SAWIRO:-Ciidamada dowladda oo joojiyay banaanbax lagu taageerayay RW Roooble

0
Wednesday December 29, 2021 - 10:19:33 in Wararka by
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Ciidamada dowladda oo joojiyay banaanbax lagu taageerayay RW Roooble

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dad is abaabulay ayaa Maanta waxaa ay dibadbax ka dhigeen meelo kamid ah Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, kaas oo ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan afgambi ay sheegeen in uu doonayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

     Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin,( AFGEMBI MAYA DOORASHO HAA) iyo Erayo kale, waxaana ay soo mareen waddooyinka qaar ee Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan.

      Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa ay sheegeen in banaanbaxa ay hor-istaageen Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) & Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud (Qaroole).

       ” Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii taliska ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdishakuur”

       Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo horkacayay banaanbaxayasha ayaa waxaa uu dhankiisa yiri” Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa. Waxaa muuqata nimankaas in weli la shaqaynayaan rajiimkii waqtigu ka dhamaada, ayna dhegaha ka furaysteen baaqii raysulwasaaraha.

       Taliyeyaasha lagu eedeeyay inay banaanbaxa joojiyeen ayaan weli ka hadlin, waxaana tani qeyb ka tahay khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip