Etihad Stadium xalayto, waxaana ay Spain ku soo laabanayaan iyagoo wata barbaro 0-0 ah ka hor lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay isbuuca danbe la ciyaarayaan kooxda Manchester City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa awoodi weysay inay gool ku dhaliso Etihad Stadium xalayto, waxaana ay Spain ku soo laabanayaan iyagoo wata barbaro 0-0 ah ka hor lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay isbuuca danbe la ciyaarayaan kooxda Manchester City. Xitaa haddii aan wax fiican loo arkin barbaro goolal la'aan ah, waxaa jirtay xaqiiqooyin ay niyada ku dhisan karaan kooxda Zidane ka hor kulanka arbacada danbe.

Taariikhiyan, Madrid waxa ay wareega xiga u gudubtay todobo ka mid ah sideed jeer oo lugta hore ay barbaro goolal la’aan ah soo galeen iyagoo marti ah. Markii ugu horeysay waxa ay aheyd 1959kii kulan ay la ciyaareen kooxda Wiener Sport Club, waxaana ugu danbeysay xilli ciyaareedkii hore kulankii Atletico Madrid markaasoo kulankii Calderon uu ku dhamaaday barbaro 0-0 ah. Javier Hernandez ayaana dhaliyay goolka kaliya ee ay ku badiyeen ciyaartii lugta labaad ee Bernabeu iyagoo u gudbay wareega afar dhamaadka.

1461709225_898176_1461709446_noticia_normal

Marka kaliya ee ay Real ku guuldareysatay inay u gudubto wareega xiga ka dib natiijo 0-0 ah oo ay soo gaareen lugta hore iyagoo marti ah waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 1990-91, iyadoo Alfredo di Stefano uu tababare u ahaa, waxaana lugtii labaad 3-1 kaga badisay Spartak Moscow.

Taas bedelkeeda Manchester City waligeed kama aysan soo bixin tartan Yurub ah ka dib markii barbaro goolal la’aan ah lugta hore lagula qabtay garoonkooda.

Rirkoorka Real Madrid ee Yurub ka dib barbaro 0-0 ah ee lugta hore iyagoo marti ah

European Cup 1958-59 (Wareega 8da:Wiener Sport-Club 0 – 0 Real Madrid / Real Madrid 7 – 1 Wiener Sport Club.

Cup Winner’s Cup 1970-71 (Wareega 16ka):Hibernian 0 – 0 Real Madrid / Real Madrid 5 – 0 Hibernian.

Cup Winner’s Cup 1970-71 (semi-final):PSV Eindhoven 0 – 0 Real Madrid / Real Madrid 2 – 1 PSV Eindhoven.

European Cup 1972-73 (Wareega 8da):Dynamo Kiev 0 – 0 Real Madrid / Real Madrid 3 – 0 Dynamo Kiev.

European Cup 1980-81 (Wareega 8da):Spartak Moscow 0 –0 Real Madrid / Real Madrid 2 – 0 Spartak Moscow.

Cup Winner’s Cup 1982-83 (Wareega 16ka)Baia Mare 0 – 0 Real Madrid / Real Madrid 5 – 2 Baia Mare.

European Cup 1990-91 (Wareega 8da):Spartak Moscow 0 – 0 Real Madrid / Real Madrid 1 – 3 Spartak Moscow.

Champions League 2014-15 (Wareega 8da):Atlético Madrid 0 – 0 Real Madrid / Real Madrid 1 – 0 Atlético Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip