Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xusay dhacdadii 17-ka December (SAWIRRO)

0
Friday December 17, 2021 - 22:30:21 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xusay dhacdadii 17-ka December (SAWIRRO)

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta xusay weerarkii afar sano ka hor lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, ee sida uu sheegay la doonayay in lagu qaarajiyo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid sharci-darro ah, oo lagu dilay shan askari oo ka mid ahayd ilaaladiisii.

"Maanta oo kale sanadkii 2017 ayaa weerar gardarro ah, loona adeegsaday awood dowladeed oo dulmi iyo sharci-darro ah, lagu soo qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir. Waxaa lagu dilay shan askari oo ka mid ah ilaaladii xarunta, anigana dhaawac la iigu gaystay, hantidii taalayna la bililiqaystay.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu sheegay in xuska dhacdadii 17-kii December ay tahay xus sanadle ah, oo loogu duceeyo dadkii kaga dhintay weerarkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri "Ujeedku, wuxuu ahaa in nala qaarijiyo, si loo cabsi geliyo inta kale, caburinta iyo awood sheegashadana waddo loogu furo, ha yeeshee, Alle mahaddii ma dhicin, mana dhici doonto. Waxaan Mahad u celinaynaa masuuliyiintii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee dulmigaas ka dhiidhiyey. Fadlan u soo duceeya shuhaddadaas dulmiga lagu dilay.”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip