HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES SABTI 25-KA DEC.-2021

0
Saturday December 25, 2021 - 08:33:26 in Wararka by
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES SABTI 25-KA DEC.-2021

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

FARMAAJO oo war kasoo saaray dagaal lada Boosaaso

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Far maajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada magaalada Boosaaso ee u dhaxeeya ci idamada PSFee uu hoggaamiyo Jeneraal Maxam uud Cismaan Diyaano iyo kuwa maamulka Saciid Deni

Qoraal kasoo baxay madaxtooya da ayaa lagu yiri "Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba Shalaysan. "

      "Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qay baha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqay aa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal wa ara.” Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada iyo qara abada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga ma armi karey, wuxuuna dadkii ku dha awacmay Alle uga baryay inuu degdeg ugu booga dhayo.

    "Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabad aynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wada an isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaa gay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, loogu na danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

      Dagaallada Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 14 qof, waxaana ku dhaawacmay toban naan kale, waxaana ka dhashay baakac xaafadaha qaarkood.

      Dagaalka ayaa istaagay Dorraad kadib markii xab bad joojin uu ku dhowaaqay Wasiirka Amniga ee Pu ntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa ’id ku qabtay M/ Boosaaso, taasi oo sidoo kale ay aqbaleen PSF.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda IGAD

      Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xogh ayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh

     Gebeyehu kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta IGAD iyo DFS gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqa alaha. R/Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hir galinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafo oyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdi sho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hir gelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

Farmaajo Oo Xarigga Ka Jaray Xarun Ay IGAD  Ka Furanayso Magaalada Muqdisho

     Madaxweynaha J/F/Soomaaliya, Maxamed C/hi Farmaajo oo uu weheliyo Xoghaya Guud ee urur Gobaleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa M/ Muqdisho xarrigga ka ga jaray Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee La-socodka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaan ka. Madaxweynaha  Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa soo bandhigay muhii madda ay Xaruntani u leedahay guud ahaan dalal ka Geeska, gaar ahaan Soomaaliya oo martigali naysa Xaruntan heer gobol, isaga oo tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu Gobolka ku yahay caqabad ay tahay in la iska kaashado.

     "Xaruntani waxa ay muhiimad weyn u leedahay Guud ahaan Gobolkeenna oo ay ka caawin doonto hirgelina Qorsheyaasha Isbeddelka Cimilada ee IGAD, Midowga Afrika iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Paris. Waxa ayna ku soo beegantay xilli ay Gob olka ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada ee abaaraha, fatahaadaha iyo nabaad-guurka.”

     Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ay aa uga mahad celiyey DF/ Soomaaliya martigelinta Xaruntan, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tari doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dha sha isbeddelka cimilada.

    Xaruntan cusub ee IGAD ayaa ka shaqayn do onta la-socodka iyo wax-ka-qabashada isbeddella da cimilada iyo ilaalinta badqabka deegaanka ee da lalka IGAD, iyada oo diiradda saari doonta ururin ta macluumaadka, cilmi-baarista iyo soosaaridda warb ixinnada ku aaddan dhibaatooyinka ka dhasha isbe ddelka cimilada, oddorosidda iyo ka jawaabidda masiibooyinka dabiiciga ah.

     Munaasabadda waxaa ka qayb galay Wasiirrad da Wasaaradaha qaybta ka ah Xaruntan oo ay ka mid yihiin Wasiirka, Maaliyadda Md.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Qorshaynta Qaranka Mudane Jam aal Maxamed Xasan, Xannaanada Xoolaha Maxa med Aadan Macallim iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasa aradda Beeraha Mudane Xaamud Cali Xasan.

Ra’iisul Wasaare Rooble "Waxaa Jira Dad Isku Dayaya In Ay Carqaladeeyan Doorashada”

     Ra’iisul Wasaaraha XF/Soomaaliya ee xilgaarsii nta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in doo rashada Soomaaliya haddii ay dhici weydo uu dalka ka galayo xaalad mugdi ah, ayna dadka ku adkaan eyso noloshada caadiga ah.

     Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dib u dha ca ku yimid doorashada uu hoos u dhac weyn u ke enay Ganacsiga dalka, isla markaana ay istaageen dhammaan lacagihii DFS lagu taageeri jiray, sab abo la xiriira is jiid-jiidka ka jira doorashada.

     Rooble ayaa Carabka ku dhuftay inay jiraan dad carqalad ku haayo doorashada dalka ka dhaceysa oo ay ka shaqeynaya Ajendooyin kale, ayna ku do onayaan inay jiidaan ama ay hakiyaan doorashada Soomaaliya, isla markaana da no kale  ka dhex raadinaya.

"Meesha loo socdo waa doora shada in la carqaladeeyo, ca daaladda waa ay naga go’an tahay hufnaanta doorashada waa muhiim cid kasta oo caqabad u aragta cadaalada aan wadno, iskuna daydo inay xumeyso doorash ada kama yeele yno”ayuu yiri Rooble oo aan sheegin cida carqalada ku heyso doorashada.

     Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha Xu ku umadda ayuu sheegay in Isniinta soo soco ta uu M/ Muqdisho ka furmayo Shirka Madaxda G/Wadatas higa Qaran oo loo ga hadli doono dardar-gelinta iyo sixida hann aanka doorashada.

     Hadalkaan ayuu R/Wasaare Rooble ka sheegay kulankii Dorraad ay yeesheen G/ Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dar dargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka iyo diya argarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay laamMmha amniga ee G/Banaadir.

     Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha G/ Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyey aasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaa nnada Gobolka Banaadir ayaa ka xog-waraystay xa aladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dho wrka Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtoyada Somaliya.

      Madaxweynaha ayaa ka digay saameynta ma andooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horum arka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay le edahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caa simadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maan dooriyaha oo helis ku ah noloshooda.

     "Dalkeenna waxaa ku soo xoogeystay khatarta cadow ay tahay in aan si adag u wajahno, dhamm aanteenna aynu u wada istaa gno sidii aan uga badbaadin la hayn ubadkeenna. Cadowgaas oo ah Maandooriya ha ku soo badanaya dalkeenna ee khatarta ku ah xasiilloonida waddanka iyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.”

     Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah La amaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahansanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda, wa xa uuna faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee G/Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan.

     Dhankooda, Guddoomiyaha G/ Banaadir Md. Cu mar Maxamuud Maxamed, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbi xiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimad da iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nab adda, dib-u-dhiska iyo horumar inta G/ Banaadir

ODAWAA oo magacaabay guddi baara kiiska dhul-boob ee lagu eedeeyey ROOBLE

   Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Oda waa Yuusuf Raage ayaa magacaabay guddi baar boobka la sheegay in lagu sameynayo dhulka ciid amada badda Soomaaliya, oo dadka lagu eedeeyey uu ka mid yahay ra’iisul wasaare Max amed Xuseen Rooble.

     Warqadda kasoo baxday Odawaa ayaa astaan u ah inuu sii xoogeysan ayo khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wa saare Rooble, ayada oo uu socdo olole dacwad loo gu furayo ra’iisul wasaaraha.

    Kooxda madaxweynaha ayaa qorsheyneysa in marka dacwad lagu furo Rooble uu madaxweynaha amro in shaqo ka-joojin lagu sameeyo ra’iisul wasa araha, si looga wareejiyo hoggaanka xukuumadda iyo doorashada, oo loogu gacan geliyo ra’iisul wa saare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guled Khadar.

Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Jeneraal Odawaa

Ujeedo: Magacaabid guddi

    Ayadoo la tixraacayo warqadda tixraaceedu yah ay WG/XW/00174/21 kana soo baxday Xatiiska Wa siirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya, soona baxday 21.12.2021 kuna saabsaneyd Baaritaan iyo wax ka Qabasho   Dhacdo si waafaqsan sharciga.

     Laga bilaabo Shalay oo ay Taariikhdu Tahay 21.12.2021, Waxaan Saraakiisha hoos ku xusan u magacaabay Guddi Baaritaan ku sameeya dhacda da ku cad warqadda kor ku xusan, waana sidaan magacyadooda:-

1. S/guuto Maxamud Sheikh Cali Maxamed, Guddo omiye

2. S/guuto Maxamed Tahliil Biixi, Guddoomiye ku-xigeen

3. S/guuto Maxamed Xaashi Guuleed, Xubin

4. S/guuto Maxamed Xasan Raage, Xubin

5. S/guuto Cabdullahi Warsame Siyaad, Xubin

Sidaas darteed, waxaa Guddiga Saraakiisha sare ku xusan lagu adkaynayaa inay si hufan u gutaan shaqada iyo waaajibaadka loo igmaday.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

C/xmaan Faroole oo ku eedeeyay Isimada G/Bari inay huriyeen colaadda Boosaaso

        Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Far oole ayaa ku eedeeyay Isimada gobolka Bari in ay qeyb ka leeyihiin colaadda magaalada Boosaaso.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo Shalay la hadl ayay BBC Somali ayaa sheegay, Isimadu in ay fara ha lasoo galeen arrimo siyaasadeed oo ay ahayd in ay maamulka uga dambeeyaan

Faroole wuxuu sheegay Isimadu in ay leeyihiin in ay sulux wax ku xalliyaan, balse aysan wax door ah ku lahayn ar rimaha siyaasada iyo maamulka.

"Isimadii qoraalka soo saaray iyagaa wax sii fogeey ay, ma aysan qaadan doorkii ay lahaayeen. Waxa ad moodaa inay isku ku qasan yihiin doorka ay lee yihiin Isimada iyo doorka dowladda,” ayuu yiri Cab diraxmaan Faroole.

     Faroole iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Pu ntland, sida Cabdwali Gaas iyo Cumar Cabdirashi id, ayaa kulan ay Dorraad Nayrobi ku yeesheen wa xay ku baaqeen in colaadda loo joojiyo.

     Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ay sharci tahay xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimaha PSF,  bal se madaxweyne Deni iyo maamulkiisa waxay ugu baaqeen in hab nabad ah loo wajaho sidii loo dham ayn lahaa colaadda magaalada Boosaaso.

Wasiirka Howlaha guud iyo madax kale oo booq day safaaradda Soomaaliya ee Masar

     Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Safaaradda kuso dhaweeyay Was iirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo dib u dhi ska Xuseen Maxamud Sheikh Xuseen iyo Gudoomi yaha guddiga madaxa ban aan ee la dagaalanka Mus uq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xusen Xaamud.

Wasiirka iyo Gudoomiya ha ayaa si wadajir ah ugu bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar waxqabadka iyo Horumarka xowliga ah ee Safaaradda ka socda iyagoo sheegay in de daalka Safiirka ay aasaas u tahay Hufnaanta sha qo, Maamul wanaagga iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

     Wasiir Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen iyo Gudoomiyaha ayaa Diblomaasiyiinta Safaaradda ku booriyay iney Jaaliyadda u muujiyaan dabacsanaan & soo dhaweyn iyagoo sheegay iney marqaati ka yihiin shaqadda wanaagsan ee ay qaranka u hayan.

Jeneraal Xuud "Hadii wanaaga doorashada la fiirin waayo waxaa dhaceysa in la isdilo oo uu dhiig daato"

     Shirjaraa'id ay si wadajir ah ugu qabteen gudaha M/Baledweyne hoggaanka sare ee Golaha Kacdo onka gobolka Hiiraan ayaa waxay kaga soo horjee steen hadalkii dhawaan ka soo     yeeray madaxw eyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ee ahaa in doorashada G/Shacabka ciday rabaan kusoo saari doonaan.

      Madaxda G/kacdoonka Hiiraan oo u horkacaayo Jen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud ay aa waxay sheegeen in doorashada 25-ka kursi ah ee taala M/ Baledweyne in ey doonayaan iney noqoto mid ku dha cda si xor iyo xalaal ah, islamarkaana aysan aq bali doonin in la carqaladeeyo doorashada kuraasta taala Baledweyne oo la boobo.

     "Nidaamka iyo sharciga doorashooyinka ay umm adda Soomaaliyeed ku heshiyeen waa in la raaca oo aanan lagu xad gudbin nidaamka, hadii ay tim aado in lagu xad gidbana waxaa imaaneysa inuu dhib dhaco, anaga gole ahaan waxan horay u aqba lnay in doorasho xalaal ah ka dhacdo Baledweyne, balse haatan waxan aragna in la doonayo boob, mana la boobi karo doorashada wanageedana waa in uu ka yimada dowlada iyo dadka Soomaaliyeed, haddii wanageda la fiirin wayana waxa dhaceysa in la isdilo oo dhiig daato" ayuu yiri Jen. Abuukar Xuud.

    Hadalkaan kasoo baxay G/Kacdoonka Hiiraan ay aa imaanaya xili dhawaan uu M/Baledweyne ka sheegay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle in doorashada kuraasta Baledweyne taala ay kusoo saarayaan cidii ay iyaga rabaan, taasoo abuurtay walaac badan oo la xariira sida ay u qabsoomi karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Beesha Caalamka oo dalab xasaasi u dirtay R/W Rooble iyo madax goboleedyada

       Warsaxaafadeed ka soo baxay wakiilada Bee sha Caalamka ee fadhigooda uu yahay M/ Muqdi sho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka hare eyey doorashoo yinka Golaha Shacabka dalka.

Ugu horreyn Beesha Caal amka ayaa soo dhoweys ay shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha ee Gola Wada-tashiga Qaran ee 27-ka bi shan ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho.

    Saaxibada Beesha Caalamka ayaa ku celiyey ba aqeeda ku aadan daah-furnaanta doorashada oo ay weli cabasho ka muujinayaan mucaaradka iyo xub naha xil doonka ah.

     "Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabana yo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wad atashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daa hfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira,” ayaa lagu yiru warsaxaafadeedka Shalay ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka. Sidoo kale Be esha Caalamka ayaa ka dalbatay Golaha Wada-ta shiga Qaran inay soo gaba-gabeeyaan doorashada, iyada oo shaacisay inay taageereyso hannaan kas ta oo ku saleysan heshiisyadii la gaaray 17-kii Seb tembar 2020 & 27-dii May 2021, sida lagu sheegay qoraalka.

      "Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hana an kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaan ka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wa dajirka u soo sareen xubnaha Beesha Caalamka

      Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa xustay in lagama maarmaan ay tahay in la saxo qaladaadka haatan ka jira doorashada, si loo helo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

      "Waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto tag eerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed,” ay aa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka Beesha Caa lamka.

      Waxaa si wada-jir ah qoraalka u soo saaray; Ha wlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Mid owga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGA D), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaam acadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisar land, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Q/ Midoobay.

Dowladda Federaalka Oo Sheegtay Inuu Socdo Qorshe Lagula Dagaalamayo Musuqa

     Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa Shalay ka warbixiyay kulan ku aadan la dagaalanka musuqa oo uu uga qeybg alay Dalka Masar iyo sida dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay uga qeyb qaadan karaan xalka arrin taasi.

    Guddoomiyaha oo ka qeybgalay barnaamij ka ba xayey SNTV ayaa xusay in dhowaan ay dalka Ma sar kaga qeybgaleen shir ku saabsaanaa la dag aal anka musuqa oo ay ka qeybgaleen dalal ka mid ah caalamka.

     Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa she egay in ujeedada shirkaasi uu ahaa sidii dalalka du nida ay isu dhaafsan lahaayeen aqoon iyo khibrad ku aadan la dagaalanka musuqa, ,wuxuuna intaa ku daray in halkaasi ay ka soo baxeen fursado wanaag san oo wax looga qaban karo musuqa.

Guddoomiyuhu, waxa uu qiray in ay jiraan qorshe kutalagal oo la doonayo in lagula dag aalamo musu qa ,gaar ahaan mudada u dhaxeysa 2021- 2023-ka, isagoo intaa raaciya in ciribtirka mu suqa uu yahay mid u baahan xal waafi ah oo ay ka qeybgalaan dowladda Federaalka iyo guud ahaan qeybaha bulshada ee dalka.

    Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maa suqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud, waxa uu xusay in marka la helo iskaashi u dhaxeeya hey’ adaha ammaanka,kuwa garsoorka iyo warbaahinta la gaari karo xal ku yi maada ilaalinta maaliyadda dalka iyo guud ahaan adeegyada umadda.

Midowga musharaxiinta oo war kasoo saa ray shirka uu cilaamiyey R/W Rooble

     Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ay aa si weyn u soo dhoweeyey qabashada shirka Gol aha Wada-tashiga Qaran ee 27-ka bishan ka dhac aya magaalada Muqdisho, isla-markaana uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble.

Musharixiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday inay boggaadinayaan dagaalka ra’iisul wasaaraha ee ku aadan xal u helista muran ka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya.

     "Goluhu wuxuu boggaadinayaa dadaalka uu ra’ii sul wasaaraha ugu jiro sixitaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnaha mu sharixiinta. Sidoo kale waxa ay tilmaamay inay rajo weyn ka qabaan in si wadajir ah looga gubdo caqab adaha ku geedaaman doorashooyinka dalka.

     "Goluhu wuxuu rajaneynayaa in si wadajir ah loo ga gudbo caqabadaha ku horgudban inay dalka ka qabsoomto doorasho hunfnaan iyo daah furnaan leh,” ayaa la sii raaciyey.

     Qoraalkan ayaa waxaa ka horreeyey mid kale oo ay Shalay soo saartay Beesha Caalamka, kaas oo isna lagu taageeray shirka ay leeyihiin xubnaha Gol aha Wada-tashiga Qaran.

      Saaxibada Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay xal rasmi ah ka gaaraan khilaafka doorashada, si ay u noqoto mid lagu wada qanacsan yahay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli loo baahnaa, isla-markaana ay caba sho ka timid qaabka ay ku socoto doorashada Gola ha Shacabka



Qoyska Ikraan Tahliil oo Qoraal soo saaray eede eyayna R/W Rooble

Qoyska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA oo muddo dhowr bilood ah la la’yahay ayaa ka jawaabay hadalkii Xeer ilaalinta Maxkamadda Cii damada ee kiiskaas looga fogeeyay Saraakiisha Hay’ adda Nabadsugida Soomaali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip