Zinedine Zidane Oo Ka Warbixiyay Xaalada Cristiano Ronaldo Iyo Karim Benzema Iyo Haddii Ay Taam U Noqonayaan Lugta Labaad Ee Bernabeu.

0
Wednesday April 27, 2016 - 12:43:50 in Sports News by
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zinedine Zidane Oo Ka Warbixiyay Xaalada Cristiano Ronaldo Iyo Karim Benzema Iyo Haddii Ay Taam U Noqonayaan Lugta Labaad Ee Bernabeu.

    Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka hadlay rajada uu ka qaba in Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay taam u noqdaan kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay isbuuca danbe la ciyaarayaan kooxda Manchester City.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka hadlay rajada uu ka qaba in Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay taam u noqdaan kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay isbuuca danbe la ciyaarayaan kooxda Manchester City.

Ronaldo ayaa ka fariistay lugtii hore ee Etihad Stadium oo ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah halka Benzema oo ciyaarta ka hor dhibaato ka qabay jilibka la bedelay waqtigii nasashada.

Zidane ayaa sheegay in labada ciyaaryahan ay boqolkiiba 100 taam u yihiin ciyaarta shirkiisii jaraa’id ee isniintii, laakiin waxa uu ii shegay in Ronaldo uu xanuun dareemay dhamaadkii tababarkii kooxdiisa ee ka hor kulankii xalayto.

1461708585_488278_1461708658_noticia_normal

"Waxaan iri boqolkiiba 100, laakiin waxaan sidoo kale sheegay inay weli tababar sameynayaan islamarkaana aan eegi doono xaalkooda” ayuu Zidane yiri, iyadoo kooxdiisa ay isku diyaarineyso inay habeenka arbacada Bernabeu ku qaabisho Man City.

"Cristiano xanuun ayuu dareemay ka dib tababarkeenii ugu danbeeyay. Waana sababta uusan u ciyaarin. Karim waa uu ka yara duwanaa. Laakiin intii ay ciyaarta socotay xaaladiisa waa ay sii xumaaneysay.

"Ma aanan dooneynin inaan ku qamaarno taam ahaanshihiisa. Waan ognahay sida ay inoogu muhiimsan yihiin labada ciyaaryahan.

"Waxaan rajeyneynaa inay labadaba ciyaaraan lugta labaad. Waa inaan maalinba maalinta ku xigta la sugno labadoodaba.”

Ronaldo ayaa taribuunka ka soo daawaday ciyaartii xalayto, halka Benzema uu waqtigii nasashada u baneeyay Jese.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip