Xuseen Ceydiid: Farmaajo dagaal waxba loogama qaadayo

0
Wednesday December 29, 2021 - 08:10:06 in Wararka by
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuseen Ceydiid: Farmaajo dagaal waxba loogama qaadayo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Siyaasiga Xuseen Faarax Ceydiid ayaa sheegay in Farmaajo uu doorasho ku yimid, doorashana uu ku baxi doono, balse dagaal aan waxaba looga qaadi doonin, sida hadalkiisa uu u dhigay.

Xuseen ayaa sheegay in arrinta hadda taagan aan la dhihi karin khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, balse ay iska tahay caadooyinka shaqada socota markaas.

Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa sheegay in khilaafkaan iyo cakirnaantaan doorashada ay tahay mid horay loo sii filaayey, kadib markii dowlad goboleedyadu ay si xun u maareeyeen doorashadii Aqalka Sare oo ay sameeyeen waxa uu ugu yeeray Malxiis.

"Mas’uuliyiintii hoggaanka doorashada loo dhiibay oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu horeeyo waxay daahinayaan doorashada, shaki badan ayey arrintaas gelisay aduun weynaha, shacabka Soomaaliyeed iyo musharaxiinta,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in mas’uulidda jiitanka doorashada uu leeyahay Ra’iisul Wasaare Rooble, "Waxaan leenahay xabad lama qaadan karo Madaxweynaha, loomana qaadan karo, Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Farmaajo yahay Madaxweynaha dalka oo qori iyo eedeyn aan looga saari doonin madaxtooyada, isla markaana aysan hadooneyn in la dhexgalo waxyaabaha ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

"Farmaajo qori isagoon qaadan Farmaajo wixii uu tabanaayo in warqadka wiifto ah uu ku soo saaro xaquu u leeyahay, Ra’iisul wasaarahaa laga rabaa inuu u tago oo dhaho Madaxweyne maxaad uiga rabtaa?” ayuu yiri.

Sidoo kale Xuseen Ceydiid ayaa shaaciyey in shalay uu u tegay Madaxweynaha, "Shalay waxaan u tegay Madaxweyne Farmaajo, wuxuu igu yiri ila taliya maxaan sameeyaa, berri waxaan la balansanay ra’iisul wasaaraha waan u sheegeynaa, qaladka jira iyo xalkiisa,” ayuu yiri Xuseen.

Xuseen Ceydiid ayaa Farmaajo aad ugu amaanay inuu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble oo nin aad u wanaagsan uu ku sifeeyey, isagoo sharaxay sababaha.

"Ra’iisul wasaaraha dhamaanteen waa naga qabiirsan yahay waa nin Soomaaliya mudo dheer kasoo shaqeynayey, waxuu ogyahay shacabka dhibaatada heysata, nasiib weyn ayaan leenahay, Farmaajana waa noogu hiiliyey inuu soo doorto nin Habargidir ah oo Sacad ah, anigu aad ayaan u aqaan Rooble waa nin culumo ah,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in Rooble markii uu xanaaqo uusan wax badan xeerin oo talaabadii uu doono uu qaadan karo, "Arrintaasna kuma jirto siyaasadda,” ayuu yiri waxuu sheegay in Rooble uu yahay nin aan xakameyn karin xanaaqiisa.

Xuseen Ceydiid ayaa dowladda ka dalbaday in doorashada ay masuulka ka tahay ay dedejiso, "Waxaan ka digaa in aan nala kala qeybin, in wasiir ciidan soo abaabulo oo yiraahdo hala weeraro madaxtooyada suurta gal ma ahan.”

Xuseen Ceydiid: Farmaajo dagaal waxba loogama qaadayo

Hoos ka daawo wareysigaan uu Xuseen siiyey TV-ga Shabelle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip