HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA DEC. 2021-KA

0
Thursday December 16, 2021 - 08:01:22 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 16-KA DEC. 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
Farmaajo Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gu ddoomay Safiiro Loo Soo 

Magacaabay Somalia

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamm aaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wa rqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gud doomay safiirrada cusub ee dalalka Masar iyo Norwey ay u soo magacaabeen Soomaaliya, Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas iyo Gunner Andreas .
Danjiraha dal ka Masar Maxamed Al-saciid Ax med Al-baas ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Cabdifataax Al-Siisi, isa ga oo soo bandhigay da daalka uu ku bixin do ono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wada agaan Labada Dowladood iyo Labada Sha cab ee walaalaha ah.
Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Norwey ee Soomaaliya Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wada agay Farmaajo mahad celin ku aaddan soo dhow eynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka iyo dowladda Somaliyed.
Farmaajo iyo Danjireyaasha Cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay DFSoomaal iya la leedahay Do wladaha Masar iyo Norwey, is aga oo Madax we ynuhu la wadaagey Safiirrada guulaha la tab an karo iyo horumarrada ballaaran ee D/ Soomaali ya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dayn cafiska, la dagaallanka argagixisada iyo dib -u-dhiska Ciidamada Qaranka.
Ra'iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Madax weynaha Jabuuti
R/Wasaaraha X.xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Djibouti ayaa la kulmay madaxweynaha Ja mhuuriyadda Djibouti Ismaa ciil Cumar Geelle.
Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xirii rka labada dal ee walaala ha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti sida lagu sheeg ay war kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweyne Geelle uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu soo xiray Shirwey naha wadatashiga ee Machadka Heritage.
Ra'iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia oo Hargeysa lagu xiray
Waxaa Shalay lagu xiray Garoonka Diyaara daha Magaalada Hargeysa ee Somaliland R/Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Ca rte Qaalib oo bilihii la soo dhaa fay ku sugnaa Magaaladaasi Har geysa.
laamaha amniga Somaliland ayaan weli faah faa hin sabaha loo xiray mas'uulkaas, kaas oo sfaar ahaa, in kastoo aan la faah fahain halka uu ku wajahnaa , waxaana xarigiisa kasoo baxaya war ar kala duwan.
Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra'iisul Wasa are kuxoveenkii hore ee Soomaaliya ayaa bishii October ee sanadkii 2020 waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaddib markii uu iska casilay xubinnimadii Baarlamaan ka, si uu u booqdo aabihii oo xilligaas ku xann uunsanaa Hargeysa oo uu markii dambe geeriyo oday Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan soo saaray amar looga mamnuucayo dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland inay ka qeyb galaan howlaha siyaasadeed ee Dowla dda Soomaaliya, isla markaana aan la cafin doonin qofkii ka qeyb gala.
laamaha Amniga oo howlgal ku burburiyay waxyaabaha Maanka dooriya
Ciidamadda Ammaanka dowladda Soomaali ya ayaa howlgal agu burburiyey waxyaabaha Ma anka dooriya sidda khamrigga iyo Xashiiska ka sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolka Bana adir.
Howlgalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa laga sameeyay Goobo ku yaalla Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu burburiyay Goobo dhowr ah waxyaabihii laga soo qabtana lagu Gubay meel fagaaro ah.
Afhayeenka Maamulka G/Banaadir G/le Cab difitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay laba tan oo isugu jira Xashiis iyo Khamri, kuwaas oo laga Ganacsanayay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka uu ahaa mid maal mahaan ka socday degmoo yinka Gobolka Banaadir, isla markaana looga hortagayo dadka ka Ganacsanaya iyo kuwabisticmaalaya maandooriyaha oo ka qeyb qaata falalka amni darro ee ka dhaca Muqdisho.
Howlgalkan laga sameeyay Shalay qeybo kamid ah M/Muqdisho ayaa waxaa dhawaan lagu go'a amiyay kulan ka dhacay degmada Kaaraan kadib markii ay kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dad ka dhacaya.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaars iinta Rooble Iyo Xasan Xundubey Oo Is Cafiyay


R/Wasaaraha XFS ee xilgaarsiinta Maxamed Xu seen Rooble ayaa Habeen hore M/Djibouti uga qeyb gal ay munaasabad lagu maamuusayay sanad guur adii 9-aad ee aasaaskii machadka Heritage.
R/Wasaare Rooble oo Munaasabadda khud bad ka jeediyay ayaa marka hore machadka Heri tage ku boggaadiyey kaalintiisa cilmi baarista iyo doodaha wax dhisaya ee khuseeya dalka iyo gu ud ahaan gobolka.
R/Wasaaraha ayaa inta uu waday hadalkiisa Cafis ka dalbaday Wasiirkii ho re ee amniga Xukuumadda Xa san Xundubey Jimcaale oo uu xilka qaadis ku sameeyay isa ga oo dalka ka maqan, iyado ona Xundubey uu dhowr jeer Rooble ku weerar ay baraha Bulshada.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha dowladda Ja buuti Ismaaciil Cumar Geelle doorkiisa nabade ynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu yahay Geelle aas-aasaha DFS.
R/Wasaaraha X.xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Habeen hore M/Djibouti ee caasimadda Djibouti ayaa Shalay halkaas ku soo xiri doona Madasha Aragti Wad aagga Heritage oo labadii maalin ee lasoo dhaa fay socday.

Taliyaha Xoogga dalka oo gaaray Beledwey ne iyo gaadiid dagaal oo…
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaa liyeed General Odowaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay gaaray M/Beled weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey Odowaa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif uga hortegay guddoomiyaha gobol ka, Cali Jeyte Ci smaan, saraakiil ka kala tirsan cii damada Xoo gga iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa garoonka Ugaas Khaliif uga qeyb-galay mu naasabad kooban oo lagu qabtay, isaga oo hay'ad da UNMAS kala wareeg ay gadiid iyo qalab ci idan oo loogu talagay ciidama da Xoogga dalka, qeybtooda 27-aad ee Hiiraan.
Ujeedka socdaalka taliye Odowaa ayaa la xiriira dhaqaajinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Sha baab ee ka socda deegaanada HirShabelle, wux uuna saraakiisha Xoogga dalka kala hadli doo naa, sidii loo dardar-gelin lahaa dhaq-dhaqaaqy ada ciidan ee ka socda halkaasi.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Al-Shab aab ay abaabul xoogan ka wado gobolka Hiira an, iyaga oo dhowan la wareegay degmada Mata baan, inkastoo ay dib uga baxeen.
Hiiraan ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaq aaqyo dagaal oo ay wadaan labada dhinac, taas oo cabsi horleh ku abuurtay dadka deegaanka.
Si kastaba, reer Hiiraan ayaa haatan wajahaya xaalado adag oo is-biirsaday, waxaana ka mid ah xiisadda siyaasadeed ee Beledweyne, doora shada iyo dagaalka Al-Shabaab.
Beesha Caalamka Oo Galmudug Ka Taage er ay sa Arrimaha Doorashooyinka Iyo Amniga

Madaxweynaha D/goboleedka Soomaa liyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ay aa Xalay aaladda fogaan aragga kulan kula yeesh ay Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Q/Mid oobay, Mareykanka, Ingiriiska iyo Mid owga Yur ub. Kulanka u dhexeeyay Madax weyne A med Cabdi Kaariye Qoorq oor iyo dan jirayaasha ayaa diiradda la gu saa ray arri mo ku aaddan siya asadda iyo xaaladaha doorashooy inka.
Waxaana si gaar ah ay mas'uuliyiin tu kaga wada hadleen arr imaha amniga Gal mudug iyo Doorashada, iya doo Magaalada Dhu usamar eeb ee Xarunta Maamulkaaasi wali ay ka soc oto doorashada Golaha shacabka.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mah ad celiyay taageerada beesha caalamka ee doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha DG/Galmudug Axmed Cab di Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaam in ayo ayaa Shalay dib ugu soo laabtay M/ Dhus amareeb Galmudug, iyadoo Garoonka di yaara daha MDhuusamare eb ay kusoo dhaw eeyay Madaxweyne Ku xigeenka Galmu dug Cali Da ahir Ciid iyo xubno ka tirsan laba da go le ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddiga doorashadda gobolladda waqooyi oo shaaciyey inay diiwaan galiyeen Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji
Guddiga maamulka Doorashadda gobollada waqooyi Somaliland ayaa shaaciyey inay diiwan galiyeen musharax xildhi baan Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u sharaxan kursiga su madiisu tahay HOP #262, kadib mar kii ay soo buuxisay shuruda ha musharaxnima da
Af-hayeenka guddiga doo rashooyinka Heer Fed eraal ayaa Wakaaladda warar SO NNA, u xaqii jiyey in si rasmi ah loo dii wan galiyey MarwoFow siyo Yuusuf Xa aji Aadan oo u tartameysa kursiga sumadiisu tahay HOP#262.
 
Rooble oo sheegay in golaha wadatashiga qaran ay ka shiri doonaan daahfur la'aanta doorashada
Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xu seen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay la socoto daahfur la'aanta do orashada, islamarkaana dha waan ay qaban doonaan Shir weyne looga hadlaayo boob ka doorashada.
Waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa ay qorshe ysay maalmaha soo socdo Shir looga hadlaayo muranka doorashada, islamarkaana ay yeelan doonaan golaha wadatashiga qaran.
Waxaa uu sheegay in uu Cadaadis badan xafi iska ka heysto maamul goboleedyada, Xafiiska Farmaajo iyo Midowga Musharaxiinta.
Waxaa uu tilmaamay Rooble in xukuumaddiisa ay ka go'aan tahay in la xaliyo cabashada ka tim id doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kuraas badan oo ka mid ah la boobay.
"Dadka waxay is weydiinayaan Ra'iisul Was aaruhu muxuu la aamusan yahay waayadan, waddamada uu tagay miyaa dhabarka ka soo ta abtay, wax kale lama aamusni, dherigii saddexda dhinac u dhaxeeyay ayaa ahay, haddii ay tahay Maamul Goboleedyada, Musharaxiinta iyo Mad axweynaha" ayuu yiri Rooble.
Wasiir Dubbe "Waa lagama maarmaan xorri yadda hadalka iyo xurmeynta Saxafiga"
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqan ka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay xorriyadda ha dalka iyo helitaanka xogta inta lagu gudo jiro doo rashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay inay lag ama maarmaan tahay xorriyadda hadalka, helita anka macluumaadka iyo xurmeynta saxafiga.
Kulanka oo looga hadlayay damaanad qaadida helitaan ka xogta iyo xorriyadda hadal ka inta ay socdaan doorasho oyinka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka warfaafinta, ta liye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, guddoo miyaha guddiga doorashooyinka ee heer feder aalka.
Ururradda warbaahinta madaxa bannaan ee ku midoobay dalladda SIMHA, ayaa kullankaan soo agaasimahay, waxaana goob joog ahaa gud doomiyaha Ururka SIMHA, Xasan Cali Geeseey, agaasimaha Mustaqbal Media Axmed Ciise Guut aale iyo madax ka socotay xafiiska qaramadda midoobay ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka he er Federaal Maxamed Xasan Cirro iyo taliye ku xigeenka Booliiska Sakiya Xuseen, ayaa warba ahinta ku bogaadiyay shaqadda ay bulshadda u hayaan, waxaana au ugu baaqeen horumarinta wadda shaqeynta tabinta wararka doorashooyin ka.

Hir-Shabeelle oo digniin u dirtay madbacad aha daabaca kaararka aqoonsiga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay shir gudoomiyay kulanka gol aha xukuumada Dowladda Hir shabeelle.
Madaxweynaha ayaa shirka go laha wasiirada golihiisa uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Ma daxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka
Golaha Xukuumadda ayaa cod gacantaaga ku ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2021/22 oo Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay usoo gudbisay golaha xukuu madda
Kulanka waxaa kale oo looga hadlay in Hay 'addaha Dowladda ay isticmaalaan account xisaa beed uga furan wasaarada maaliyada, wasaara dii aan lahayna ay furato iyo in Wasaaradaha ay isticmaalaan Email-ka Officialka ee Dowladda Hirshabeelle.
Golaha Wasiirada ayaa Shalay ka dooday bix inta kaararka aqoonsiga Wasaaradaha iyo guud ahaan dowladda, iyadoo goluhu isla qaateen in sanadka cusub dowladda ay soo saari doonto karaar cusub oo mideysan oo laga bixin doono Ma daxtooyada Dowladda Hirshabeelle
Ugu dambeyn madbacadaha kaararka aqoonsi ga daabaca waxaa looga digay inaysan sameyn kaarar aan sharci ahayn cidii lagu helana laga qaado talaabo harciga waafaqsa.
Wasiir Jamaal: "Sanaag waxay kamid tahay Soomaaliya aniga ayaana wasiir u ah, Har gaysa iyo Burco-na anaa u ah"
Wasiirka qorshaynta Dowlada Federaalka So omaaliya Jamaal Maxamed Xasan, oo ka qayb galayay shir uu soo qaban qaabiyay macadka He ritage, oo ka socda dalka Jabuuti, ayaa sheegay in uu isagu Somaliland iyo Soomaaliya-ba shirka ku matalayo.
Wasiirka oo ah shakhsi kasoo jeeda gobolka Sanaag ee Somaliland oo muuqbaahiyaha MM TV uu wax ka waydiiyay, sababta xukuumada So maliland shirka loogu soo casuumi wayay, ayaa ku jawaabay in uu isagu Somaliland shirka ku matalayo.
"Somaliland, Sanaag iyo Ga roowe dadka jooga xaq iiqo rasmi ah ayaa jirta dad man ihin hada loo sharaxayo, yaa halkaa tagay iyo yaa halkaa tagay, Sanaag waxay kamid ta hay J. Faderalka Soomaaliya aniga ayaana was iir u ah, Hargaysa-na anaa u ah, Burco-na anaa u ah" ayuu yidhi wasiir Jamaal.
Dhinaca kale, danjiraha Somaliland ee dalka Jabuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, oo MMTV, wax ka waydiiyay hadalka wasiir Jamaal, ayaa sheegay in xukuumad shacbigu doorteen ay Somaliland ka taliso, isla markaana anay jirin cid kale oo Somaliland matali karta.
"Somaliland xukuumad ayaa jirta dadku ay do orteed, golayaal qaran ayaa jira, cid kale oo mat ali karaysa ma jirto, ninkaa iska hadlayna waxan u arkaa uun nin aan habeen jirin... waan ognah ay waliba nin kaasi dhibaatada uu ku hayo qaran ka Somaliland" ayuu yidhi danjire Saciid.
Xukuumada Somaliland ayaan ka qayb galay shir uu soo qaban qaabiyo macadka Heritage oo qaybo kamid ah Soomaalida uga soconaya dalka Jabuuti, isla markaana danjire Siciid ayaa shee gay in Somaliland ay shirka iyadu qaadacday.

Alshabaab oo la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere oo Dhuusomareeb u jira 30km
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ay aa sheegaya in ururka Alshabaab ay la wareeg een gacan ku haynta deegaanka Ceel-dheere oo 30 km u jira magaalada Dhuusomareeb ee caas imadda Galmudug.
Waa magaaladii labaad oo mu ddo todobaad gudidiis ah ay la wareegaan uru rka Alshabaab oo muddooyin kii ugu dambeey ay isku fidinayay deegaanno kati rsan gobolka Ga lgaduud
Ciidamada Alshabaab ee qabsaday Ceel-dhee re ayaa lagusoo waramayaa in ay gubeen saldhi ggii ciidanka Booliska iyo xaruntii maamu lka, waxayna qaarkood ku xireen qaraxyo si ay dhul ka u dhigaan.
Alshabaab wax dagaal ah kalama kulmin qab sashada Ceeldheere, inkastoo ciiddanku isku da yeen in ay kusoo qaadeen weerar ay dib ugu qab sanayaan haddana Alshabaab waxaa la sheegay in ay iska caabiyeen.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Alshabaab la wareegeen degmada Matabaan ee gobolka Hi iraan, oo ah magaalo muhiim ah oo isu xirta go bolada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.
Ceel-dheere waxay u dhaxaysaa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, waana deegaan Alshabaab dhowr mar ay qabsadeen sannadkan gudihiisa, inkastoo ay xilligaas saacaddo kooban kadib isaga baxeen
Galmudug weli kama hadlin dhaqdhaqaaqya da is-ballaarinta Alshabaab, waxayna arrintaan ku soo aadaysaa, iyadoo Galmudug ay isku diy aarinayso qabashada doorashada kuraasta gola ha shacabka.
Soomaali ka tirsanaa shirkada DAHABSHIIL oo la la'aa oo meydkiisa laga helay...
Meydka Bashiir Warsame Cabdulle oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda Dahabshil Group ay aa Shalay laga helay magaalada Nairobi ee dal ka Kenya.
Illaaa iyo hadda ma cadda sababta dhimashada Bashiir iyo cidda ku lugta leh intaba. Mas'uuliyiinta Kenya ayaan weli ka hadlin arrintan.
    Markii ugu dambeysay ayaa Bashiir wuxuu gurigiisa ka tegay Talaadadii, isaga oo aaday Masjid ku yaalla xaafadda Islii, balse sooma noqon, sida ay sheegeen qoyskiisa.
     Qoyska ayaa xilligaas sheegay inaysan garaneyn sababta loo waayey Bahsiir, oo ahaa nin ka dhex-muuqda bulshada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii.
Dhacdadan ayaa imaneysa ayada oo horey ay u jireen Soomaali dhowr ah oo lagu waayey magaalada Nairobi, inkasta oo bilihii dhowaa ay yaraadeen kiisaska noocan ah.
       Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqonyahan degan Nairobi ayaa bishii September laga af duubtay Nairobi, waxaana la haystay toddobaad ka hor inta aan lasii dayn, ayada oo weli aysan caddeyn sababta loo afduubtay iyo cidda afduubatay.
Waxaa sidoo kale ka horreeyey afduubka Xafsa Luqmaan oo ah gabar Soomaali ah, taasi oo kiiskeeda uu markii lasoo daayey kadib luga hala galay gabar ay saaxiibo ahaayeen.
      Waxaa sidoo kale jiray 24-kii May 2021 l he lay meydka Bashiir Maxamed Gaboobe oo ahaa ganacsade Soomaali ah oo maalmo la la'aa. Meydkiisa waxaa laga helay meel duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee gobolka Kirinyaga, oo Nairobi u jirta 180km.

 
GOLAHA NABBADA MIDOWGA AFRIKA OO KU CELI YAY IN AY KA GO'AN TAHAY IN LA DHISO HAWLGAL KA XASILINTA DHINACYADA BADAN EE SOMALIYA
Golaha Nabadda iyo Amniga midowga Afrika ayaa ku celiyay in ay ka go'an tahay in la dhiso hawlgalka xasilinta dhinacya da badan ee AU-UN ee So omaaliya, kaasoo lagu bedd elayo howlgalka hadda jira ee AMISOM.
War mutiyeed kasoo baxay golaha Nabadda iyo Amniga, ayaa lagu sheegay in habkani ya hay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo laguna heli karo maalg elin waara oo ka timaada Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee tag eera Soomaaliya .
Balse, golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika wuxuu qiray in hawl-gal kasta oo musta qbalka ah oo lagu beddelayo AMISOM ay tahay inay taageero iyo oggolaansho ka helaan Dowl adda federalka Soomaaliya iyo sidoo kale Gola ha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in howl galkan uu yahay hab dhammaystiran oo wax loo ga qabanayo xaaladda amniga Soomaaliya, tag eeridda hirgelinta arrimaha siyaasadda ee tag n, iyo wax ka qabashada colaadaha iyo dib u dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya.
Golaha Nabadda iyo Amniga midowga Afrika ayaa ka codsaday guddiga midowga Afrika inuu sii wado la-tashiyada Qaramada Midoobay ee diy aarinta Warbixinta Wadajirka ah ee maalgelinta howlgalkan, ku wareejinta mas'uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo ciidamada amniga Soomaal iya ee dhamaadka sanadka 2023.
Si kastaba ha ahaatee, waajibaadka howlgal ka AMISOM ayaa ku eg 31ka Diseembar 2021, waxaana golaha nabadda midowga Afrika uu ka codsaday golaha ammaanka Qaramada Midoob ay in la gaaro heshiis.
Dowladda Soomaliya ayaa horey uga timid qorshahaan ka yimid midowga Afrika, iyadoo cad daysay in ay ka doorbidayso in howlgalka AMIS M lasoo gabagabeeyo, isla markaana ciiddama da qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalka.
Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Faah Faahi yey Ujeedka Safarka Uu Ku Tegay Kismaayo
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Ma xamed Lafta-gareen ayaa faah fa ahin ka bixiyey ujeedka safa rkii uu Shalayku tegay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Lafta-gareen oo la hadlay war baahinta ayaa marka hore Madaxweynaha Jub baland, maamulkiisa iyo qeybaha Bulshada uga mahadceliyay soo dhawe ynta ballaaran ee isaga iyo wafdigiisa ugu sameeyeen Kismaayo. Laf ta-gareen ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxs anyahay inuu booqasho ku tego Kisma ayo, wu xuuna tilmaamay in Jubbaland iyo Koon fur Ga lbeed ay yihiin laba maamul oo ay ka dhex eeyso wadashaqeyn iyo deris wanaag.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Carabka ku dhuftay in safarkiisa uu yahay mid la xiriira jooj in ta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada ma amul oo ku saleysan dhinacyada amniga, siyaas adda, Ganacsiga iyo Is-dhexgalka bulshada.
Wuxuu intaas kusii daray inuu kulamo la ye elan doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayna ka wa da ha ddli doonaan Arrimo kala duwan, iyagoona kula nkooda diirada ku saari doona doorashada Gol aha Shacabka.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbe ed ayaa xusay in abaaraha ka jira dalka ay siw eyn saameyn ugu yeesheen dadka deegaanada Jubbaland, wuxuuna Alle ka baryay inuu roob ke eno, si Alle abaarta uga dul-qaado dadka.

Mid Kamid Ah Dowladdaha Reer-Galbeedka Oo 11 Dal Oo Afrikaan Ka Saaray Liiska Cas
Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dhamm aan 11-ka waddan laga saarayo liiska cas ee UK laga bilaabo 4-ta subaxnimo Arbacada.
Dalalka liiska ku jiray ee ha atan xayiraadda laga qaaday waxaa ka mid ah Angola, Bo tswana, Es watini, Lesotho, Ma lawi, Mozambique, Namibia, Nigeria, South Africa, Zambia iyo Zimbabwe.
Liiska cas ayaa dib loo soo celiyay dabayaaqadii November si looga hortago korona fayraska cusub ee Omicron.
Laakiin Xoghayaha Caafi maadka UK Sajid Javid ayaa sheegay in fayrasku uu haatan si gu ud u faafay sidaas dartee dna aysan sii jri karin sabab xayiraadaha loo sii wado.

Maxkamad Xukun Ku Riday Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Afrika Jacob Zuma
Maxkamad ku taal Koonfur Afrika ayaa xukuntay in xabsiga dib loogu celiyo Madaxweynihii h re ee Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayadoo sheegtay in siidayn sharafeedkiisa caafimaad ay tahay "sharci darro"
     Muddada uu xabsiga ka maqan yahay waa in aan lagu tirin 15-ka bilood ee lagu xukumay, ayay go'aamisay maxkamaddan oo ku taal Pretoria.
Mr Zuma ayaa la sii daayey 5-kii September xaalad caafimaad oo aan la shaacin awgeed.
Zuma ayaa xabisga loogu xukumay sababo la xiriira in markii uu madaxweynaha ahaa uu ka jaabi waayey baaritaan la xiriiray musumaasuq.
79-jirkan ayaa bishii July isu dhiibay booliiska ka dib markii ay dadweynuhu is-hortaageen, balse xarigiisa oo uusan jirin madaxweyne uga horreeyey ayaa dhaliyey rabshado bililiqo watay.
     Dalka Kenya Oo Laga Helay Kiisas Nooca Cusub Ee Covid 19 Ee Omicron
Kenya ayaa diiwaan gelisay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona fayraska cusub ee Omicron oo laga helay illaa saddex ruux sida uu sheegay wasiirka caafimaadku.
      Gudaha dalka Kenya ayaa laga soo sheega yaa in lagu arkay dad badan oo qaba hargab iya doo si xoog leh uu ugu faafayo hargabkaas.
Dadka laga helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenaya ayaa laba jibbaarmay, waxaana Talaadadii oo kaliya la diiwaan geliyey 331 kiis oo cus ub, waana tiradii ugu badnayd ee waayadaan la diiwaan geliyo. Wadarta guud ee kiisaska Co vid-19 ayaa joogta 256,815 oo ay ku jiraan 5,349 oo dhisho ah.

Dowladda ayaa ku baaqaysa in dad ku ay tallaalka qaataan.
Maxkamad ku taal Kenya ayaa Talaadadii ha kisay amarkii dowladda ee ahaa in dadka aan la tallaalin laga mamnuuco inay helaan adeegyada laga bilaabo 21ka December. Toddobaadkii hore ayaa Uganda waxay ku dhawaaqday in laga helay kiisas Omicron Covid-19 ah iyadoo noocan cusub uu yahay dalkii ugu horeeyay ee laga helo wadamada gee sheego Bar iga Afrika.
Ugu yaraan 13 waddan oo Afrika ku yaalla ayaa laga soo sheegay kiisas cudurka Omicron ah, oo ay ku jiraan Rwanda, Uganda, Senegal, Zambia, Tunisia, Mozambique, Nam ibia, South Africa, Botswana, Zimbabwe, Ghana iyo Nigeria, sida ay sheegtay Xarunta Xakamay nta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika (CDC).
Mareykanka oo Madaxda dowlad Goboleedy ada uga digay dib u dhaca doorashada
Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay mar kale ka dalbaday Madaxda dowlad Goboleed yada ibay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yi maada doorashada, si degdeg ahna u soo gaba gabeeyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, hufan oo loo dhan yahay
Qoraal kasoo baxay Safaa radda Mareykanka ee Muq disho ayaa lagu shaaciyay in ay muhiim tahay in doorasho oyinka waqtigooda ku dhacaan
"Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqb alay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaal iya"ayaa lagu yiri" Warka lagu qoray Twitterka Safaaradda Mareykanka.
Warkaan kasoo yeeray Safaaradda Mareyk anka ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, si doo kalena Midowga Musharrixiinta ay dalbad een in la joojiyo doorashada, iyaga oo sheeg ay in boob lagu haayo.
shabaab oo culeys ku haya Maamulka Galmu dug
Dhowr iyo toban sano oo Ahlu Sunna ka arri mineysay Gobolada Dhexe waxa uu amnigeedu ahaa mid la isku haleen karo, Shabaab-na aanu cagta soo dhigi karin.
Shabaabka waxay muddoo yinkii ugu dambe ysay ko rdhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada ay Galmudug maamusho.
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxwe ynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa la fah amsan yahay in weeraradaasi kordheen.
Shabaab waxay Axaddii la wareegeen deega anada Beergadiid iyo Bacda oo hoos-tagga Mag aalada Matabaan, halka Isniintii ay la wareegeen Matabaan qudheeda, iyadoo Ciidamadii Galmud ug ee ku sugnaa kastamka canshuuraha ee Mat abaan ay aadeen dhinaca Magaalada Guriceel.
Shabaabka ayaa sidoo kale goor dambe oo Habeen hore ahayd la wareegay gacan ku haynta de e gaanka Ceeldheere, oo ku yaala waddada xirii risa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guric eel .Ciidamadii Galmudug ee ku sugnaa deegaan kaasi ayaa u ruqaansaday dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maql een dhowr qarax, oo Shabaabku ku burburiyeen Xaruntii Maamulka iyo Saldhiggii Booliska ee Ce eldheere, sidoo kalena ay dab qabadsiiyeen Xer adii Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu ku lahaa deegaankaasi.
Bishii November ee sanadkii 2019, Ahlu Sun na ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisay dee gaanadii ay ka arrimineysay muddada dheer, wix iise xilligaa ka dambeeyay xaaladda Galmudug ayaa ahayd mid Allow sahal ah.
Shabaabka ayaa tan iyo xilligaa culeys ku ha yay deegaanada Galmudug, iyadoo Shalay aan ay dadku si caadiya isugu kala gudbi karin mag aalooyinka
 
 
GUDDIGA XALINTA KHILAAFAADKA OO GO'AAN KA GAARAY KURSIGII LOO DOORTAY YAASIIN FAREEY
 
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa Go'aan ka gaaray Shalay oo ay taariikhdu
tahey 15/12/2021 dacwada kursi HOP 067 oo 25-kii Bishii la soo dhaafay ee November Magaalada Dhuusamareeb lagu doortay, kaas oo uu kusoo baxay Taliyaha KMG ah ee Hay 'adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Fareey.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Xallinta Khilaafaadka doora shooyinka ayaa lagu sheegay in kursigaas qaabka loo doo rtay ay dacwad ka keenay Axmed Cabdikariin Cali iyo Cali Xasan Cali, isla markaana Guddiga uu baaritaanka dacwad da uu sameeyay inta u dhaceeysay 24/11/2021 ilaa 14/12 /2021 kaidb markii Axmed Cabdi Kariin Cali uu ku dooday in guddiga doorasho oyinka ay u diideen inay diiwaan geliyaan iyo In kuraasta Beesha Wacaysle aan loo qaybin doorashadii 2016kii qab waafaqsan habkiî Beesha wax u qeybsan jirtay, balse loo qaybiyay qaab ka duwan habkii jufooyinka Beeshu wax u wa daagi jireen, wuxuuna tusaale u soo qaatey in habka wax qaybsiga Beesha Wacaysle uu yahey afar qaybood iyo rubac (4.25) oo ah.
Aybakar Gaab Macalin ivo Maxamed Cade Macalin oo ah reerka uu soo dacwooduhu ku abtirsado.
2. Marooyin oo ah qaybta haysata kursiga HOP#067 hadana ku tartamay.
3. Qaybta Cali-gaaf, Jibraa'il ivo Ogaale Cumar oo ah qaybta haysata kursiga HOP#137.
4.Absuge Cabdiraxmaan Saleyman iyo Dhagaweyne oo ah qeybta haysata kursiga
Aqalka Sare iyo kursiga Golaha Shacabka ee HOP#064.
5. Rubac Qayb: oo ah Cabdi Macalin Dhiblaawe.
Wuxuna ku doodey in qaladka jira uu yahey in hal qayb oo ka mid ah afarta qaybood ay isku
qaateen labo kursi oo kala ah kursi Aqalka Sare iyo kursi Golaha shacabka, hal ka aysan waxba qaadan
qaybta Maxamed Cade Macalin iye Aybakar Gaab Macalin_taas oo keentay in ay xaqoodii matalaada ee aybku lahaayeen kuraasta Beesha Wacaysle ku waayeen qaabkii loo qaybiyay Doorashadii 2016di.
Hayeeshee dacweysanaha asagoo ka jawaabaya eeda loo soo jeediyay ayaa ku dooday in Kursi HOP#067 uu ku qoran yahey Beesha Marooyin sidaa darteedna aysan u tartami karin qof aan Beeshaas aheyn.
Guddiga Xallinta Khilafanadka Doorashooyinka Dadban waxay Baaritaan ku sameyeen:
Sooyaalka kursiga HOP#067 si loo hubiyo sugnaanta jawaabta dacwaysa naha (Guddiga Maamulka Doorashooyinka Galmudug) Guddiga wuxuu baa ritaan ku sameeyay taariikhda kursigan, ee doorashooyinkii dhacay laga soo bilaabo 2004tii waxaa u soo baxdey in Beesha
Marooyin/ Wacaysle ay ku lahaan jireen Baarlamaanka Soomaaliya Xildhi baan sida ka muuqata qoraalada rasmiga ah (Documents) ee doorashadii 2016-dii, kaas oo ku matalayay Beesha Marooyin Cadow Cali Axmed lana doo rtay sanadkii 2016
Sidoo kale Guddigu markii ay baareen qoraalada rasmiga ah (Documents) ee kursiga HOP#067
waxaa u cadaatey in qoraaladii kursigaan ee doorashadii 2016-kii uu ku qoran yahey magaca Beesha Marooyin/ Wacaysle.
3- Waxaa kale oo Guddigu uu baaritaan ku ogaaday in qaybta isku haysta labada kursi ee kala ah
kursiga Aqalka Sare iyo kursiga Golaha Shacabka HOPHO64 ay tahey qaybta Absuge.
Cabdiraxmaan Saleemaan iyo Dhagaweyne balse aysan aheyn Beesha Mar ooyin oo haysata hal kursi oo ah Golaha Shacabka oo lambarkiisu yahay HOP#067.
Sidoo kale guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waxaa ay sheegeen inay baaritaan ku sameeyeen habka loo maray ergooyinka doortay kursiga HOP67 , sidaas daraadeed doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee uu kusoo baxay Yaasiin Fareey ay tahay mid sax ah.
HOOS KA AKHRISO:-
 
 

GUDDIGII XALINTA KHILAAFAADKA OO SHALAY IS-AASAY: SAMIR IYO IIMAAN
Faallo aan qornay 1-dii December waxaan ku sheegnay in mustaqbalka iyo kalsoonida lagu qabi karo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ay ku xiran yihiin sida ay u maareeyaan kuraasta HOP67 iyo HOP103 oo muran uu hare eyey.
Guddiga ayaa war ay soo saare en Shalay ku sheegay in baarit aan dheer kadib ay go 'aamiyeen in doo ra shada kursigas HOP67 loo mar ay hab raac saxan, wuxuuna gudd iga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yih iin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u dii waan gashan wasaaradda Arrima ha Gudaha.
Natiijada guddiga uu ku dhowaaqay ayaa ah mid horey loo filayey, maadaama guddiga lagu xa nto inuu hoos tago islamarkaana ay gacanta ku hay so madaxtooyada Soomaaliya, oo ka dambeysay doorashada Yaasin Farey.
Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay in ergadii dooratay Yaasiin Farey ay aheyd tii saxda ee beesha Waceysle, halka Nabad oonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu ya hay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, halka Nab adoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu guddiga ku sheegay in uu yahay caaqil ku-xigeenka Beesha Waceysle.
Hase yeeshee sheegashada guddiga ayaa aad u ga fog xaqiiqda, marka aad eegto sida wax u dhac een.
Ergada wax dooratay: Sheegashada guddiga ee ah in ergo sax ah ay dooratay Yaasiin Farey lagu ma taageerin wax caddeymo ah. Xagee lagu shaaci yey liiska ergada? Yey ahaayeen xubnihii ciidanka ee Muqdisho laga waday si ay uga codeeyaan Dhu usomareeb? Maxaa loo xanibay safarkii odayaasha qaar ee Muqdisho ka tagi lahaa ee lagu celiyey gar oonka Aadan Cadde? Maxaa musharaxiintii kale ee miisaanka cuslaa looga diiday tartanka oo hal qof loogu xiray?
Su'aalahaas oo idil wax jawaab ah kama bixin guddiga, hase yeeshee dhammaan inta la socota sida Qoor Qoor wax u maareynayo waa ay haysta an jawaabahooda.
Saxiixaha rasmiga ah: Guddiga ayaa sheegay in saxiixaha Beesha kursiga iska leh uu yahay Naba doon Maxamed Cabdi Shiddo, balse Imaamka Mud ulood, Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu horey u cad deeyay in nabaddoon Cali Jeesto uu yahay saxiixa ha rasmiga ah ee kursiga HOP67.
"Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Cali Jeesto uu odayga Waceysle yahay, dowladda waxaan le eyahay yaan lagu sirmin ninkaas Cali ah, qolada gu ddiga khilaafaadka waxaan lee yahay war na-wars ada aan inla toosinee waxa qaldamay, anaga wax aan rabnaa dowlad ku dhisanta hanaan sax ah," ay uu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.
Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 ee Yaasiin Farey loo boo bay ayaa kal hore shir jaraa'id oo uu ku qabtay mag aalada Muqdisho ka sheegay in aaminada Ra'iisul Wasaare Rooble ay ku xiran tahay go'aanka laga qaato kursigaas lagala cararay beeshii laheyd. Na baddoonka oo garabkiisa uu fadhiyo xildhibaanka beeshiisa ku metela baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale xiligaas sheegay in caddeymo wax ku ool ah u gudbiyeen Guddiga xalinta khilaafaadka, kuwaasi oo uu iska xooray guddiga xalinta khilaa faadka doorashooyinka.
Sidaas darteed, go'aanka uu Shalay qaatay gud diga, oo halbeeg u ahaa kalsoonida iyo cadaalad-soorka guddiga, ayaa banaanka u soo saaray in guddiga xalinta uu si toos ah u hoostago Villa Som alia, oo ayadu kursigaas sida la fahamsan yahay u boobtay Yaasiin Farey. Go'aanka guddiga wuxuu sidoo kale caddeyn u noqday inuusan jirin guddi xalin khilaafaad balse murashaxiinta xildhibaan iyo odayaasha beelaha ay la macaamilayaan guddi hoos taga Villa Somalia, mana dhici doonto in mar dambe cabasho loo gud biyo.
Doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka ayaa waxaa ragaadiyey mad-madow badan, waxaana hore u qaadacay Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in la hakiyo.
Rajadii yar ee la qabayna waxaa qeyb ka ahaa in guddiga xallinta khilaafaadka uu noqdo mid ugu yaraan wax ka qaban karo cabashooyinka qaar, ba lse guddigaas Shalay ayuu dhintay, oo uu is-Aas ay. Samir iyo iimaan.
BY :-CAASIMADA ONLINE DECEMBER

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR: NABAR LA FILAYEY NAXDIN MA LEH
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdish akuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee So omaaliya ayaa si adag uga horyi mid go'aan ka uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ku xalaa leeyay kurs igii loo doortay Yaasiin Farey Cabdi raxmaan ayaa go'aan ka kursiga loogu xalaaleeyey Yaas iin Farey ku shee gay inuu yahay "nabar la filayey na xdin ma leh", ta asi oo ka dhigan in hore loo filayay go'aan noocan ah uu soo saaro guddiga, oo sida la fahamsan yahay gacanta ku hayso Villa Somalia.
Tallaabada guddiga ay qaadeen ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay in labo ujeedo midkooda u xaq iij inayaan Farmaajo, kuwaasi oo kala ah; in lagu ba naysto kuraasta loo boobayo Farmaajo iyo in jid-gooyo loogu dhigto kuraasta lagu boobo degaanna da gacantiisa ka baxsan.
"Haddii tan hore socon wayso waa in doorasha da oo idil la foolxumeeyo, Farmaajana sheegto in doorashooyinka dalka la boobay, natiijadeedana aan la aqbali karin, eedana dusha ka saaro Rooble iyo dawlad goboleedyadda," ayuu C/C/shakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Waxa uu intaas kusii daray in marnaba madaxw eynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed C/hi Farmaajo uusan aqbaleyn doorasho hufan oo si daah-furan loogu tartamo.
"Waxaa ii muuqda qolo damac wado, iyo kuwo la gu yiri yaan lagu duufsan, welina dabinnada la qool ayo fahmin, laakiin uu waagu ku baryi doono mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceeen. Dalkaan dawadi isu waa doorasho hufan, daahna furan, ama dad koo talada loo celiyo."
Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib mar kii uu Shalay Guddiga xallinta khilaafaadka doora shooyinka dadban uu shaaciyey in doorashada kurs iga HOP#067 ee uu ku guuleystay Yaasiin Farey loo maray habraac sax ah.
Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go'aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in erg ada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaa radda Arrimaha Gudaha.
Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Ma xamed Cabdi Shiddo, islamarkaana ay soo ogaade en in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu ka mid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kur siga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas ka ga jiray Nambarka 12-aad.
Nabadoon Cali Jeesto ayuu guddiga sheegay in uu kamid ahaa Odayaashii ka qeyb-galay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, shirkaas oo uu kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Wace ysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay.Guddiga doorashada heer Maamul Gobo leed ayaa Shalay wixii laga bilaabo u fasaxan yah ay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP#067, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaa faadka doorashada.
Trump: Maxamuud Cabaas wuxuu ahaa Aabe oo kale, Netanyahu ayaa ahaa caqabad
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Tru mp ayaa sheegay inuu dareemay in madaxw eynaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu ahaa "aabe oo kale" intii ay socdeen wada-hadallo la doonayey in heshiis lagu dhex-dhigo Israel iyo Falastiin.
Trump ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiy ey weriye Israeli ah oo lagu magacaabo Barak Rav id, oo qoray buugga Trump's Peace: The Abraham Accords and the Reshaping of the Middle East.
Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Ku shner ayaa si xooggan u cambaareyn jiray Falastiin iyiinta sababo la xiriira inay diideen heshiikii mamau lka Trump ee looga magac daray "Peace to Prospe rity" kaasi oo Falastiiniyiinta lagu siin lahaa balaay iin dollar si ay uga tagaan xuquuqdooda siyaas adeed.
Hase yeeshee Trump ayaa sheegay in xilligii ugu horreeyey madaxtinimadiisa uu dar eemay in Netanyahu uu ahaa caqab adda ugu weyn ee nabadda ee aanu aheyn Cabaas.
Trump ayaa wareysiga ku sheegay in Cabaas uu si ka badan ra'iisul wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu "u doonayey inuu heshiis galayo."
"Kulan aad u weyn ayaan la yeeshay Cabaas. Waqti badan ayeynu wada qaadanay, oo aan waxy aabo badan uga hadalnay. Wuxuu ahaa aabe oo kale, waxaan ula jeedaa aad ayuu u wanaagsanaa," ayuu yiri Trump.
"Waxaan u haystay inaysan ka suurta-gelin Fal astiiniyiinta, oo Israa'iiliyiinta ay wax walba u sam eyn lahaayeen in heshiis nabadeed la gaaro. Balse waxaan ogaaday in taasi aysan sax aheyn," ayuu yiri.
Mid ka mid ah kulamii uu Netanyahu la yeeshay, Trump ayaa dib u xusuustay inuu ku yiri "Kulan wa naagsan ayaan la qaatay Cabaas, heshiisna waa la gaari karaa."
Hase yeeshee jawaabta Netanyahu ayaa noqot ay diidmo, wuxuuna sida uu Trump sheegay yiri "Aan ka fakarno, yeynaan deg degin."
Trump ayaa intaas ku daray "Markii uu sidaas yiri ayaan iri 'ukaadi, oo ma dooneysid miyaa hesh iis,' kadibna wuxuu yiri 'aah, aah.' Xaqiiqda waxay tahay in Bibi uusan marnaba dooneyn heshiis." Bibi waa naaneysta Netanyahu.
Trump ayaa sheegay inuusan la hadlin Netanya hu sidii uu xukunka uga degay, isaga oo ka carey san inuu u hambalyeeyey Joe Biden markii uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha Mareyk anka.
"Ma jirto cid Bibi u sameysay waxa aan u same yey. Welina waan jeclahay Bibi. Wuxuu ahaa nin aan u sameeyey wax ka badan wax kasta oo aan qof u sameeyey. Balse waxaan sidoo kale jeclahay daacadnimada," ayuu yiri Trump.
"Qofkii ugu horreeyey ee Biden u hambalyeeyey wuxuu ahaa Bibi. Umana hamblyeyn oo kaliya'e wuxuu iska duubay muuqaal. Bibi wuu ka aamusi kara. Wuxuu sameeyey khalad weyn."
Netanyhu ayaa ka ajwaabay hadallada Trump wuxuuna yiri "Waan ku faraxsanahay tabarucaadda weyn ee Trump uu u sameeyey Israel iyo amnige eda."Intii uu Trump madaxweynaha ahaa, Mareyk anka ayaa Jerusalem u aqoonsaday caasimadda Israel iyo sidoo kale in dhulka Golan Height ee Syria uu yahay dhul Israel.'
Sidoo kale uma arkin Daanta Galbeed dhul la ha ysto, wuxuuna maamulka Trump ogolaaday deega ameynta Yahuudda ee halkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip