HALKAN KA AKHRISO W.MOGTIMES TALAADO 28-12-2021

0
Tuesday December 28, 2021 - 08:22:28 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO W.MOGTIMES TALAADO 28-12-2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo oo taliye Odawaa amray inuu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Max amed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyaha ciida mada Xoogga dalka Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage amray in uu shaqada ka joo jiyo Taliyaha Ciidan ka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in xal ka qaadista Taliy aha ciidamada Badda ay muhiim u tahay dhamm eystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran

Amar Shaqo Ka Joojin Taliyaha Ciidanka Bad da Soomaaliyeed S/Guutto Cabdixamiid Maxa med Dirir Madaxweynaha JF/Soomaaliya Md. Ma xamed C/hi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidan ka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Ca bdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaa liyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waa faqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soo maaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl guda shadooda

R/W.Rooble oo ciidamo la dul-dhigay iyo xaalada oo kacsan

Xaaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo war ramayaa inay ka taagan tahay xarunta Villa Soo maaliya oo saacadihii u dambeeyey la geeyey ciidamo dheeraad ah, sida ay sheegtay in ay Ca asimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wasiir ku xigeenka wa saaradda warfaafinta oo war kasoo saaray xaalad da taagan iyo dhaq-dhaqa aqyada laga dareemayo Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socda Afgembi.

"Waxa socda Shalay waa afgambi dadban ma se guulaysanayo,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo la dul-dhigay xafiiska ra’iisul wasaaraha, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah.

"R/W Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay. In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxeey furaysaa alb aab cusub mana shaqayndoonto insha allaah,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri wasiir ku xigeen ka wasaaradda warfaafinta.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhex eysa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamma aday iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Ro oble oo isku hayo doorashooyinka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, wax aana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxlad doorasho. Soomaaliya ayaa ku daahday xaal adda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye

Rooble oo jawaab culus ka bixiyey tallaabadii Farmaajo

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab culus ku bixiyey tallaabadii ugu dambeysay ee uu qaad ay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamm aaday oo shaaciyey inuu shaqo joojin ku sameey ey R/ wasaaraha XFS, ka dib eedeymo uu u jeed iyey. Rooble oo ka jawaabay go’aankaasi ayaa marka hore Farmaajo ku tilmaamay madaxwey ne hore, wuxuuna sheegay in tallaabada uu qaa day ay baal-marsan tahay sharuucda dalka.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaadau in Far maajo uu bilaabay inuu awood ciidan kula waree go xafiiskiisa, isagoo ka digay dhaq-dhaqaaqya da haatan ka socda Villa Soomaaliya.

"Warka ka soo baxay mada xweynihii hore Maxamed C/hi Fa rmaajo ee khuseeya shaqada R/ Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska R/ Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan da stuurka iyo sharciyada dalka,” ayuu yiri.

R/wasaarha ayaa sidoo kale xusay in wixii ma s’uuliyad ah ee ka dhashay waxa haatan socda uu qaado madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qa adaya Maxamed C/hi Farmaajo,” ayuu yiri Roob le,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay ra’I isul wasaaraha inuu sii wadi doono waajibaadka loo igmaday, isaga oo shaaciyey in uusan cidna uga hebeysan doonin.

"R/Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waaj ibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doora sho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah,” ayuu yiri.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxa ana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii da reyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxalad doorasho.

RW Rooble” Farmaajo ayaa soo weera ray Xafiiskeyga si uu u boobo doorashada”

Ra’iisul Wasaaraha X/xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in tallaabooyinkii uu qaaday Madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaa jo ay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladn imada, Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Xafiiskiisa ayuu she egay in Farmaajo Shalay weerar ciidan uu kusoo qaadya Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha & Xarunta Golaha Wasiirada si uu uga horjoogsado guda shada waajibaadkiisa Shaqo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tlmaamay in ujeedada Farmaajo uu ka leeyahay tallaabooyinkan gurracan ee sharciga baal marsan waa in uu ku carqaladeeyo doora shada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah ,si la mid ah isku daygii fa shilmay.

Waxaa uu faray dhamaan Saraakiisha Ciidam ada Qalabka sida inay ka amar qaataan Xukuum adda, isla markaana ciddii fulin weysa amarkaas ay sharciga la tiigsan doonaan.

Ugu dambeyn R/Wasaaraha xilgaarsiinta wu xuu sheegay in Farmaajo uu yahay musharax la mid ah musharrixiinta kale, wuxuuna ku amray Saraakiisha Ciidamada in aysan ka amar qaadan Farmaajo, isaga oo cadeeyay inay ka go’an ta hay in dalka ka dhacdo dorasho xor iyo xalaalah

Macalimuu;”Warka Ka Soo Baxay Mada xweynihii Hore Waa Mid Baalmarsan Dastuurka”

Afhayeenka xukuumada ayaa ka hadlay qo raal Habeen hore ka soo baxay xafiiska Farmaajo wa xana uu ku tilmaamay mid baalmarsan dastuurka iyo sharciga dalka. Waxa uu afhayeenku sheeg ay in ra’iisul wasaaraha uu howlihiisa caadigaa ah si toos ah u wato balse waxa uu xusay inuu jirey isku day lagu doonayay in lagula wareego xafiiska ra’iisul wasaaraha

"Warka ka soo baxay madaxwe ynihii hore Maxamed C/hi Farmaa jo ee khuseeya shaqada R/Wasaa raha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska R/ Wasaar aha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhash ana waxaa qaadaya Maxamed C/hi Farm aajo. ”ayuu yiri Macalimuu.

" R/Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an inuusan cidna uga heybeysan gudashada waajib aadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si na bad ah.”ayuu sii raaciyay.

Wasiir Alcaddaala : Waxaa laga hortag ay isku day afgambi oo uu Farmaajo damacsanaa

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo kamid ah xubnaha dowladda ee aad ugu dhow raysal was aare Rooble, ayaa sheegay in laga hortagay isku day afgambi oo uu damacsanaa madaxweyne Farmaajo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo wareysi siin ayay BBC Somali ayaa sheegay in ciidamada ila alad a madaxtooyada Soomaaliya ay isku dayeen in ay xoog kula wareegeen xafiiska raysal was aar aha.Alcaddaala wuxuu sheegay madaxweyn e Far maajo in uusan lahayn sharciyad uu haat an R/wa saaraha shaqada uga joojin karo, isag oo tilmaam ay cidda sharciyada haysata inuu yah ay raysal wasaaraha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiir ku xigeenku in madaxtooyadu dagaal kula jirto qabsoomida shirka golaha wadatashiga qaran oo Shalay ay ku beegnayd xilligii loo asteeyay inuu ka dhaco Muqdisho.

Wasiirka Amniga” Weli waxaa jira Ciid mo tiro yar oo ku howlan Afgembi”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta C/hi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Habeen hore ilaa Shalay Madaxweynaha muddo xilee dkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu isku dayay in uu dalka ka sameeyo afg3mbi bal se uu dhicisoobay.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadl ay waxaa uu sheegay in Ciidamo sig aar ah uga amar qaata Farmaajo uu ku weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha & qeyb kamid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada balsle na siib wanaag tallaabadaas ay ka horyimaadeen qaar kamid ah ilaalada Madaxtooyada iyo qeybo kale oo kamid ah Ciidamada uu dhicisoobay.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay weli jiraan Ciidamo tiro yar oo ku ho wlan Afgembiga oo garan la’ in uu waaga ku bary ay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhama aday ee Farmaajo, wuxuuna ugu baaqay Ciidam ada inay difaacaan dowladnimada ayna ilaaliy aan hantida Suacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid

kasta oo ku lug laheyd Afgambiga dhicisoobay.

Rooble oo jabiyey xayiraadii Farmaajo Sidee ayuu ku tegay xafiiskiisa?

R/wasaaraha XFSMd.Maxamed Xuseen Roo ble ayaa ugu dambeyn jabiyey xayiraaddii uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dham maaday Maxamed C/hi Farmaajo , isaga oo teg ay xafiiskiisa.

Rooble oo ay wehliyaan taliyeyaasha Xoog ga, Booliska iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiira da ayaa waxa ay ciidamo ka amar qaata Farmaa jo ay isku dayeen inay hor istaagaan kolonyadi isa, balse wuxuu kadib lug ku galay xafiiskiisa, isaga oo jabiyey xiyaaradda. R/wasaaraha ayaa muujinaya dhabar adeeg xoog leh, wuxuuna haa tan si caadi ah u bilaabay shaqadiisa.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamma aday ayaa isna isku dayaya inuu shaqada ka jooj iyo ra’iisul wasaaraha oo ay haatan isku hayaan arrimaha doorashooyinka.

Xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka dareysa marba marka ka dambeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sii kordh aya walaaca laga muujinayo xaaladda. Sidoo ka le waxaa isa soo taraya baaqyada kala duwan ee loo diray Farmaajo iyo Rooble oo laga dalbanayo inay qaboojiyaan xiisadda dhexdooda ah.

Haddii ay arrintu sidan kusii socoto xaaladda ayaa isku beddali karta gacan ka hadal, iyado aad looga digayo inay xiisaddu gaarto halkaasi.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guur ka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo qalalaase horleh.

Mahdi Maxamed Guuleed oo shaaciyey mowq ifkiisa, soo saaray baaq xasaasi ah

R/ wasaare ku xigeenka XFS, Md. Mahdi Max amed Guuleed (Khadar) ayaa caddeeyey mo wqifkiisa ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda hadda ka taagan Villa Soomaaliya. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay dhex-dhexaad, isla-markaana uu noqonayo Tabliiq Nabadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweyna ha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha inay utaraan dalka, isaga oo guul u rajeeyey dadka Soomaaliyeed.

"Waxa aan ahay "Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka cay madiyaan. Soomaaliya Guul,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Mahdi Guuleed.

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa u muuqda inuu ka baxay garabka Farmaajo oo muddooyin kii la soo dhaafay ay ku wada jireen hal aag, mar ka loo eego khilaafaadkii iyo doodihii ka dhashay xaaladda kala guurka ah, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, xilli adag oo xasaasi ah, waxaana meel adag gaaray khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba,lama oga sida ay wax noqon doo naan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid ha atan kasii dareyso, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxalad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doora shoyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dal ka galo dagaal sokeeye

Rooble oo la wareegay mas’uuliyadda dalka, amarna siiyey ciidamada

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

R/wasaare Rooble ayaa tallaabooyinka uu qa aday Habeen hore iyo Shalay Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaa jo ku sheegay inay yihiin Afgambi.

" Talaabooyinka

uu qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnima da, Dastuurka iyo sharci yada dalka u yaalo”.

R/w/Rooble ayaa shegay in Farmaajo uu Shalay wee rar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaara ha iyo midka Golaha Wasiirada.

" Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xadgudbay wuxuu Shalay weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isagoo isku dayey inuu ka hor joogs ado inay gutaan waajibaadkoodii Qaran” ayuu sii raaciyey.

Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farm aajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqalade enayo doorashada dalka ka socota.

"Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku car qaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xa fiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay ee Bishii April ee Dalka la gu dumin rabay”.

R/wlasaare Rooble ayaa sheegay maadama uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo he y’adaha Dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waaji baadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

"Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in XFS oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dha mmaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qar anka”.

Dhammaan ciidamada kala duwan ee Dowl adda ayuu ku amray inay isaga ka amar qaat aan, wuxuuna ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa diida.

Rooble ayaa sheegay in Farmaajo uu kamid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweyne, wuxuuna ugu baaqay inuu faraha kala baxo howlaha doorashada.

"Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa musharax madaxweyne , wax ba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkaan u taagan, waxaana u caddeynayaa musharax ay aad tahay, gees u istaag sida musharixiinta oo kale kursigana u tartan, ciidamada kama amar qaadan karaan wax amar ahna ma siin karo maa dama uu doonayo inuu awoodaha Qaranka uga faa’idesto musharxnimadiisa una burburiyo dowl adanimada haddii uu waayo dantiisa shakhs iga ah taasoo ah waan boobaa ama waan badanaa”.

"Waxaan caddeynayaa inay iga go’an tahay ina an Dalka u horseedo doorasho hufan isla marka asa awoodda Dalka si nabad ah lagula kala ware ego si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu Dalka geliyey madaxweynihii hore.”

C/C/Shakuur: Dhamaanteen xafiiska Rooble ayaa noo ballan ah

Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa markale qoraal xasaasi ah kasoo saaray xaaladda cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan xiisadda hareysay Villa Soo m aaliya ee u dhexeyso Farmaajo iyo Rooble.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakiir ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha muddo xileedki isu dhammaa day,wuxuuna ku eedeeyey in uusan utureyn dow ladnimada, sidoo kalena uusan ilaalineyn dastuur ka & shuru ucda u taal dalka.

"Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, gu ud ahaan Soomaalida, gaar ah aan dadka degaankana waxba u ma hanbayn, xa d-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo bi llaabo weerar kii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wad ajir, shirqool kii lagu dilay AUN Eng Yarisow, wee rarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynay aashii hore, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaar ijintii Ikraan Tahliil, iyo Shalay uu Raysalwasaar ihii madaxi isa haysto,” ayuu yiri siyaasiga CC Shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ku sii da ray "Farmaajo nin garasho leh maaha, nin gar qa ata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayu u rabaa,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan odayaasha, aq oonyahanada, siyaasiyiinta, haweenka, dhalinya rada iyo ciidanka ay ka soo horjeestaan Farma ajo, ayna taageero u muujiyaan R/wasaaraha XFS "Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo cii dan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo caloo shiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qaba nnaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen Xaf iiska Rooble ayaa noo balan ah,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haat an xaaladda dalka ay tahay mid aad u cakiran, waxaana uga sii dartay xiisadda haatan ka tag an Villa Soomaaliya ee Farmaajo & Rooble.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Wasiirka Gaashaandhiga ” Waxaa fara yaa dhammaan ciidamada inaysan qaadan amarka Farmaajo”

Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga C/dir Ma xamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay xiisadda u dhaxeyso madaxweynaha waqtiga ka dhamma aday iyo Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday Farmaajo.

"Sida wasiirka Amniga faahfaahi yey dalkaan waxaa Shalay ka dhac ay Afgambi dhicisoobay, afgambig aas waxaa geystay oo ka shaqeey ey Madaxweynihii hore ee Soomaali ya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sababta Farmaajo ku kaliftay inuu tallaabadaan qaaday ku sheegay inay tahay sidii uu u boobi lahaa doorashada isagoo ciid amada Dowladda u diray digniin culus.

" Dhibaatada intaas la eg sababta loo marayo waa dareemi kartaan waa doorashada darteed, waxaana dhammaan CQS ugu baaqeynaa inays an ka qeybgelin falalka noocaan oo kale ah, intii Shalay isku dayday inay la wareegto xafiiska R/W asaaraha waxaan ku eegi doonaa il gaar ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wuxuu ciidamada faray inaysan qaadan amar ka madaxweynaha watigiisa dhammaaday wuxu una yiri " Waxaan uga digeynaa ciidamada inays an ku gadsoomin qaadashada iyo fulinta amara da madaxda danta gaarka ah ka leh arrimaha do orashada, waxaana rabnaa inaan dalka mar 2aad meel mugdi ah loo celin”. Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku soo aadayo xilli ciidamo ka amar qaato madaxwe ynihii hore ee Soomaaliya M.c/hi Farmaajo ay is ku dayeen inay xoog kula wareegaan xafiiska

Rwasaare Rooble.


Shariif iyo Xasan Sheekh oo war kasoo saa ray isku dayga afgambi ee Farmaajo

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay tallaabooyinkii ugu da mbeeyey ee uu qaaday mad axweynaha muddo xileedkiisu Maxamed Cabdullahi Farm aajo dhammaaday, iyada oo ku eedeeyey inuu sameeyey isku day afgembi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa

marka hore qoraal uu soo saaray ku cambaar eeyey fal uu ku sheegay ‘afgembi milatari’ oo uu sameeyey Farmaajo, wuxuuna sheegay in Umm adda Soomaaliyeed ay feejigan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay madaxweynihii hore. Ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jeeddaa waana feeji gan tahay,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa kusii daray "Wa xaan ku baaqayaa ilaalinta sharciyadda dimuqar aadiga ah ee uu dalka ku dhisan yahay & garab istaagga Ra’iisul Wasaaraha si dalka looga hirgeliyo doorasho

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shaaciyey in go’aanada kasoo baxay ma daxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ay halis ku yihiin dowladninada iyo xasiloonida dal ka, sida uu hadalka u dhigay.

"Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Far maajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladni mada iyo Xasiloonida Dalka,” ayuu yiri.

Shariifka ayaa ugu baaqay Farmaajo inuu dib uga joogsado faragelinta uu ku hayo arrimaha do orashooyinka dalka.

"Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dha mmaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana sa xo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hogaam inteeda RW Mohamed Hussein Rooble. Talaabo oyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo hor seedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa mad axweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorasha da,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa baaq u dir ay dadka Soomalaiyeed, wuxuuna yiri "Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majax aabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaq ayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel uga soo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowl adnimada,”.

Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan, xiisadda ka qaraxday Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareereysa, iyadoo tallaabooyinkii ay qaadeen labada dhinac ay uga sii dareen xiisadda.

Kheyre: "Farmaajo wuxuu isku qasa yaa dab iyo gaas”

Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdi sho ee Caasimadda Sooma aliya ayaa ka hadlay tallaab ooyinkii uu Habeen hore iyo Shalay qaa day madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxa med C/hi Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheeg ay in mustaq balka dalka uu galay mugdi isla markaasna ay Shalay joogto in la weeraro xafiiska Ra’isulwasaarihii dalka.

" Waxaa shaki ku jirin in Shalay dalkeena galay xaalad mugdi ah, waxaa shaki ku jirin in must aqbalkeena iyo mustaqbalka ubadkeena Shalay la huwiyey khatar aan indhaha laga qarsan karin, waxaana Shalay taaganahay in xafiiska R/was aarihii loo igmaday inuu daadihiyo dooras hada Dalka ciidamo la dul dhigo” ayuu yiri.

Kheyre ayaa madaxweynaha waqtiga ka dha mmaaday ku eedeeyey inuu dalka u jiheeyey god mugdi ah 30 sano kadib. "Nasiib darro wax aa muuqda in madaxweyna ha muddo xileedkiisa dhamm aaday oo looga fadhiyey do or odaynimo inuu ka doortay inuu dalka u jeeheeyo godki mug diga ahaa ee horey loo ga dhacay 30 sano ka hor” ayuu sii raaciyey.

Kheyre ayaa tilmaamay in Dalka oo ku jiro xaalado abuuro iyo dhaqaale xumo isla markaas na ay Al-Shabaab shacabkii dilayaan inuu Farm aajo go’aansaday inuu dalka ku maamulo Kaare.

" Waa caddahay halka uu Dalka u wado wa ayo waxaa muuqata inuu go’aansaday inuu isku qaso Dab iyo Gaas , in iyadoo Abaaro jiraan, arg agixisadii ay Shacabka gumaadayaan, dhaqaal ihii uu hoos u socdo, hey’adihii dalka ay wada cu uryaansan yihiin dadka Soomaaliyeedna ay doo rasho sugayaan in ninkii Ummadda Soomaaliy eed u dooratay inuu dhibka ka saaro isagana la ga rabay inuu bixiyo dulqaadka ugu badan inuu rabo inuu kaarayaal dalka ku xukumo” ayuu sii raaciyuey.

Ra’isulwaaariii hore ee dalka ayaa madaxda Maamu Goboleedyada dalka ugu baaqay inay qa ataan mas’uuliyadooda si deg deg ahna ay isugu yimaadaan si looga hortago qatarta taagan.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo hogg aankooda ayuu ugu baaqay inaysan ku milmin si yaasadda isla markaasna ay ka dhabeeyaan wi xii ay u dhaarteen oo ah badbaada Dadka.

Hadalka Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo aada yo xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Rooble iyo Farmaajo oo keenay in Farmaajo uu isku da yo inuu xoog ku qabsado xafiiska R/wasaaraha.

Nabdoon Xaad oo war kasoo saaray is ku daygii uu Shalay sameeyey Farmaajo

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka had lay xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa si adag uga horyimid tallaabooyin ka guracan ee uu qaad ay madaxweyna ha muddo xileedkiisa uu dhama aday, kuwaasi oo ka dhan ah R/ Wasaare Maxa med Xus een Rooble.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in xiisada da gaal ee ka taagan dalka uu aas-aas u yahay mad axweynaha muddo xile edkiisa uu dhamaaday, isagoona shaaciyey inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble.

"Waxaa nahay waxgaradkii deegaankan, xa bad xal ma keento oo natiijadeeda waa naqaana. Marka waxaa ku baaqeyna anaga oo ah Odaya ashii Hawiye in la joojiyo dagaalkaas iyo wixii sababi kara oo dhan,” ayuu yiri.

"Waxaa garab taaganah ay Raysal Wasaare Rooble, waxaana ka soo horjeedaan Fowdada Madaxw eynaha waqtigiisa dhamaaday ee Far maajo. Ina Farmaajo ha ka wareego doorashada oo caqab ada ha ka qaado.” Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dham aaday u jeediyay in uu faraha kala baxo arrim aha doorashada oo uu lamid no qdo musha raxiinta kale ee u taagan kursiga uu rabo in mar kale uu helo.

"Waddankaan waxaa u daawo ah oo mushkil adan ku xalismi karto waa in la helo doorasho da ah-furan oo la aamini karo, ayada ayaa ku baaq eyna waa soo dhaweynayna go’aamada uu markii hore qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, had dana waxaa leenahay ku hogaami hufnaan iyo fir-fircooni iyo inaad la tashi la sameysid Mad asha Wada-tashiga Qaran.”

Nabadoon Xaad ayaa ugu dambeyntiina mad axda dowlad goboleedyada dalka ugu baaqay inay dhinac istaagan Rooble, si loo saxo qalad aadka ka jira doorashada socoto, loona dadajiyo dhameystirkeeda.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu mad axweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu Shalay isku dayay in awood ciidan uu R/ Wasaara ha uga hor istaago xafiiskiisa, kadib shaqo joojin tii sharci darada aheyd ee uu Habeen hore saqdii dhexe soo saaray.

Villa Somalia oo ka jawaabtay afgambigii la sheegay in Farmaajo uu isku dayey

Cabdirashiid Maxamed Xaashi, afhayeenka Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Far maajo oo ka wajaabay eedeyntii afgembiga ee Shalay loo jeediyey Farmaajo ayaa ku tilmaam ay been abuur iyo wax aan meesha oolin.

Cabdirashiid oo la hadlay VOA ayaa she egay in waxyaabaha laga hadlay ay aha ay een fashilkii ku yimid doorasha da, balse ay san madaxtooyadu qa adin wax tallaabo militeri ah, isa goo ra’iisul wasaaraha ku eedeey ey ku takrifalka hanti dan-guud ah.

"Maadaama ra’iisul wasaaraha uu ku yimid kiis culus, waxaan rejeyneynaa inuu ka dabaasho oo sugo inta baaritaanku ka dhamaanayo, intaas ka horna waa la hakiyey awoodiisa iyo shaqadii ka socotay xafiiskiisa,” ayuu yiri Cabdirashiid Duqa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Shalay wax sha qaaqo ah aysan ka jirin madaxtooyada oo shaqo maalmeedkii caadiga ahaa uu ka socday, "Wax aa jira ciidan madaxtooyo, waana ciidanka ugu anshaxa badan ciidamada qaranka, Shalay in laga been abuuro ciidankaasna, waa qalad ku dhacay dowladnimadeena,” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo.

Sidoo kale Cabdirashiid ayaa qaar ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ku eedeeyey inay isku dayeen inay ciidan la soo galaan madaxtooyada, taas oo mamnuuc ka ah, isla markaana talaabad aas ay diideen ciidanka ilaalada madaxtooyada. sida uu sheegay C/Rashiid Xaashi.

"Rooble isgoo ka dhex hadlaya madaxtooy ada, hadii uu leeyahay waa la ii diiday madaxtoo yadii, waa alif wax maleh iyo waxbuu leeyahay warkiisu,” ayuu yiri.

Afhayeenka Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay hadalkii Ra’iisul wasaare Rooble ee ahaa in ciidanku aysan ka amar qaadan karin Ma daxweynaha, isagoo sheegay in Taliyaha ugu sa reeya ciidamada Qaranka uu yahay Madaxwe yne Farmaajo.

"Fashilka ku yimid doorashada lama sii eegan karo 14 bilood kadib, arrimaha Shalay nahor ya alla waa kuwo sharci iyo siyaasad looga daba alan karo, ma ahan arrimo ciidan iyo xoog lagu xali karo , arrimaha doorashooyinkana shirweyn ayuu madaxweynuhu iclaamiyey, kaas ayaana la gu go’aami doonaa jihada xigta ee la aadi do ono,” ayuu yiri Afhayeenka Farmaajo Cabdira

shiid Duqa.


Mareykanka oo u hanjabay kooxda Madaxweyne Farmaajo

Dowladda Mareykanka ayaa Xalay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Somaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika ayaa lagu sheegay in wax la ga naxo ay tahay tallaabada la isku dayay ee shaqa da looga joojinayay Ra’iisal asa are Maxamed Xuseen Rooble. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mareyka nku uu taageerayo dadaalada uu Ro oble ugu ji ro, sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wadar ogol ah.

"Mareykanku waxa uu diyaar u yahay inuu tal laabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Somaliya. Isku dayga shaqo ka joo jinta Maxamed Xuseen Rooble waa arrin laga na xo, waxaana taageeraynaa dadaalkiisa ku aad dan doorashooyin degdeg ah oo lagu kalsoo naan karo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada ugu yeeray inay ka waan-toobaan ficilada iyo hadal ada xaaladaha abuuri kara.

"Dhammaan dhinacyadu waa inay ka waan-to obaan ficilada iyo hadalada xanafta leh.” Ayaa lagu sheegay warka Mareykanka ka soo baxay.

Warka Mareykanka ayaa ah hanjabaad si toos ah ugu socota garabka Madaxweyne Farmaajo, taageero xoog lehna loogu muujinayo howlaha uu hormuudka ka yahay Ra’iisal Wasaare Roo ble.igniinta hanjabaadda wadata ee Mareykanka ka soo yeertay ayaa imaanaysa, xilli khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka uu u muuqdo mid xiisad isku bedelay.

Guddoomiye Filish” Marxalad adag iyo is qab qabsi siyaasadeed ayaa lagu jiraa”

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdi sho Cumar Filish Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in marxaladaha hadda lagu jiro ay tahay mid adag oo isqab qabsi ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kud aray in dadka kunool Gobolka Banaad ir looga baahan yahay in aysan qeyb ka noqon oo ku mashquulin is qabqabsiga siyaas adeed ee jira iyo doodaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha oo xariga ka jaray Suuq laga furay degmada Deeyniile waxaa uu ugu baaqay Shacabka Muqdisho inay sigaar ah isaga xilsaa raan Amniga, Nadaafadda igo bilic dhiska iyo xasiloonida Ummadda

” Khilaafkii iyo mushkilad kasta oo soo martay M/Muqdisho waxaa ay aheyd mid abuurtay macluul daran, Amni xumo iyo mid isku socodkii iyo noloshii meesha ka saartay, wuxuina ugu baa qay dadka reer Muqdisho inay dantooda gartaan.

Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha G/Ba naadir ahna duwa Muqdisho Cumar Filish ayaa ku soo aadaya xilli Shalay Muqdisho siweyn loo ga dareemay xiisadda u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Muxuu Rooble kala hadlay xubnaha mucaar adka qaarkood

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiski isa ku qaabilay Cabdiraxma an Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariin Xuseen Guul eed, oo labaduba ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta ee mucaaradka. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inay Ra’iisal Wasaaraha uga mahadceliyeen, sida uu kaga hortagay afgembiga, sida uu yiri.

"Waxaa dhowaan soo idlaaday kulan aan la ye elanay Ra’iisal Wasaare Maxamad Xuseen Roo ble. Waxaan uga mahadcelinay sida geesinnma da leh ee uu uga hortagay afgembiga.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa kaloo uu yiri "Inqilaabkan oo kale wuxuu dalka ka dhacay 1969-kii, oo lagu afgembiyay hay’adihii rayidka ee dastuuriga ahaa ee dalka.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu Xalay soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay inay Rooble u caddeeyeen in ay sha cabka Soomaaliyeed garab taagan yihiin.

"Waxaan u caddeynay in shacabka Soomaali yeed iyo kan caasimaduba ay garab taagan yihiin.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta So maliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaa la) iyo Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga Gal mudug, Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Sababta Qoorqoor iyo Guudlaawe uga aamusan yihiin xaaladda cakiran ee dalka

Xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid cakiran, xilli uu kilhaaf cusubi soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra ysalwasaare Rooble, kaas oo gaadhsiisan in dhinac dhinaca kale ku eedeeyo dastuur jabin. Madaxweynaha ayaaa sheegay in uu shaqada ka joojiyey raysalwasaaraha, halka raysalwasa aruhuna sheegayin ‘madaxweynihii hore’ isku de yayo in uu dalka carqaladeeyo.

Tan iyo markii khil aafkaasi soo baxay dhinac yada siyaasadda Soo maaliya ayaa muujinayey halka ay arrinta ka taa gan yihiin, hadday tahay s iyaasiyiin, madaxdii hore, xildhibaanno iyo dab can qaar ka mid maa mul goboleeddada.

Maamullada Jubaland iyo Puntland kal horeba waa ay caddeeyeen mawqifkooda iyaga oo sheegay in ay u hoggaan san yi hiin shirka wadatashi ee uu ku baa qay Raysalwasaaruhu.

Halka Koonfur Galbeed ay si ba dheedh ah u caddaysay u in aanay ka qayb galayn shirka uu cilaa miyey Raysalwasaaraha, halka dhanka kale ay di yaar u tahay "baaqa Madaxweynaha si looga ta shado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga soc odka doorashooyinka dalka.” ayaa ku yidhaahde en warbixintii ka soo baxday, taas oo caddaynay sa in ay la safan yihiin khilaafkan dhanka madax weynaha.

Waxaa se saddexdaa maamul sida ay u cadde eyeen mawqifkooda aan u caddayn labada ma amul ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

Dad badan ayaana u arka in labadan ay ka mu quuranayaan xaaladda taagan, iyaga oo raba in aanay sida maamulladan kale u caddayn labada dhinac, dhinaca ay u hoggaansan yihiin ama u jandjeedhaan.

Maxaa ku qasbaya haddaba in ay sidaa yeelaan?

Cabdi Faarax Siciid Juxa, waxa uu hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dawladda Federaalka, waxaannu weydiinnay bala waxa ay tahay caqabadda gaarka ee ka hor istaagaysa in ay mawqif cad qaataan, xilligan dalku ku jiro xaal ka adag.

Juxa ayaa qaba in labada maamul labada dhi nac ee uu dhaxeeyo khilaafka siyaasiga ay lab ada midba dan ka leeyihiin, isla markaana aanay rabin in dhan isku diraan.

"Haddii loollan siyaasadeed yimi, labadaan ma amul ee Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa lagu tuhmi karaa in dadka siyaasadda ku loollamaya ee musharixiinta ahi aya ka soo jeedaan lab adaan gobol, Villa Somalia-na ay tahay niman ay abaal gashatay oo xilka markii ay imanayeen ay caawisay oo siyaasadda ugu hiilisay ahaan, sid aa darteed ay jecel yihiin in ay ku noolaadaan le ga jecli lugta jecli oo ku noolaadaan dhex dhexa ad ahaadaan, oo dhinacna ay eed ka gelin. Villa Somaliya aysan ka abaal dhicin, ragga ay gobol ka ka soo wada jeedeenna aanay eed ka galin” ayuu qabaa Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Axmed Macallin Fiqi, oo wasiir ka soo noqday Galmudug ayaa isna xaaladda haysataa maamu lladaas ku qeexay in ay tahay kala aragti duwan aan u dhexaysa madaxda maamulladas iyo sida ay danaynayaan shacabkoodu.

"Maamulladan iyo kuwaa kale dabeecaad ahaan waa ay kala duwan yihiin, hadday tahay qaabka madaxdoodu ay ka timi, sida ay dadkoo da u metelaan iyo waxa ay ka turjumaan intaba aad bay u kala duwan yihiin. Dadka deegamma dan deggan Hirshabeelle iyo Galmudug hoggaa miyayaashoodii ugu waaweynaa waxa ay jooga an muqdisho. Markaa iyagu go’aan Villa Soomaa liya ka dhan ah ma qaadan karaan, go aan ka shacabkooda ka soo horjeedana ma qaadan ka raan. Sidaa darteed ayay muluc muluc ugu jir aan.

Maxay kaga duwan yihiin maamullada kale?

1: Maamullo cusub: Waa labadii maamul ee ugu dambeeyay ee la dhiso, qeybna ka ah nidaamka federaalka Soomaaliya, sida uu qabo falanqeeye siyaasadeed Xasan Xayle oo London ku sugan, ma ahan maamullo wali adkaystay, lehna waayo aragnimo ku filan oo ay xilka kusii xajistaan.

"Tan koowaad waxaan isleeyahay in ay tahay waa maamullo curdun ah oo aanan xoogeysanin” ayuu yiri Xasan Xayle.

Labadaba waxaa la dhisay sanadihii ugu dam beeyay xilka ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana jirtay dood ah in haddii madaxweyne cusub uu dalka qabsado in isbadal uu ku dhici karo maamul goboleedyadan,

Marar badanna waxaa la sheegaa kolka la da mco in madaxdooda xilka laga qaado in ay ka fududdahay kuwa kale ee maamul goboladeedd ada, dhawr jeer ayayna dhacday in iyaga oo aan muddo xiledkooda dhammaysan madaxdoodii xilka laga qaado.

2: Ma haystaan ciidammo u gaar ah: Galmud ug iyo Hirshabeelle waxaa ka hawlgala ciidamma da dowladda federaalka haddii ay ahaan lahaay een xoogga dalka iyo waliba kuwa nabad suggi da oo si toos ah uga amar qaata dowlada dhexe.

3: Tabardarro Dhaqaale: Labadan maamul ma lahan illo dhaqaale oo u gaar ah, si ka duwan ma amullada kale oo gaaray isku filnaan illaa xad ah oo ay kaga maarmaan dowladda dhexe.

Xasan Xayle oo ka faallooda arrimaha siyaas adda ayaa sheegay: "Maamuladan ma heystaan dhaqaale fiican, waxay ka cabanayaan dhaqaale xumo, iyo in dowladda dhexe aysan waxbo u qo ondeynin”. Waxaa la sheegaa in maamul gobo leedyada Jubbaland iyo Puntland ay leeyihiin dekedo uu kasoo galo dakhli ay ku maareeya an arrimahooda, halka Hirshabeelle iyo Gal mudug ay ku tiirsanyihiin dowladda dhexe.

4: Khilaafka u dhexeeya Madaxdooda: Maa daamaa lagu dhisay nidaam dib u heshiisiineed oo awood qeybsi ah, markii la dhisayayna uu jir ey khilaaf badan, waxa la sheegay in madax dooda ay aad u kala qeybsanyihiin.

"Markii khilaafkii Khaliijka uu dhacay sida mad axda Galmudug ay u kala safteen dadka qaark ood waxa ay kuu fasireysaa in ay ku xiran tahay moowqifyada bulsheed ee ay kasoo kala jeeda an,” ayuu yiri Xasan Xayle oo BBC-da u waram ay isaga oo London jooga. Madaxda maamull ad an ayaa badanaa lagu ee deeyaa in ay Muqdisho toos ugu xidhan yihiin oo halkaa muddo badan ku qaataan, iskana joogaan oo aysan wakhti badan gelin Cadaado iyo Jawh ar.

Wareysi: Muxuu Cabdiqaasim Salaad Xasan ka yiri khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble?

Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasim Sa laad Xasan oo ka hadlay khilaafka Mad axweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday in mar kale ay dhagihiisu maqlaan khilaaf nooca an ah.

Sidoo kale Cabdiqaasim Salaad ayaa soo jee diyey in ciidamada qaranka laga ilaaliyo siyaasad da, "Siyaasadda waxaa la rabaa inay noqoto mid dad umadoo dhan u codeyso ay hogaamiyaan,” ayuu yiri.

Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa Farmaajo iyo Rooble ka dalbaday in khilaafkaan ay soo af jaraan, isagoo waxgaradka Soomaaliyeed ka cod saday inay xal deg deg ah u raadiyaan khilaafk aan, hadii labada nin ay is xali waayeen.

"Waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaali yeed, waxaan idin leeyahay guddi inta qabtaan ha dhex-galeen madaxdaan is khilaaftay, hala sa meeyo guddi arrintaan xaliya, kadibna iyadoo heshiis la yahay, doorasho hala galo dalku, waa nabadoobayaa markaas,” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale madaxweynihii hore Cabdiqaasim ayaa sheegay in waqtigaan uu yahay mid aad u adag oo in la is khilaafo aan ku habooneyn, "Xa aladaan dhibaato ka dhalata waxaa looga baaqs an karaa, in waxgaradka caasimadda jooga ay la hadlaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo runta loo sheego,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in xaalada an looga bixi karo in kaliya gacmaha la is qabsa do, si loo maareeyo xaaladaan adag, "In la wada hadlo oo la isla arko waxa la isku heysto ayaa lo oga bixi karaa xaaladaan,” ayuu yiri Cabdiqaasin Salaad Xasan.

Xigasho:VOA

Madaxweyne Biixi "Farmajow hadad go'aa nsatay, 'cidna iga danbayn mayso, oo waan

 burburinayaa' kuu suurogali mayso"

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cab di, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ku eedeeyay, in uu qorshaystay in uu Soomaaliya burburiyo, waxa ka le, oo uu ku eedeeyay in uu ka da nbeeyay qalalaasihii Boosaaso ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu waxba ka baran wakhtigii ay ciidamadu soogal een Muqdisho jahawareer siyaasadeed awgii, is la markaana imika ay raysal wasaarihii madaxa iskula jiraan.

"Ninka Xamar ka taliya ee mudo dhaafka ku jooga, iyo raysal wasaarihiisii waxay isku khilaafe en maamulkii, bishii April ee sannadkan ciidamo ayaa weeraray oo madaxtooyadii weerar ku qa aday oo isku wareejiyay, waxay ila tahay madax weynaha Xamar jooga kuma waantoobo wixii Xa mar ka dhacay Shalayna car iyo car ayay tagan tahay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyadii qalalaasihii Boosaaso lasoo gaadhsiiyay isbitaa lada Hargaysa, isagoo Farmaajo ku eedeeyay masuuliyada dhibaatadaa.

"Dabkii uu ka shiday Boosaaso madaxweyna ha Xamar joogaa dhibtiisii Hargaysa ayay soo ga adhay, 4 shicibkii Boosaaso kamid ah ayaa Sha lay yaala isbitaalada Hargaysa, qoxooti tobanaan kun ah oo soo qaxay ayaa gobolka Sanaag ku sugan" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu doonayo in aan cidi ka danbayn "Hadii aad damacday 'cidna iga da nbayn mayso oo meesha waan burburinayaa', ku u suurtogali mayso, waxan ku talin lahaa Muq disho dadka joogaa in ay ka tashadaan siday dhibta uga bixi lahaayen, wayo anagana way na soo gaadhaysa".

Madaxweynaha Galmudug oo deg deg ku imaanaya Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa lagu wadaa in uu deg deg ugu soo laabto M/ Mu qdisho, isaga oo hadda ku sugan M/ Dhuusamareeb. Madaxweyne Q oor Qoor oo aan weli cadeyn mowq ifkiisa ku aadan in uu ka qeyb gal ayo Shirka uu ku baaqay Rooble ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor uu bilaabi doono waan waan lagu xalinaayo khilaafka u dhaxeeya Farm aajo iyo Rooble.

Dgowr jeer oo hore Madaxweynaha Galmudug ayaa isku dayay in uu xaliyo khilaaf soo kala dhe xgalay Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Rooble balse uu ku guuldareystay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/hi Fa rmaajo & R/Wasaaraha xilgaarsiinta ee Maxam ed Xuseen Rooble ayaa aad u xoogeystay sa acadihii la soo dhaafay.

Ilhaan Cumar oo ku baaqday in Farmaajo xilka isaga dego

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada ee dowladda Mareykanka ayaa Madax weynihii hore Farmaajo u soo jeedi say in la joogo waqtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorasho deg deg ugu qabsoonto.

Xildhibaan Ilhaan oo gabar Soomaali Mareykana ah waxay ka tirsan tahay xisbiga tal ada dalkaas haya ee dimoquraadiga, waxayna xubin ka tahay guddiga arrimha dibadda ee gol aha wakiillada dowladda Mareykanka.

"Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileed kiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bi xi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Warka Xildhibaan Ilhaan ayaa ku soo aaday iyadoo Habeen hore dowladda Mareykanka ay sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqa badda ku ah nabadda Soomaaliya, waxuuna Ma reykanku si cad uga horyimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku same yey ra’iisul wasaare Rooble.

"Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

"Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersa nnahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacya da waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada ka sii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran looga baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Waa qoraalkii ugu kululaa ee Mareykanka kasoo saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu si toos ah taageero ugu muujiyo mid ka mid ah dhinacyada is-haya.

Ciidamada Badbaado Qaran oo Xalay qabsaday xaafado ku dhow VILLA SOMALIA

Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo had da shir jaa’id ku qabtay meel u muuqata Mad axtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey

inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xu seen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dam be uusan u qaban, si Farmaajo ay u soo qab taan.

Sidoo kale sarkaalkaan oo shirka jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee u dhaw taalada Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada dalka ayaa sheegay in hadii dagaal dhaco aysan burburi doonin wax ka badan halka kilo mitir ee Farmaajo uga jiro Muqdisho.

"Dhowr bilood ka hor ayaan ka tagnay halka an, kadib markii uu na amray R/Wasaare Rooble, xiligaas waxaan ogeyn in Farmaajo uusan ka bixi doonin madaxtooyada, balse waxaan qadariney nay ra’isul wasaaraha, Shalay ma laaba doono, anagoo soo qaban Farmaajo, isagaa nagu kalifaya inaan soo qabano,” ayuu yiri sarka alkaan.

Ciidanka badbaado qaran ayaa Rooble ka co dsaday inuu ku fasaxo inay soo qabtaan Farm aajo, "Waxaan ka codsaneynaa Rooble in waqti dambe uusan noo soo qaban oo uu naga hor wa reego, Rooblow hana gaarsiin inaan anagu kala dhimano,” ayuu yiri.

Sarkaalka u hadlay badbaado qaran ayaa intaas ku sii daray, " Waxaa idiin cadeynayaa ha dii burbur dhacaayo, waxaa burburi doona halka KM ee Farmaajo ku jiro, intaan ka badan nagu sii xad gudbi maayo, bulshadana waxaan ka codsa neynaa garab istaag.”

Dharkeenleey Oo Ku Guuleysatay Koobka Kubbadda Cagta Degmooyinka Iyo Deegaanada G.Banaadir

Degmadda Dharkenleey ayaa ku guuleysatay Koobka Kubbadda cagta degmooyinka iyo de egaanada G.Banaadir 2021, kadib cayaar kulul oo Garoonka En.Yariisow kula yeelatay Deg mada Warta nabadda ee G/ Banaa dir.

2da dhinac ayaaa soo bandhigay cayaar la wada jeclaystay oo ay usoo daawasha tage en kumannaan ka mid ah dad cayaaraha xiisee ya,waxaana intii cayaartu socotay ay labada dhinac Abuurreen fursado goolal loo filan karay.

2da Gool haye ayaa sidoo kale bad-baadiyay fur sado, waxaa isku dayo macquul ah sameeyay weerar yahannada labada kooxood iyo xidigaha khadka dhexe.

Balse cayayarta ayaa ku dhammaaatay barb arro goolal la’aan ah oo labada dhinac wey is mari waayeen,taasi oo keentay in loo baahdo in lagu kala saaro gool ku laad ama Rigoore yaal.

Degmooyinka Dharkeenley iyo Warta nabadda ayaa tuurtay min Todobo gool ku laad, waxaana Degmada Dharkeenlay ay shabaqa ku hubsatay 6 darbo, halki dhiggeeda Warta Nabaddana ay is ka khasaarisay labo gool ku laad,taasi oo ka dhi gan in 7-6 farqi ah ay guushu ku raacday degm ada Dharkeenlay oo ka mid ahayd naadiyada sida weyn loogu saadaalinayay koobka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip