War-Murtiyeed Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa abaalmarisay ku dhawaad 1000 macaamiil Todobaadkii 21aad MunaasabadLagu qabtay beerta nabada ee Magaalada Muqdisho.

0
Tuesday December 14, 2021 - 20:30:40 in Wararka by
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-Murtiyeed Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa abaalmarisay ku dhawaad 1000 macaamiil Todobaadkii 21aad MunaasabadLagu qabtay beerta nabada ee Magaalada Muqdisho.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 14/12/2021  Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta& iibka shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay U baahnaayeen bulshada soomaaliyeed macamiil walba oo sameeya ku shubasho Wuu u tartami karaa

      "Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga Waxaan balan qaadeeynaa inan bixino dabayaaqada December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah iyadoo macaamiisheenuu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartameen macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 21 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed. Waxaa xusid mudan dhamaan hadiyaha aan bixinay waxa ay ka jawaabayaan baahida macaamiisha sida bajaajyada dahabka & Deeq tacliinta

      Ugu dambeyntii waxaan todobadkan gaadiidka bajaajka ku abaalmarin gabar adeegto ah oo u shaqeysa qoys soomaaliyeed si ay nolosha qoyskeeda uga maareeyso lacagta ay musharka u hesho iyadoo u direysa qoyskeeda oo ku dhaqan go

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada SIU Dr Maxamed Yuusuf Cumar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

"Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 21 aad aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT)

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: C/ kaamil yusuf Mxamuud oo ah agaasimaga Teleshinka Som News Tv oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso

" Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bushadua wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood muddo dhowr bilood ayey howshaan socotaa todobaadna lama baajin waa talaabo ku daysho mudan”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlayGudoomiyaha jaamacada Imamu Shaafici Dr C/qadir Sh Ismaciil oo aad u bogaadiyay barnamijka 10’000 Hadiyadood

"Waxaan bogadinayaa macaamiisha guuleysatay sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah”

Waxaa munaasabada soo xiray xildhibaan Zakariye Mxud Xaaji Cabddi oo ah Rug-Cadaa30 Sano ee la soo dhaafayXog-ogaal u ahaa hormarka bulshada soomaaliyeed ku talaabsaneyso

waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkii 21aad gadiidka bajaajka Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta si gaar ah uga soo qeyb-galoSi dhow ayan ula socdaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh abaalmarino wax ku ool sida: gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab, Laptop-yo I.w.m waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshadii u turtay gar-waaqsatay inay ku celiso 10’000 hadiyadood.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Faduma C/qadir Cali o ku guuleystay gaadiidka bajaajka ee todobaadkan 21 aad waa gabar adeegto ah oo ka soo jeeda qoys sabool ah

"Magaceygu waa Faaduma C/Qadir Cali Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso gaadiidka bajaajka waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baahi qabnay xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano waa markii ugu horeysay ee macamiil dumar ah oo ka soo jeeda qoys danyar ah oo ku nool gobolada uu ku guuleysto gaadiidka bajaajka

Isku soo wada duuboo Dhamaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo todobaadka ugu dambeeya bisha December aan bixinayno gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad u u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo,

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai 3aad macaamiilka ku guuleysta Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo algu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip