Madaxweyneyaashii Hore Ee Puntland Iyo CC Sharmaake Oo Maanta Ku Wajahan Boosaaso

0
Wednesday December 29, 2021 - 13:51:17 in Wararka by
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyneyaashii Hore Ee Puntland Iyo CC Sharmaake Oo Maanta Ku Wajahan Boosaaso

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyneyaashii hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu wehlinayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ujeedka Madaxdii hore ee Puntland iyo Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu yahay xalinta xiisada ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimihii hay’adda PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaano.

   Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa Magaalada Boosaaso kulamo kula qaadan doona Isimada, Waxgaradka iyo Maxamuud Diyaano, iyagoona ka wada hadlay sidii xal buuxa looga gaari xiisada sababta dagaalkii ka dhacay ee khasaaraha geystay.

Madaxdii hore ee Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ka waday Magaalada Garoowe oo ay la qaadanayeen Madaxweynaha Puntland Puntland Saciid Deni, isla markaana kala arrinsaday xalinta shaqaaqadii dhacday.

Khasaaro isugu jiray dhimasho, dhaawac, burbur hantiyadeed iyo bakarac ayaa ka dhashay dagaal qaaday saddex maalmood oo Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidanka Maamulka Puntland iyo kuwa PSF, waxaana dagaalkaas sababay xilka qaadistii Maxamuud Cismaan Diyaano oo sharci darro ku tilmaamay xilka uu qaaday Saciid Deni.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip