HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO SABTI 18-KA DEC. 2021-KA

0
Saturday December 18, 2021 - 08:38:13 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO SABTI 18-KA DEC. 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Erdogan?

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhama aday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa Shalay magaalada Istanbul ku la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xooj inta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray da rdar-gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhi nacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dha qaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaa bidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee
iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.
Farmaajo ayaa la wadaagay madaxweynaha Turkiga "guul aha" ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaar tey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay'adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabey aasha dhaqaalaha.
Waxay isla qaateen xoojinta muhiimadda ay laba da Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada-shaqaynta danaha labada qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qa adidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turk iga. Madaxweyne Erdogan ayaa bogaadiyey guula ha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda So omaaliyeed ku tallaabsadeen, isaga oo ku dhiirri-gal iyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo sa arka dalkooda u suuq geeyaan dalkiisa.
Ugu dambeyntiina Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay Erdogan iyo shacabka Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shac abka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu til maamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tah ay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.
Raysal wasaare rooble oo golaha wadatashiga ugu yeeray shir looga jawaabayo daa hfurnaan la'aanta doorashada
Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuse en Rooble oo ka hadlayay xiritaanka shirka Herit age ee ka socday Jabuuti, ayaa sheegay inuu gola ha wadatashiga qaran ugu yeeray shir looga arrin sanayo xoojinta daah furnaanta doo rashada.
Raysal wasaaruhu wuxuu tilmaam ay shirkaas inuu yahay mid looga jawa abayo dareenka ay golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha ka muujiyeen daah furnaan la'aanta doorashada, taasoo keentay in ay doorashada qaadacaan.
Raysal wasaare rooble wuxuu iska fogeeyay eedaha la xiriira inuu ka aamusan yahay cabashada doorashada iyo in ay wax wax iska beddeleen mo wqifkiisii ku aadanaa qabashada doorasho hufan oo lagu kalsoon yahay.
"Waxaa la isweydiinayaa raysal wasaaruhu mu xuu la aamusan yahay? tallow waddamaduu tagay miyaa dhabarka kasoo taabtay. Wax kale lama aam usini, waxaan ahay dherigii saddexda dhadhaab u dhaxeeyay, hadday tahay madaxda dowlad gobolee dyada, musharraxiinta iyo xafiiska madaxweyna ha," ayuu yiri Rooble.
Raysal wuxuu sheegay in aanay jirin cid dhaba rka kasoo taabatay, isagoo sheegay in si hufan do orashada loo qabanayo, wuxuuna ku baaqay in la ga wada shaqeeyo sidii doorashadu ku noqon laha yd mid lagu kalsoon yahay.
DF Soomaaliya oo sheegtay in lagu qasbay go'a anno caalami ah oo ay qaadatay


Wasiirka qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb galaya adasha Aragti Wadaagga Heritage ee ka furan Jabuuti ayaa sheegay inay ku qasbanaadeen go'aanada qaar ee ay qaateen.
Wasiir Jamaal oo madashaas hadal ka jeediyey ay aa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasban eed go'aano caalami ah oo siyaasad eed oo afartii sano ee uu xilka hayey ay qaadatay.
Sidoo kale waxa uu ka jawaabay su'aal laga weydiiyey khilaafka dow ladda uu hoggaamiyo Farmaajo kala dhaxeysa dowl adda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
"Arrinta la iga weydiiyey khilaafka Villa Somalia iyo Jabuuti, horta dad walaalo ah ayaan nahay, car ab iyo ilkaa isugu dhaw, ayaguna waa is qaniinaan, waxaa jira nidaam diblomaasi ah oo loo maro wax kasta oo jira, Jabuuti waxaan nahay walaalo aan ka la dhamaan, dowladnimada Soomaaliya ayaa hal kaan lagu dhisay, Shalayna waan joognaa, xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya waa sii xoogeysan doonaa, Insha Allaah," ayuu yiri wasiirka qorsheynta XFS.
Waxa uu sheegay in go'aano adag oo ay qaadatay dowladda Soomaaliya ay ku qasbaneed, si buu yiri loo 'badbaadiyo qaranimada Soomaaliya.'
"Mararka qaar waa inaad wax dhaqaajisaa si wa danku horay ugu dhaqaaqo, waa in mararka qaar aad gaarto go'aamo adag, adigoo wax badan xeerin aaya, laakiin hadii aad difaac isaga jirto wax kuu soo kor dhaya malaha, siyaasadu isxaan malaha waa inaad ku dhiirataa go'aamo adag, xataa hadii shacabku kaa soo hor jeedaan," ayuu yiri Jamaal Maxamed Xasan.
Waxa uu sheegay in khilaafka wadamada Gees ka uu u muuqdo mid sii jiri kara, balse loo baahan yahay in la adkeeyo nabad geliyada, "Waxaan oran lahaa aan sameysano nidaam ay dadku ku kala nabad galaan," ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Xisbiga Himilo Qaran oo caddeeyey mow qifki isa – Doorashadu waa inay socoto haddii..
Xisbiga Mucaaradka ee Himilo Qaran, isla-mar kaana uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dow laddii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyey mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka socda ee 2021.
Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Suleymaan Ma xamuud Xaashi oo u warramay Universal TV ayaa shaaciyey in aysan marnaba raalli ka aheyn doora shada boobka ah, balse haddii la saxo qaladaadka ka jira hannaankeeda ay soo dhoweynayaan inay sii socoto doorashada.
"Doorashada boobka mana aq baleyno waan diidanahay, laakiin haddii doorashada la saxo oo mida aan annagu dooneyno oo danta sa xda ahna ay ku jirto doorashada inay socoto wee yey," ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri gudd oomiyaha guud Xisbiga Himilo Qaran.
Suleymaan oo wax laga weydiiyey arrinta Mu sharixiinta Mucaaradka ayaa beeniyey inay ka Xisbi ahaan ka baxeen golahaasi wuxuuna yiri "Meel aan annaga ku iclaaminay ama aan kaga baxnay haddii ay qoraal tahay iyo haddii af-tahayba oo Midowga Musharixiinta u sheegnay inaanu ka baxnay ma jirto,".
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay qeyb ka yihiin shirka wada-tashiga ee goluhu qabanayo, isla-markaana waxa uu tilmaamay in looga arrinsanayo aayaha doorashada.
"Shirka waa loo ballansan yahay ka mid baanu nahay, waana ka qeyb-galeynaa," ayuu markale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kulankii ay la qaateen ra'iisul wasaaraha xukuumada Soom aaliya, wuxuuna meesha ka saaray walaaca ka dha shay shirkaasi, isaga oo tilmaamay in aanu ka duw aneyn kulamadii hore oo ay xubnaha mucaaradka la qaateen R/W Rooble.
'Horay waa loola shiray oo xubno ka mid ah Mid owga Musharixiinta iyaga oo jamaacaa waa la shir een, iyaga oo kali kali ahna waa la shireen, Anna guna inaan la shirno waxay kaga duwan tahay shir arkii hore oo lagu raadinayey in doorashada lagu saxo ma garanaayo wixii aan ka wada-hadalnana waan sheegnay oo qarsoodi ma aheyn," ayuu yiri guddoomiyuhu.
Ugu dambeyn waxaa su'aal laga weydiiyey ha dii uu jiro xiriir gaar ah oo ay la leeyihiin Villa Soom aaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileed kiisu dhammaaday, wuxuuna hoosta ka xariiqay in haba yaraatee uusan jirin wax xiriir ah oo haatan kala dhexeeyo Farmaajo. "Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynaha hadda xilkiisu dhammaaday oo kursiga fadhiya waa ka aragti duwanahay Xisbi Mucaarad ah ayaan na hay, haba yaraatee wax xir iir ah oo naga dhexeeyo ma jiraan," ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey guddoomiyuhu.
Jawaabta Himilo Qaran ayaa kusoo aadeyso, xil li maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey in Sh.Shariif iyo xubnaha kale ee GMM uu soo kala dhex-galay mad-madow ka dhashay ku kala aragti duwanaashaha go'a amada qaar ee ay goluhu soo saareen, ka dib markii ay ku baaqeen in la hakiyo doorashada, shirna la qabto.
Go'aano laga soo saaray shir ay yeesheen Roo ble, Madax Goboleedyada iyo Midowga Musha
 raxiinta
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble ayaa Xalay shir guddoomiyay kulan fogaan arag ah oo ay yeesheen G/Wadata shiga Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray arrim aha doorashooyinka dalka. Sida lagu shaaciyey qor aal kasoo baxay xafii ska Rooble wajiga hore ee kul anka waxaa warbixin looga dhageystay G/Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal M.Xasan Cirro
. G/ye Cirro ayaa dhinacyada faahfaahin ka siiyey dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaan la'aanta laga tirsanayo doorashada iyo wa dashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda D/Goboleedyada.
Sidoo kale xubno matalayay Midowga Mushara xiinta ayaa ka qeyb galay kulanka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore Shariif Sh. Axmed, Xasan Sh. Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/rahman Cabdishakuur.
Musharaxiinta ayaa Madaxda G/W/Q. ka dalbada y in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doora shooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro hufnaanta doorashooyinka.
Shirkaan oo Xalay ku qabsoomay aalada Zoom-ka ayaa lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdis ho oo ay isugu imaanayaan Madaxda GWQ si loo ga arrinsado dhameystirka doorashooyinka
"Wadahadal iyo falanqeyn dheer ka dib xubnaha GWQ waxay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardar-galiyo qabashada doorashooyinka kura asta dhiman iyo in GW/Qaran uu isugu yimaado kul an dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doo rashooyinka," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xa fiiska Ra'iisul wasaare Rooble.
Golaha Midowga Musharaxiinta oo horay u soo saaray qoraal ay ku cadeeyeen qaladaadka ku jira doorashada, waxayna dalbadeen in la hakiyo doo rashada socota, balse majirto cid dheg jalaq u siis ay dalabkaas, taas oo keentay in Xalay ay si toos ah mowqifkooda ugu gudbiyaan Rooble iyo madax goboleedyada.
R/Wasaare Rooble ayaa horay u balanqaaday in ca bashooyinka ka yimid doorashada uu wax qabayo, balse illaa hadda ma jirto hal tallaabo oo uu qaaday, si wax looga bedelo hanaankaan kalsoonidii musha raxiinta lumiyey doorashadu ku bilaabatay.
 
Aqriso: 5 qodob oo laga soo saaray kulama dii Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen
Kulamadii ay Magaalada Kismaayo ku yeesheen madaxweyne goboleedyada Jubaland iyo K/ Gal beed Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban shan qodob. Hoos ka aqriso.
WAR-MURTIYEED
Madaxweynaha D/K/-galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo 2 maalmood ku yimid M/Kismaayo ee xarunta KMG ah ee D/ Jubaland.
Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxwe ynaha D/Jubaland Md.Axm ed Maxamed Islaan ayaa lagaga ha dlay iskaashiga 2-da Dowlad iyo xaa lada guud ee Dalka.
Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu fal anqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta Dhaqaa laha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-galinta Doorash ooyinka. Haddaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer ka dib, waxay Madaxda 2 Maamul islaqaateen qod abadan hoos ku xusan.
1.) Abaaraha: waxay Madaxdu walaac ka muuj iyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud aha an Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdo od Goboleed iyagoo ku baaqey in gurmad degdeg ah o bani'aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay ka mahadceliyeen dadaalada had socda.
2.) Amiga: In la iska kaashado guud ahaan am niga iyo xasiloonida, la dagaalanka argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.
3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhe xgalka Bulshada: Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dha gan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shac ab wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saar ka sida Beeraha, Xoolaha yo Kaluumeysiga.
4. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka: Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan hour marinta iyo taabagelinta hannanka federaal-ka iya goo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubin ta ka ah Dowladda Federaalka & DFS.
5. Doorashooyinka: Madaxdu waxay isla garwa aqsadeen in qabsoomidda, dardargelinta iyo dha meystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay hour marka iyo badbaadada dalka. DHAMMAAAD
Qoyska gabar da'yar oo kufsi wadareed loo gu geystay Janaalle oo dalbaday Cadaalad
Qoyska ay kasoo jeedo allaha unaxariistee Saf iyo Cali Maxamed oo aheyd gabar aad u da'yar oo u dhimatay kufsi wadareed loogu geystay degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose ay aa waxay sheegeen ineysan aasi doonin gabadhooda ilaa ay uga helaan Cadaalad.
Aabaha dhalay gabadha u geeriyootay kufsi wad areedka loo geystay Cali Maxamed ayaa ka dalbad ay dowladda Soomaaliya iney ka helaan cadaalad kufsiga loo geystay gabadhiisa, isagoona intaa ku daray inuusan aasi doonin gabadhiisa ilaa ay ka helaan Cadaalad.
"Gabadheyda waxaa kufsiday rag badan kufsiga ayayna u dhimatay, waxaan doonaya in umadda So omaaliyeed iyo madaxda dowladda iney ii dhiciyaan xaqa gabadheyda, mana aasi doono ilaa xaqeeda aan ka helno" ayuu yiri aabaha dhalay gabadha ku fsiga u geeriyootay. Hooyada dhashay gabadha kufsiga u geeriyooday oo la ilmeyneysa xanuunka iyo murugada kasoo gaartay kufsiga gabadheeda yar loo geystay oo da' ahaan jirtay 17 sano ayaa sidoo kale dalbatay in sharciga Islaamka loo marsiiyo dadkii gabadheeda sababta u noqday iney dhimato.
9-kii bishaan Desembar ayay aheyd markii marxuu mada yar ay u geeriyootay kufsi wadareed loogu geystay degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose, waxaana meydkeeda haatan uu banaanka yaala muddo 7 cisho ah, islamarkaana qoyskeedu sheega yaan ineysan aasi doonin ilaa cadaalad ay ka hel aan.
Midowga Musharaxiinta: "Waxaa rabnaa in beelaha baadidooda loo celiyo"
Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaarad ka, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaci yey in Golaha Mucaaridka uu rabo in hogaanka bee laha dib loogu celiyo maamulka kuraastooda.
Waxa uu sheegay in hadda sida ay wax u socdaan kuraasta baarlamaanka loo doonto madaxda dowl ad goboleedyada, taasi oo meesha ka saareysa matalaa da dhabta ah ee ay rabaan bulshada Soomaaliyeed, sida uu sheegay.
"Miisaanka lagu cabiro rajada guusha musharraxiin ta xildhibaan waxay noqotay xiriirka kala dhexeeya madaxweynaha dowlad gobaleedka uu kursigiisa yaallo. In ka badan inta la waydiiyo ajandahooda siy aasadeed iyo qorshahooda waxqabad, waxaa la waydiiyaa sida ay isku yihiin madaxweynaha dow lad gobaleedka deegaan doorashadooda!," ayuu yiri Daahir Geelle.
Waxa uu intaas kusii daray "Murashax walba halka uu reerka wax ka doonan lahaa, madaxweyna ha dowlad gobaleedka ayuu wax ka doontay! Waxaan rabnaa in kursiga loo doonto beesha loo asteeyay. Waxaan rabnaa in uu cabbirka noqdo gu uxa beesha kursiga leh iyo sida uu murashax walba u kasbado."
Daahir Geelle ayaa sheegay in xilligan loo baahneyn in beesha loo dooro qofka masiirkeeda iyo masiirka dalka matali lahaa, islamarkaana ay tahay inay ayada doorato oo soo xulato ciddii meteli laheyd. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Midowga Musharaxiinta si adag uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada dalka, gaar ahaan Golaha Shacabka oo ay qaadaceen, ayaga oo dalbaday in la hakiyo.
Golaha Mucaaridka ayaa doorashada Golaha Shacabka ku tilmaamay mid ku dhisan boob iyo awood sheegasho, kadib markii musharaxiinta qaar laga hor istaagay inay isku sharaxaan kuraastooda
Cumar Cabdirashiid oo ka digay khalalaaso ka dhasha boobka doorashada
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xa aladda dalka ee Arrimaha doorashada oo dad bad an ay sheegeen in si boob ah lagu wado, isaga oo ku baaqay in la saxo khalalaadka kajira.
Qoraal uu soo dhigay Barta twetter-ka ayaa wax aa uu ku sheegay in aan lagu deg degin doorasho go'an,isla markaana xisaabta lagu daro Soomaaliya Dorraad sida ay aheyd, sida ay Shalay tahay & halka la rabo in berri la gaaro.
" Waxyaabo keena khiyaamada & khilaafka ayaa jira. Haddii Golaha wadatashiga Qaran ay ku guul darreystaan inay qaadaan tillaabooyin ka sixitaanka waqtigii loogu talagalay, geeddi-socodka doorashada wuxuu dhalin karaa oo kaliya iska caabin & falcelin ayuu yiri" Cumar Cabdirashiid.
Cumar Cabdirashiid ayaa kamid ah Siyaasiyiinta dhaliilsan sida ay ku socdaan doorashooyinka Go laha Shacabka, wuxuuna dhawaan markii uu yimid M/Muqdisho uu ku biiray shirar looga hadlayay bo obka doorashada oo ay lahaayeen Midowga Musha rrixiinta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo La Kulmay Safiirka Qatar
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Gobol eedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxam ed oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u qaabilsan Arrima ha Soomaaliya Danjire Xasan Xamze Maxamed.
2da Mas'uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arr imo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Deega annada Hirshabeelle, iyo dar-dargalinta mashruuca Dhismaha Wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso dowladda Qatar.
Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa Safi irka Dowladda Qatar uga mahadceliyay doorka mu uqda ee taageerida dowladda Qatar siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ku saleysan Arrimo kala duwan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Gobole edka Hirshabeelle ayaa sidoo kale Safiir Xasan Xamze Maxamed ugu mahadceliyay arrimaha Gar gaarka, horumarka iyo dhismaha wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Golaha Wasiirada Maamulka Puntland Oo Ka Shiray Doorashada Golaha Shacabka
Madaxweynaha D/G.Puntland Saciid C/hi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo Shalay khamiis ah ka qabsoomay Magaalada Garopwe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Shirkaan ayaa waxaa todobaadkan looga hadl ay arrimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo Amniga gu ud ee deegaanada Puntland iyo qodobo kale oo Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya ku saabsan.
Inta uu socday Shirka Golaha Maamulka Punt land ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mash aariicda, Warbixinta Gobollada Puntland iyo bilaa bida Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/hi Deni ayaa G/Wasiirada Maamulka faray Inay dardar-geliyaan howlaha shaqo ee Wasaarada hooda horyaalla, waxaana kulanka Shalay ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash…
Guddiga doorashada Puntland ayaa Habeen hore lagu waday inay shaaciyaan Liiska kuraasta ugu horreey sa ee G/Shacabka Baarlamaanka 11-aad, hayee shee dib ayey Guddiga u dhigeen shaacinta kuraas ta, iyagoo todobaad kadib sii deyna kuraasta ugu horreeysa ee doorashada…
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shil Ku Galay Gobolka Sool
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil kha saaro dhaliyay oo ay wax yeello kasoo gaartay Askar iyo mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland, kaasi ka dhacay inta u dhaxeeysa Laascanood iyo Xudun ee gobolka Sool.
Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Shilku uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dahceen Labo gaari, oo mid ka mid ah uu la socday Wasiirka
arrimaha Gudaha Somaliland, waxaa na bur-bur xooggan uu gaaray labada gaari.
Gaariga Wasiirku la socday ayaa ku dhacay Gaari kale oo ay saarnaayeen Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno RRU, waxaana wararku intaa ku darayaan in waxyeello dhaawacyo ah ay soo gaartay Askarta.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in aysan wax khasaaro ah soo gaarin,marka laga tago burburka Gaariga, iyadoo dhaawacyo fudud ay soo gaareen Askarta Booliska ah. Degaanada Gobolka Sool ayaa waxaa inta bad an ka dhaca Shilalka noocaas oo kale ah, iyadoo horay dad badani ay dhimasho iyo dhaa wacyo ay kasoo gaareen shilal dhowr ah oo Ka dhacay Gobolkaasi.
 
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xusay dhac dadii 17-ka December (SAWIRRO)
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Shalay xusay we erarkii afar sano ka hor lagu qaaday hoyga uu ka de gan yahay Magaalada Muqdisho, ee sida uu she egay la doonayay in lagu qaarajiyo.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa weer arkaasi ku tilmaamay mid sharci-darro ah, oo lagu dilay shan askari oo ka mid ahayd ilaaladiisii.
"Shalay oo kale sanadkii 2017 ayaa weerar gard arro ah, loona adeegsaday awood dowladeed oo du lmi iyo sharci-darro ah, lagu soo qaaday Xarunta Xi sbiga Wadajir. Waxaa lagu dilay shan askari oo ka mid ah ilaaladii xarunta, anigana dhaawac la iigu gaystay, hantidii taalayna la bililiqaystay." Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxaa uu sheegay in xuska dhacdadii 17-kii De cember ay tahay xus sanadle ah, oo loogu duceeyo dadkii kaga dhintay weerarkaasi.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri "Ujeedku, wuxuu ahaa in nala qaarijiyo, si loo cabsi geliyo inta kale, caburinta iyo awood sheegashadana waddo loogu furo, ha yeeshee, Alle mahaddii ma dhicin, mana dhici doonto. Waxaan Mahad u celinaynaa masuuliyiintii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee dulmigaas ka dhiidhiyey. Fadlan u soo duceeya shuhaddadaas dulmiga lagu dilay."
Galmudug Oo Dowladda Talyaaniga Kala Hada shay Xaaladda Abaaraha Darran Ee Jira
Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa kulan dhanka fogaan araga ah la qaatay Aga asim aha cusub Hay'adda horumarinta u qaabilsan Talyaaniga ee Dr. Santa Molé
Wasiirka Tamarta ayaa Talya aniga la kala hadlay xaaladaha ka sii daraya ee abaaraha ee deegaan nada Maamulka Galm udug iyo sidii la isaga kaa shan lahaa ka jaw aabida xaaladaha ka taagan gob alka Mudug iyo qaybo badan oo ka mid ah Galgaduud.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga iyo wada shaqaynta dhee raadka ah, si gacan looga geysto xalal waara oo laga gaaro caqabadaha soo noqnoqda iyo taageer idda istaraatiijiyadda jirta ee Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageera da ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada kale ee dalka.
SI kastaba degaano dhowr ah oo ka tirsan Maa mulka Galmudug ayaa waxaa xiligaan ka jira aba aro baahsan, iyadoona lix qof ay abaaro ugu geeriy oodeen degaano hoostega Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo meelo kale oo ka mid ah Maamulka.
Jarmalka oo Malaayiin dollar ugu deeqay Sooma aliya + Sababta
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in 12 milyan oo Yuuro ay ugu deeqday Sanduuqa Gargaarka Bani'aadannimo ee Soo maaliya (SHF), taasi oo ka dhigan in Jarmalka uu sanadkaan gargaa rka Soomaaliya ku bixiyay dhaqaale gaaraya 64 milyan oo Yuuro.
Malaayiinta dollar ayaa loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay saameeyn abaaraha si ay ula tacaalan xaalada bani'aadannimo ee soo food saa rtay. Sidoo kale dowladda Jarmalka ayaa sheegay inay sii wadi doonto garab istaaga Soomaaliya iyo shacabkeeda, islamarkaana ay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii loo maareyn lahaa abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha.
"Si wada jir ah ayaanu wax badan u gaari karn aa, waanan ka sii xoogaysanayna sidii aanu u yar ayn lahayn waxyeelada abaarta, Jarmalku waxa uu ku hanwayn yahay in uu qayb ka yahay dedaalka, waxaana ka go'an in aanu la shaqayno saaxiibad iisa iyo beesha caalamkaba, si aan abaarta jirta oo kaliya looga qaybgalin, balse loo helo xal waara oo dheer. xal u helida jahawareerka cimilada ee soo no qnoqda ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jarmalka.
Ku dhawaaqista taageeradan ayaa daba socotay lacag kale oo dhan 7 milyan oo Yuuro oo loogu tala galay hawlaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).
Taageerada Maaliyadeed ee Jarmalka ayaa waxay kusoo aadeysa xilli aad u xasaasi ah oo Soo maaliya ay la daala-dhaceyso maareynta abaaro hor leh, kadib markii ay hoos u dhaceen roobaabkii ka da'i jiray dalka.
In ka badan 7.7 Milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doonaan gargaar bani'aadanimo 2022-ka, sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin ay ku qiyaastay abaaraha Soomaaliya.
Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland oo beeniyay in jaamacada Abaarso diin kale laga faafiyo
Wasiirka cusub ee diinta iyo awqaafta Somali land Sh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayntii Cabdimaalik Muuse Coldoon, ee ahayd in Jaamacada Barwaaqo iyo dugsiyada Shabakada Abaarso lagu dhex faa fiyo diinta Masiixiga.
Wasiir Albaani oo markii ugu horaysay ka had lay qadiyadan tan iyo markii uu magacaabay mada xweynaha Somaliland, ayaa sheegay in uu aad ugu hanwayn yahay hablaha wax ka barta jaamacadda Abaarso isagoo sheegay in ay anfici doonaan dalka iyo dadkaba.
"Aad iyo aad ayaanu ugu hanwaynahay in ay kasoo bixi doonaan hablo aqoontii xambaarsan, si ay waddan kooda ugu anfacaan, caruurta ugu anfac aan, waxaana xaqiiqo ah in ay aqo ontaa si fiican u xambaari doonaan" ayuu yidhi Albaani.
Albaani, ayaa eedaynta Coldoon ku tilmaamay wax aan raad lahay oo waxba kama jiraan ah, "dacaa yadaa la fidiyay ee la yidhi iskuulkaa hablaha waa lagu gaalaysiiyaa, ama kiristanka ayaa lagu baraa, taasi wax xaqiiqo ah maleh".
Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa xabsiga ugu jira eedaymo la xidhiidha in uu dacaayado ka faafi yay jaamacadan, isagoo wajahaya dacwado ay soo gudbiyeen maamulka iyo waalidiinta jaamacadda Barwaaqo.
Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Weerar Ay Ku Qaad een Alshabaab Saldhigga Ciidamada Hiilweyne
Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay wee rar ku qaadeen saldhigga ciidamada Hiilweyne oo dhinaca Waqoyi kaga beegan illaa 27km caasimada dalka ee Muqdisho.
Illaa afar askari ayaa lagu diley saldhiggan iya doo sidoo kale ay dagaalamayaasha Alshabaab mi ino ku xireen dhisme ku yiil saldhigga Hiilweyne Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerarka uu dhacay Shalay waaberigii iyadoo aysan joogin ciid amo badan saldhigga Hiilweyne. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada xoogga dalka iyo ma amulka degmada Balcad oo la xiriira weerarkan.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa kordhiyey todd obaadkan weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ciidamada iyo weliba qaar kamid ah magaalooyinka dalka oo ay dowladu gacanta ku hayso.
Nabadoon Cali Jeesto oo jawaab culus ka bixiyey go'aankii guddiga xallinta
Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto) oo ah saxi ixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ayaa jawaab culus ka bixiyey go'aankii ay Dorraad soo saareen gu ddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal, kadib markii ay go' aamiyeen in hannaanka loo maray doorashada kursigaas ay tahay mid sax ah
Cali Jeesto oo ka mid ah dadka dacw adda gudbiyey ayaa ku gacan seeray go'aanka ka soo baxay guddiga, wuxuuna shaaciyey in aysan marnaba aqbali doonin.
Sidoo kale wuxuu eedeyn jeediyey hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ku eedeeyey inay bee sha u sameeyeen odayaal dhaqameedyo aan jirin, sida uu hadalka u dhigay.
"Galmudug xaq uma laheyn in beelaha Marooyin usoo magacowda odayaal dhaqameedyo aan jirin ee loo sameystay in lagu boobo doorashada, isla-markaana aan ka tirsaneyn dhaqanka beesha," ay uu qoraal uu soo saaray ku yiri Nabadoon Cali Xa san Cali (Jeesto).
Nabadoonka ayaa intaasi ku daray in beesha ay san aqoonsan doonin doorashadii ka dhacday Dhu usamareeb ee lagu soo doortay Yaasiin Cabdull aahi Maxamed (Farey).
"Waxay beesha Marooyin caddeyneysaa in ay san aqoonsan doonin doorasho ku sheeggii boobka aheyd ee kursiga HOP#067 ee 25/11/2021," ayuu markale ku yiri qoraalkiisa.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ra'iisul wasaar aha Soomaaliya inuu qaato doorkiisa hoggaamin eed ee doorashada, isla-markaana uu wax ka qabto 'boobka' soda.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli Dorraad gudd iga xallinta uu ku dhowaaqay go'aankiisa kama dam beysta ah, iyada oo kursigan loo xukmiyey Yaasiin Cabdullaahi Farey oo haatan ah agaasimaha KMG ah ee hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaran ka Soomaaliya.
Al-Shabaab oo weerar culus oo dhimasho leh ka fuliyey dalka Kenya + Khasaaraha
Xarrakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay we erar dhimasho leh ka fulisay gobolka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya, kaasi oo lala beegsaday ciid amada dalkaas.
Weerarka ayaa ka dhacay in ta u dhaxaysa tuulooyinka Sa rmaan iyo Dhaaydhaay oo hoo staga degmada Ramo ee gob olka Mandheera, sida ay Al-Shabaab ku sheegeen qoraal lagu baahiyey warba ahintooda.
Waxaa halkaas uu dagaal xooggan ku dhex-ma ray ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
"Natiijada dagaalka ayaa noqotay in la jabiyo ciid anka Kenya ayna ka cararaan meydadka saddex askari sidoo kalana lagala wareego saanad hub ah," ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda And alus ee ku hadasha afka Al-Shabaab.
Weerarka kadib ayaa lagu waramay in diyaar adaha dagaalka Kenya ay fuliyeen duqeymo lala da macsanaa dagaal-yahanada Al-Shabaab, balse wa xaa sida la shegay lala begsaday xoolo u badan lo'.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in ciida nkooda ay dagaal culus kula galeen ciidanka Kenya tuulada Darbo-cadaado ee isla gobolka Mandheera, ka dib markii Al-Shabaab ay dhexda u galeen ciidan Kenyaan ah oo 10 Mooto ku roondeynayay si ay xaaladda wadada u qiimeystaan.
Warbaahinta Kenya ayaa xaqiijisay jiritaanka weera rkan hase yeeshee faah-faahin badan lagama bixin khasaaraha ka dhashay.
IGAD oo ku baaqday in doorashooyinka soo socota ee Soomaaliya iyo Kenya ku dhacaan hab nabad ah
Urur goboleedka IGAD ayaa ku booriyay Kenya iyo Soomaaliya in ay xaqiijiyaan doorashooyin qa ran oo dimoqraadi ah oo nabad ah, isagoo ku til maamay doorashooyinka soo socda inay yihiin tija abo dastuuri ah.
Isagoo ka hadlayay mar uu khu dbad ka jeedinayay magaalada Mombasa, xoghayaha fulinta ee IGAD Dr Workneh Gebey ehu ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doora shooyinka iyadoo loo marayo hab sharci ah.
"Doorashooyinka soo socda ee Kenya iyo Soom aaliya waxay tijaabo u noqon doonaan ku dhaqanka dastuurka. Haddaan nahay IGAD waxaan u rajay naynaa dowladda iyo shacabka Kenya iyo Soomaa liya in doorasho nabad ah ay ku dhacdo waqtiyada soo socda," ayuu yiri Gebeyehu.
Xoghayaha IGAD, Gebeyehu wuxuu ku booriyay Soomaaliya iyo Kenya inay hubiyaan mabaadi'da dimoqraadiyadeed inta lagu jiro iyo ka dib door ashooyinkooda.
Qaramada Midoobay Oo Amartay In La Ba aro Xadgudubyada Dagaalka Ee Itoobiya
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Mido obay ayaa amar ku bixiyay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo xad-gudubyadii laga geystay Itoobiya intii ay socdeen colaadaha.
Nada al-Nashif, ku xigeenka ma daxa xuquuqul insaanka, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay heleyso warbixinno lagu kals oonaan karo oo sheegaya in dhammaan dhinac yada ku lugta leh iskahorimaadka 13-ka bilood ah ee arxan darada ah ay gaysteen xadgudubyo daran oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. iyada oo ay ji rto xiisad bini'aadantinimo oo sii xumaanaysa.
"Khatarta Itoobiya ka jirta ay sii kordhiso nacay bka, rabshadaha iyo takoorka, taas oo horseedi ka rta rabshado guud oo saamayn weyn leh, maaha oo keliya malaayiin qof oo ku nool Itoobiya, laakiin sidoo kale gobolka oo dhan. "ayay tiri Al Nashif. Midowga Yurub ayaa ku baaqay fadhi gaar ah oo golaha uu ku yeesho magaalada Geneva ka dib markii kooxaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in xadgudubyada la galay in ka badan hal sano oo colaad ah ay noqon karto dambiyo dagaal.
Hase yeeshee dowlada Itoobiya ayaa ku gacan sey rtay warkan ka soo yeeray Qaramada Midoobay iy adoo ku tilShalayy mid siyaasadeysan
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Oo Gaar ay Turkiga Iyo Ujeedka Socdaalkiisa
Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobi ya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxa ana halkaas kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiin kala duwan.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Turkiga u te gay ka qeyb galka Shirweynaha 3-aad ee Iskaa shiga Turkiga iyo dalalka Afrika (The Third Turkey-Africa Partnership Summit) oo Shalay oo Jimco ah ka furmay Magaalada Istanbul.
Shirkaas oo ay ka qeyb galayaan 16 Madaxweyne iyo Ra'isul Wasaaray aal iyo 102 Wasiir oo Afrikaan ah ay aa waxaa Hal-ku-dheg sanadkan loo ga hadli doonaa Xoojinta Iskaashiga ee Danaha Guud iyo Barwaaqada.
Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale Arrimaha looga hadlayo ka mid ah Siyaasadda, Ammaanka, Iskaashiga, Maal gashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga, waxaana ka qeyb galaya Wafuud ka kala socota 39 Waddan.
Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed waa safarkii 2aad ee uu ku tago Turkiga sanadkan 2021-ka, isagoo bishii August la kulmay Madaxwey ne Erdogan oo ay kala saxiixdeen Heshiiska Iskaa shiga maalgelinta Milliteriga ee labada dal.
talyaaniga iyo liibiya oo wada hadal gaar ah ka yeeshay arrimo dhowr ah
Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga iyo dhig giisa Liibiya ayaa ka wada hadlay xiriirka ka dhe xeeya dalalkooda kulan ka dhacay magaalada Ro me, sida ay ay sheegtay wasaaradda arrimaha di badda ee Talyaaniga.
Luigi Di Maio Wasiirka arrimaha dibedda Talya aniga iyo Najla Al-Mangoush wasiirka arrimaha dib edda Liibiya ayaa ka wada xaajooday xiriirka laba geesoodka ah waxayna muujiyeen rabitaankooda ah inay sii wadaan xoojinta iskaashiga, iyagoo dib u eegis ku samayn doona dhinacyada ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dhinac.
Di Maio Wasiirka Arrimaha Di bedda Talyaaniga ayaa ku celceli yay sida ay Talyaaniga uga go'an tahay xasilinta dalka Liibiya, waxa uuna tilmaamay muhiimada ay leedahay in lasoo gaba gabeeyo hanaanka doorashada iyo sidoo kale ka bixitaanka dhamaan dagaalyahanada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaasha.
Wuxuu kula taliyay dhammaan dhinacyada Liib iya inay xaqiijiyaan wada-shaqeyn wax ku ool ah oo ay la yeeshaan Stephanie Williams, ku-xigeenka madaxa cusub ee Hawlgalka Taageerada Qaram ada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL).
Liibiya ayaa waxaa hareeyay dagaallo sokeeye tan iyo markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.
Khilaafkii ka taagnaa Masjidka Soomaalida Amsterdam oo Maxkamad
Khilaaf muddo ku dhow hal sanno u dhexeeyay guddiga maamula masjidka Quba, oo ah masjid weyn oo ay Soomaalidu ku leeda hay Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland ayaa gaaray heer maxkamadeed
Khilaafkani wuxuu u dhexeeyay Shiikh Suldaan Gasle oo guddoomiye u ahaa gud diga maamula masjidka, ahaana imaamkii masjidka oo dhinac ah iyo xubnaha kale ee guddiga oo kala ahaa Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah, waxaanna ku fikir ah Shiikh Ibraahim iyo Guuleed dhammaan xubnaha kale ee maam ulka iyo howlwadeenada masaajidka. Marxalada ha khilaafku soo maray waxaa ka mid ah; In khilaa fka ay ku soo baxeen dhowr guddi, bal se wax xal ah laga gaari waayay. Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Wayrax ayaa 14-kii September xilli habeenimo ah Shiikh Suldaan qol ka uu ka daganaa dhismaha ma sjidka ugu geeyay warqad, kuna wargeliyay in suba xnimada uu masj idka ka baxo. Shiikhu wuxuu farri intii la wadaagay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soom aalida, iyada oo isla subaxnimadii ay soo dhoobt een afaafka hore ee masjidka dad isugu jiray rag iyo dumar, oo u arkay ay in ay xaqdarro tahay ceyrinta Shiikha.
Isla maalinkaa waxaa masjidka soo gaaray ciid amo boolis ah, waxayna la kulmeen saddexdii xub nood ee Guddiga, kaddib na Shiikh Suldaan waxaa amar lagu siiyay inuu masjidka isaga tago.
Khilaafkan, oo maalin ba maalinta ka dambeysay sii xoogeysanayay wuxuu gaaray in Maxkamad la iska dacweeyo.
Maxkamadda, waxaa dacwada geeyey Shiikh Suldaan, isaga oo ku eedeeyay labada xubnood ee guddiga kala tirsanaa [Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Wayrax], in ay xadgudub iyo masabid ku same yeen.
Muuqaal Video ah oo ay iska soo duubeen rag ga masjidka ku haray ayeey ku sheegeen in Shiikh Suldaan dacwadii uu geeyay maxkamadda inuu masjidka ka dalbaday magdhow, maxkamaddana uu weydiistay inta xal laga gaarayo dacwadan in masjidka lagu wareejiyo gacan 3aad.
Shiikh Suldaan, inkastuu qiray inuu dacwada isagu geeyay maxkamadda, haddana wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu masjidka dacwad ka geeyay, isaga oo ku celceliyay in dacwadiisu ay ku jiheysan tahay labada xubnood ee kala ah Shiikh Ibraahim iyo Guuleed Weyrax oo uu sheegay in ay meel kaga dhaceen cirdigiisa.
Maxkamadda ayaa ka fikireysa go'aanka ay ka qaadaneyso dacwaddan, waxaanna suurtagal ah in dhinac saddexaad lagu wareejiyo maamulka masjid ka inta labada dhinac arrintooda xal laga gaarayo.
Culumaa'udiin ay ka mid yihiin Sheekh Maxamuud Maxamed Shibili iyo Dr. Cumar Weheliya ayaa Shiikh Suldaan ka dalbaday in isagu maadamaa uu diin xambaarsan yahay, dadka uu khilaafku kala dhexeeyana ay yihiin ardaydiisii iyo dhalinyaradii uu diinta soo baray inuu ka roonaado.
W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan
Amsterdam, Netherlands

Obama oo difaacay siyaasadiisii ku aadan ayd duqeymaha Somalia, Afganistan iyo Yemen
Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Bar ack Obama ayaa si xoog ah u difaacay siyaasadiisa ku aadanayd duqeymaha ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.
Marka la barbar dhigo Madaxw eynihii isaga ka horreeyay ee George W Bush, duqeymaha diya aradaha aan duuliyaha lahayn ee Obama ayaa tob an jibaarmay, taasoo keentay in kumannaan qof ay ku dhintaan Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Yemen iyo dalal kale.
Kooxaha xuquuqda Aadanaha ayaa si joogto ah su'aallo uga keenay sharcinimada weerarradan oo kale iyo saxnimadooda, waxayna ku doodeen in xilligii madaxtinimada Obama, daraasiin rayid ah la gu dilay dabagalka ka dhanka ah xagjirnimada adduunka.
Siyaasadda Drone-ka ee madaxweyne Obama ayaa loo arkayay inay tahay mid dhaawac weyn ku ah sumcadiisa madaxweynenimo, iyadoo dadka qaar ay u arkayeen inay tahay tan ugu khatarta bad an ee dhaxalkiisa, kadib markii uu xilka ka dagay.
Warbixin lasoo saaray ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 37 milyan oo qof oo u badan rayid ay ka baro-kaceen dalalka Afgaanistaan, Ciraaq, Pakistan, Yemen, Soomaaliya, Filibiin, Liibiya iyo Suuriya
Ra`iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha galmudug oo ku wajahan Magaalada baydhabo.
Ra'iisul Wasaare maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Ka ariye Qoor-Qoor ayaa saacadaha soo socda la fi layaa in ay tagaan magaalada Baydhabo oo ah xa runta KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in lagu qabto Shir looga arin sanayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka si Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyadu isaga xog-wareystaan wax ka qabashada cabasho oyinka taagan, inkastoo aan la shaacin waqti rasmi ah iyo goorta uu furmayo shirkan.
Sidoo kale 19ka bisha December oo maanta ah ayaa ku beegan saddex sano guuradii kasoo ware egtay maalintii la doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, waxa ay wararku sheegayaan in munaasabad uu ku qabsanayo magaalada Baydhabo.
MAXAY KA WADA HADLEEN NINKA UGU TAAJIRSANADD UUNKA IYO MADAXWEYNE ERDOGAN?
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u mahadceliyey Elon Musk, oo ah aas aasaha shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya samaysa ee Tesla iyo shirkadda sahamisa hawada sare ee SpaceX, oo gacan ka geystay soo saarista dayax gacmeedka isgaarsiinta Turkiga ee Turksat 5A.
Madaxtooyada Turkiga ayaa Shalay oo Jimce ah soo daysay muuqaal Khamiistii la duubay oo ay ku wada hadleen Erdogan iyo Elon Musk, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira dhaqaalaha casriga ah, barnaamijka qaranka Turkiga ee hawada sare iyo gaarigii ugu horreeyey ee koronto ku shaqeeya ee lagu sameeyey gudaha Turkiga.
Erdogan ayaa sheegay in dayax gacmeedka Turksat 5B ay shirkadda SpaceX hawada sare u diri doonto maalinta Axadda ah ee soo socota, wuxuuna u mahad celiyey Elon Musk, gacantii uu ka gaystay in Turkigu uu soo saaro dayax gacmeedka 5A.
"Waxaan haddiyad kaaga dhigaynaa calaamadda NFT oo ah dayax gacmeedyo 5,000 gaaraya oo carruurteennu ay sameeyeen" ayuu yiri Erdogan.
Muska ayaa ka mahadceliey hadyadda, asagoo sheegay in ay ka shaqaynayaa sidii "ay hawada sare ugu diri lahaayeen dayax gacmeedka oo uu mustaqbalka wax badan ula qaban lahaa Turkiga."
Elon Musk, oo ah ninka ugu taajirsan adduunka, ayaa Wargayska Time wuxuu u aqoonsaday shakhsiga sannadka 2021-ka.
Maxamed bin Salmaan oo la wareegay talada Sacuudiga
Kasoo billow soo dhoweynta madaxda caalamka illaa qabashada shir-madaxeedyo goboleed, Dhaxal-Sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa talada kala wareegaya aabihiis, wuxuuna noqday boqorka aan la boqrin ee Sacuudi Carabiya. Ayada oo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo caafimaadka boqor Salman oo ku dhowaad 86 jir ah, Amiir Maxamed bin Salman oo 36 jir ah ayaa la waraagay taladii madaxtooyada, ayada oo boqorka aan fagaare lagu arag muddo fog.
Inkasta oo Amiir Maxamed loo arkay hoggaamiy aha dadban ee Sacuudi Carabiya tan iyo markii uu noqday Dhaxal-Sugaha June 2017, ayaa saameynt iisa sii kordheysay waxay heerkii ugu sarreeyey u soo muuqatay dhowaan markii uu la kulmay madax weynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Riy adh yimid, sidoo kalena uu gud doomiyey shir madaxeedka Gol aha Iskaashiga Khaliijka, Talaadadii.
Boqor Salman oo inta badan hoggaamin jiray shir sandeedk an, ayaan la arkin markan.
"Fikradda ah in dhaxal-sugaha uu qaabilo madaxweynaha ama gudodomiye shir madaxdeed waxay dhacday oo kaliya marka uusan boqorka caafimaad qabin," waxaa sidaas AFP u sheegtay Yasmine Farouk, oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Nabadda ee Carnegie Endowment for International Peace.
"Waxa hadda cusub ayaa ah in qaranka iyo wabaahintuba ay aqbaleen awoodo is-garab socda, ama xitaa kaalin muhiim ah oo uu yeeshay dhaxal-sugaha xitaa ayada oo boqorka uu waajibaadkiisa gudanayo."Tan iyo markii uu dunida ka dillaacay cu durka COVID-19, Boqor Salman ayaa deganaa magaalada cusub ee Neom oo ku teedsan Badda Cas.
Kulankii ugu dambeeyey ee uu hoggaamiye caalami ah kula yeesho Riyadh ayaa dhacay March 2020, markii uu la fariistay wasiirkii hore ee arrima ha dibedda UK Dominic Raab, halka safar dibade edkiisii ugu dambeeyey uu ku tegay dalka Oman Ja naayo 2020, si uu uga soo tacsiyeeyo geeridii Sul tan Qaboos.
– Wejiga boqortooyada –
Amiir Maxamed bin Salman ayaa isku dayey in uu isu muujiyo mid u ololeeya Islaam qunyar socod ah, xitaa haddii sumcaddiisa ay dhaawac kasoo gaartay dilkii Jamaal Khaashuqji ee ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018.
Wuxuu haweenka u ogolaaday inay socon karaan ayaga oo aysan wehlin muxramkooda, ayna wadi karaan babauurta. Wuxuu sidoo kale ogolaa day in shineemooyin laga furo dalkaas, iyo arrimo kale oo horey aan loo ogoleyn.
Dhaxal-sugaha ayaa Sacuudi Carabiya u furay dalxiisayaasha iyo maal-gashiga dibadeed, si uu u kala duwo ilaha dhaqaale ee dalkaas oo hadda int iisa badan ku tiirsan dhoofinta shidaalka.
Waxa uu xitaa si ka badan aabihiis ugu muuqday inuu u furan yahay xiriirka Israel, isaga oo ogolaad ay in diyaaradaheeda ganacsi ay dul maraan haw ada Sacuudiga.
Mas'uuliyiinta Sacuudiga ma aysan sheegin sa babta Boqor Salman uusan u iman kulan madaxdee dkii Khaliijka ee Talaadada, gaar ahaan maadaama uu horraantii toddobaadka taleefishinka ka jeediyey khudbad uu kaga hadlayey miisaaniyadda dalka.
Si kastaba, la-taliyaha dowladda Sacuudiga Cali Shihabi waxa uu sheegay in boqorka uu wanaag san yahay balse uu taxaddarayey oo kaliya.
"Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiiji yeen in boqorka uu caafimaadkiisa aad u wanaags an yahay, uu jimcsi sameeyo maalin kasta, balse waa 86 jir aan jecleyn inuu xirto af-dabool, wuxuuna dabeecad u leeyahay inuu dadka gacan qaado oo uu salaamo, sidaas darteed waxaa la qaatay taxad dar dheeri ah oo dadweynaha looga fogeynayo," ay uu Shihabi soo dhigay twitter-ka.
– Xifaaltankii oo la xaaqay – Ka hor kulan mad axdeedkii Golaha Iskaashiga Khaliijka, Maxamed Bin Salman wuxuu safar kusoo maray gobolka isa ga oo lasoo kulmay madaxda dalalka ku jira golaha.
"Go'aan kasta oo hadda ka dhaca xarunta boqorto oyada waxaa loo maraa xafiiska dhaxal-sugaha," axaa sidaas AFP u sheegay diblomaasi reer galbe ed oo codsaday inaan la magacaabin.
"Boqorka hadda iyo wixii ka dambeeya ma muu qdo…Maxamed bin Salman wixii hadda ka damb eeya sugi maayo inuu boqor noqdo, waa boqorka ku sugan madaxtooyada."
Marinka Maxamed bin Salman u marayo car shiga boqortooyada muddo waa uu caddaa, ayada oo aysan muuqan wax cabaqad ah kadib markii uu mid mid u siibay kuwii la xifaaltamayey.
"Ma jiro il mucaarad oo ka dhex muuqata gudaha iyo banaanka boqortooyada," waxaa sidaas yiri Xu seen Ibish oo ah khabiir Bariga Dhexe oo fadhigiisu yahay Washington.
"Maxamed bin Salman dhab ahaantii hadda sidii hore waa ka muuqdaa kana awood badan
Dalxiise Soomaali ah oo laga helay nooca cusub COVID-19 ee Omicron
Dalxiise Soomaali ah ayaa laga helay nooca cu sub COVID-19 ee Omicron, ka dib markii uu gaaray Magaalada Hyderabad ee dalka India.
Agaasimaha Caafimaadka ee Gobolka Telangana, G. Srinivasa Rao ayaa she egay 23 jir ka soo safray Soma liya iyo gabar 24 jir ah oo ka timid dalka Kenya in labadaba laga helay xanuun ka.
Agaasimaha oo Arbacadii shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Hyder abad ee Xarunta Gobolka Telangana ayaa sheegay in dheecaankii laga qaaday labadaasi qof oo loo di ray shaybaarka lagu ogaaday in xanuunku qabaan.
"Sambalooyinkooda waxaa loo diray shaybaarka, si loo kala saaro in xanuunku qabaan iyo in kale, labadaba waxaa la ogaaday inay qabaan Omicron, waxayse leeyihiin astaamo fudud." Ayuu yiri Agaasimuhu.
Labaduba waxay Hyderabad gaareen 12-kii bishan, ka dib markii ay transit ku soo kala mareen Maga alooyinka Abu Dhabi iyo Doha. Markii dheecaanka laga qaaday ayaa la sheegay in loo ogolaaday inay magaalada galaan, saddex maalmood ka dibse markii natiijada baaritaankooda la helay in dib looga soo qabtay nawaaxiga xaafadda Toli Chowki ee magaaladaasi.
G. Srinivasa Rao ayaa sheegaya in ajaaniinta degan Toli Chowki laga wada baari doono COVID-19, isagoona yiri "Dhammaan muwaadiniinta ajnabiga ah ee degan aaggaas waxaa laga baari doonnaa COVID-19."
Ninkan dhallinyarada ah ayaa noqonaya Soomaal igii ugu horeeyay ee laga helo nooca cusub ee COVID-19, illaa iyo hadda inta laga warqabo.
Israa'iil oo duqeyn la beegsatay buuro ay ku dhow yihiin goobo muhiim ah
Wakaaladda wararka ee dalka Suuriya SANA oo soo xiganaysa Ilo milateri ayaa sheegtay in ciidanka difaaca Cirka ay ka hortageen weerar gantaallo ah oo ay Israa'iil la beegsatay aagga koonfureed ee dalka waxaana lagu dilay hal Askari.
Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee Habeen hore ayay Millatariga Israa'iil la beegsadeen Koofurta buuraleyda Golan oo ay ka dhow yihiin goobo muhiim ah, halkaas oo ah meel si weyn loo ilaaliyo sida ay sheegtay dowladda Suuriya.
Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suuriya sannadkii 2011 Israa'iil waxay qaadday boqollaal duqaymo ah oo ay ku bartilmaameedsa nayso goobaha ay dawladdu ka taliso


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip