Juventus Oo Ceshaneysa Paul Pogba Islamarkaana Xagaaga La Soo Wareegeysa Seddex Xiddig Oo Heer Caalami Ah Si Ay Ugu Guuleystaan Champions League.

0
Wednesday April 27, 2016 - 12:45:02 in Sports News by
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus Oo Ceshaneysa Paul Pogba Islamarkaana Xagaaga La Soo Wareegeysa Seddex Xiddig Oo Heer Caalami Ah Si Ay Ugu Guuleystaan Champions League.

    Kooxda hanatay horyaalka Serie A ayaa qorsheyneysa inay ceshato Paul Pogba islamarkaana ay la soo wareegto seddex xiddig oo heer caalami ah xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda hanatay horyaalka Serie A ayaa qorsheyneysa inay ceshato Paul Pogba islamarkaana ay la soo wareegto seddex xiddig oo heer caalami ah xagaagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Gazzetta dello Sport ayaa qortay in kooxda Juventus ay bartilmaameedsaneyso inay hanato Champions League xilli ciyaareedka soo socda, waxaana ay suuqa kala iibsiga ka raadin doonaan xiddigo ay ku sii xoojiyaan kooxdooda.

Pogba ayaa lala xiriiriyay inuu kooxaha waa weyn ee qaarada Yurub laakiin Juventus ayaa qorsheyneysa inay ceshato xiddiga Faransiiska si ay ugu tartamaan koobka ugu muhiimsan Yurub xilli ciyaareedka danbe.

Pogba

Wargeyska ayaa aaminsan in tababare Massimiliano Allegri uu doonayo inuu isticmaalo shax ciyaareedka 4-3-1-2, waxaana bartilmaameedkiisa koowaad ah xiddiga kooxdaBorussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan.

Xiddiga reer Armenia ayaa muhim u ah kooxda Bundesliga ka dhisan laakiin waxaa jira warar sheegaya suurtogalnimada uu ku bixi karo haddii Mario Gotze uu kooxda ku soo laabto xagaaga.

Khadka dhexe waxa ay doonayaan xiddiga Valencia Andre Gomes oo ah xiddig Portugal u dhashay kaasoo ay Juve ku qiimeyneyso 20 milyan yuro balse ay kooxda reer Spain ku dooneyso 30 milyan yuro.

Xiddiga mudada dheer diirada u saarnaa ee kooxda PSG Edinson Cavani ayaa ah dooqooda koowaad ee weerarka, laakiin waxa uu noqon doonaa mid qaali ah iyadoo lagu iibsan karo 40 milyan yuro iyo 7 milyan yuro oo mushaharkiisa sannadlaha ah.

Gazzetta ayaa sheegeysa inay jiraan seddex ciyaaryahan kale oo bedel u sii noqon kara ciyaartoyda: Xiddiga PSG Javier Pastore, xiddiga Leicester City N’Golo Kante iyo weeraryahanka Everton Romelu Lukaku.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip