Haraadiga fircoon oo markii ugu horeysay loo baaray hab casri ah.

0
Wednesday December 29, 2021 - 08:50:51 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haraadiga fircoon oo markii ugu horeysay loo baaray hab casri ah.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Qoraalka sawirka,

Haraadiga oo la saaray raajada kombiyuutarka

Haraadigaasi Amenhotep I, ayaa talinayay intii u dhaxeysay 1525 ila 1504 BC, ayaa waxaa laga helay goob ku taalla Deir el-Bahari, 140 sano kahor.

Laakin dadka baara haraaga qadiimiga ayaa diiday inay furaan si wejigiisa loo arko.

Baaritaanka raajada ee loo isticmaalo kombiyutarka (CT scan), aya haatan daboolka ka qaaday macluumaad aan hore loo ogeyn oo ku saabsan fircoon iyo aaskiisa.

"Waxaa inoo suurtagashay inaanu aragno wejiga boqorka oo daboolnaa muddo ka badan 3,000 oo sanadood," ayuu tiri Dr Sahar Saleem, oo ah brofesoor ku takhasustay raajada ee Jaamacadda Cairo oo BBC-da la hadashay.

Dr Saleem ayaa sheegtay in haraadiga meydka uusan lahayn wax dhaawacyo ah

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA Qoraalka sawirka,

Dr Saleem ayaa sheegtay in haraadiga meydka uusan lahayn wax dhaawacyo ah

Baarayaasha daraasaddaasi ayaa sheegay in Amenhotep uu geeriyooday isagoo 35 sano jir ah.

Waxay sidookale sheegeen inuu u ekaa aabihii, Amenhotep I's, dheerarkiisuna ahaa 169cm (5ft 6in), isla markaana uu lahaa timo jilicsan, san dheer iyo ilko qurxoon siiba kuwa sare.

Dr Saleem oo kamid ah dadkii barista sameeyay ayaa waxay sheegtay in raajada ay muujisay in caafimaadkiisu wanaagsanaa markii uu dhimanayay, oo uusan markaasi ku oolin dhaawacyo sabab u noqday dhimashadiisa.

Baarayaashaasi ayaa u suurta gashay inay wax ka ogaadaan kaydintii iyo aaskii Amenhotep I, kaas oo ahaa fircoonkii ugu horeeyay oo gacantiisa ku soo laabo xabadka isla markaana aan laga saarin maskaxda, taas oo ah arrin caadi ah.

Waxay ku soo gunaanadeen in haradigiisa ay "si kalgacal leh dib u sameeyeen" masiixiyiintii qarnigii 21-aad ee Dynasty, kuwaas oo talada hayay ugu yaraan afar qarni kaddib dhimashadiisa.

haraadiga Amenhotep I's ayaa waxaa mar kale aasay masiixiyiinta

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA Qoraalka sawirka,

haraadiga Amenhotep I's ayaa waxaa mar kale aasay masiixiyiinta

Wadaaddada diinta masiixiga ayaa haraadiga Amenhotep I mar kale ku aasay kaydka boqortooyada ee Deir el-Bahari si loo ilaaliyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip