HALKAAN KA KHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MANTA OO AH ISNIIN 13-KA DEC. 2021-KA

0
Monday December 13, 2021 - 08:15:35 in Wararka by
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MANTA OO AH ISNIIN 13-KA DEC. 2021-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Wasiirka Arrimaha dibedda ee XFS & Danjiraha Midowga Yurub oo kulan ku yeeshay M/Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md. Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Shalay Muqdisho ku qaabilay Danjir aha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliy a, Marwo Tiina Intelmann, oo booqasho shar afeed ugu timid, iyaga oo ka wada hadlay da naha dheef-wadaagga ah ee labada dhinac.
kunkanka Wasiirka Arrima ha Dibadda iyo Danjiraha Midowga Yurub ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qa bsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.
Cumar C/rashiid oo si aan la fileyn uga hadlay xiisada PSF: PSF waxa ay aheyd inay DF…
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Md.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa'arke ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisad da dagaal ee ka taagan Boosaaso, taas oo u dhexeyso hoggaanka Puntland iyo taliska ciidamada ee PSF-ta.
Cumar Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa arr intan kasoo qaaday mid sahlan, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay si nabad ku dhammeeyaan xiisadda.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay san cidna dan ugu jirin dagaal, balse loo baa han-yahay in laga fakiro mustaqbalka dam be ee Puntland oo haatan ah Hooyada Fed eraalka.
"Deni iyo dowladdiisaba inay arrintaas dib u eegaan waxaan waa sahlan yihiin in si nabad ah lagu dhammeeyo xabad qof ay xal u tahay ma lahan, 23 sano ayey jirsatay Puntland," ayuu ku yiri hordhaca wareysiga cusub ee uu bixiyey Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xiisad da taagan ay saameyn ku yeelan karto taa geerada ay hadda ciidanka PSF ka helaan dowladda Mareykanka, isaga oo tusaale u soo qaatay dagaalkii Guriceel oo qeyb ka ah aayeen ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykanka, isla-markaana uu war xasaasi ah kasoo saaraan sababta dhalisay in Dan ab ku biiraan dagaalka.
Md. Cumar C/Rashiid oo hadalkiisa sii wa ta ayaa shaaca ka qaaday arrin kale oo xas aasi ah, wuxuuna sheegay in xilligii uu jog ay xafiiska uu isku dayey ciidamada PSF in ay qeyb ka noqdaan ama lagu soo biiriyo ku wa dowladda federaalka, isla-markaana arr intaas lagu soo qaaday mar uu tegay Washi ngton, balse uusan guuleysan qorshah aasi.
"Aniga markii aan ra'iisul wasaaraha ah aa Washington markaan tegay arrin waxaa bilaabatay aheyd ciidanka hadda PSF side daba waxa ay ahaayeen in la sameeyo (Cou nter Terrorism Unit) oo hal ah oo federaal ah. PSF waxa ay aheyd inay noqdaan ciida mo qeyb ka ah federaalka, welina ma noqon," ayuu yiri markale ku yiri wareysigan C/C/ Sharmaa'arke. Hadalkan kasoo yeeray Cumar Cabdirashiid oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ayaa kusoo aadaya, xilli haatan xiisadd ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha hay'adda PSF-ta Puntland ay ka taagan tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.
Booliska G/Banaadir oo kulan ka yeeshay amni darada Caasimada iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Kulan looga hadlayay Sugida Amniga Caasimada ku yeeshay Hoggaanka Ciidan ka Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo kul anka kadib ay soo sareen, go,aano wax ka badal looga sameenayo Amni darada iyo si dii looga hortagi lahaa shaqsiyaadka geysta.
Kulankaan waxaa shir guddoon kaahaa Tal iyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, wa xaana kulanka kadib warbaahinta la wada agay wixii kasoo baxay Taliye Ku-xigeenka Qeybta Guud ee Booliska G/Ban aadir,
Wuxuu sheegay in kulanka ay ku go,aamiyeen in M/ Muqdi sho ay ka bilaabaan howlgal guud oo looga hortago falalka amni daro eek a dhacam isa goo xusay in Taliye Farxaan Qaroole uu Ciid amada siiyay Amar adag kaas oo ku aadan, sidii looga hortegi lahaa Kooxaha Burcadda ah ee dhaca xoogga leh u geysta shacabka ku nool degmooyinka ku xeeran Caasimada Muqdisho.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in howlgalkaas ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in lagu baabiyo warshadaha uu xusay in Ma andooriyaha lagu sameeyo islamarkaana gacan bir ah lagu soo qabto dadka iska leh iyo kuwa ilaalada ka haya.
Ururada Bulshada Rayidka oo sheegay in la hubiyo nidamki lagu soo xulay Ergada.
Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayid ka Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa ugu baaqay dowladda inay qaataan baaqyada lagu saxayo muranka do orashada Soomaaliya.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in muhi im ay tyahay in si waafaqsan habraacyada loo marro hanaanka loo soo Habeen horeo 5 xubn ood ee odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ka kooban yihiin.
Sidoo kale waxa uu tibaaxay in la hubiyo in nidaam saxan loo maray wadiiqooyinka ergada loo soo xulayo.
Talo ahaan waxa uu u jeediyay Cismaan Muxudiin Shaatax in la kala saaro kuraasta haweenka kaliya ay ku tartamayaan oo aan wali kala cadeyn taas oo keeni karta in sii ba laarto muranka iyo cabashooyinka loo taag la'yahay. Weli waxaa taagan saluug badan oo laga muujinayo qaabka ay ku bilaabatay doorashada golaha shacabka, iyada kuraas ta qaar ay isku heystaan jufooyin wax wada ag ah oo saluugsan sida wax loo maar eenayo.
Guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta oo ku dhowaaq ay shir weyne iyo tallaabo ay qaadayaan 
 War-saxafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa lagu shaciyey inay magacaabayaan guddi qaban-qaabi do ona Shirweyne dhawaan dhici doona oo ay ka qayb-gelayaan waxgaradka bulshada Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo dalka iyo guddiga amniga Shi rweynaha, taaas oo ka dhigan in ay abaa bulayaan cudud ciidan.
GMM. Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in mar walba ay u taagan yihiin xa qiijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla ogg olyahay.
"Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cad eeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doora shada Golaha Shacabka ay baalmarsan tah ay dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo da ahfurnaanta doorashada, iyadoo doorasha dii la sugayey isku beddeshay boob qaaw an," ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale war-saxaafadeedka Golaha ay aa lagu sheegay in 10-kii December ay ku baaqeen in la isugu yimaado shir lagu sax ayo khilaafka ka taagan doorashada.
"Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorash ada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu sa xayo. Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyi inta heer federaal iyo dawlad goboleedba ay san dan ka lahayn doorasho hufan oo daah furan, natiijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa in taas ku sii daray, "Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed. Si loo taaba-geliyo hawsha as culus ayuu Goluhu u magacaabayaa:"
1 – Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha
2 – Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha


QM Oo Loo ndhigay Caqabado Ku Ged aaman Hannaanka Doorashoyinka Dalka
Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doora shooyinka Heer Federaal (GHDHF)& xubno kamid ah GHDHF, ayaa Shalay kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobey u qaabishan Soomaaliya, Jam es Swan.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Guddiga FEIT ee M/Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlay qodobbo dho wr ah oo ku qotoma dardar gelinta hawlaha doorashooyinka 2021 oo ay ka mid ahaayeen:
Horumarka illaa hadda lagu tillaabsaday
Caqabadaha ku gedaaman geeddi-socodka doorashooyinka Waxyaabihii ka khaldamay hannaanka doorashooyinka iyo sida loo sixi karo; iyo Baahida loo qabo in Dowlad-Gobo leedyada harsan ay deg-deg u billaabaan qa bashada doorashooyinka Golaha Shacabka.
Dhammaan qodobadii kulanka la iskula soo qaaday ayaa si cad la isugu afgartay, waxaa na hoosta laga xarriiqay muhiimadda ay dal ka u leedahay hirgelinta doorasho hufan oo daahfuran oo xilli cayiman ku
Nin dilay Muwaadin Soomaali ah oo Max kamad lagu soo taagay Mareykanka
Ninka oo lagu Magacaabo Marlow Ra msey Carson ayaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa uu ku dilay mu waadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay liibaan, kaas oo kamid ahaa So omaalida mudada dheer ku noolaa dalkaas.
Ninkii ayaa waxaa la sheegay in maxkam adda la soo taagay horteeda uu ka qirtay in uu toogasho ku dilay liibaan, waxaana la amray in xabsiga lagu sii haayo si xukun kiisa uu u soo baxo.
warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska a yaa waxaa lagu sheegay in Marlow Ramsey Carson lagu soo oogay dacwad ah in muw aadinka Soomaaliyeed uu ku dilay Dukaan uu ka Shaqeeynayay sida uu ku dhawaaqay ku simaha xeer ilaaliyaha Maraykanka Char les J. Kovats.
"Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, Abriil 27, 2021, Marlow Ramsey Carson oo 30 sano jir ah wuxuu u dhacay Dukaanka Bl ue Sky Wireless iyo West Bend Furniture oo ku yaal Minneapolis. Inta uu ku guda jiro tuu ganimada eedaysanuhu waxa uu qori gac meed ku qabtay shaqaalaha, wuxuuna lac ag ka dalbaday karraaniga dukaanka. Cars on ayaa shaqaalaha dukaanka xabadka ka ga dhuftay xabad ka hor inta aanu ka bixin bakhaarka oo aanu gelin dhinaca rakaabka ee gaarigiisa, kaas oo si degdeg ah u cararay.
Karraanigii bakhaarka ayaa lagu qaaday ambalaas waxaana la geeyey qolka gargaar ka degdega ah halkaas oo markii dambe la sheegay in uu dhintay ayaa lagu yiri" War ka soo baxay Booliska. Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadeynta Ninka ku eedeysan dilka Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana dacwadda qaad aya Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Harry M. Jacobs iyo Samantha H. Bates.

DARAASAD CUSUB OO SHAACA KA QAADAY AWO ODDA CIIDAN EE AHLU-SUNNA WALJAMA ACA
Machadka SPA (Somali Public Agenda) oo fadhigiisu yahay M/Muqdisho ayaa soo saaray daraasad (Cilmi baaris) uu kaga had layo waxa keenay soo rogaalcelinta Ahlu-Su nnada Gobolada Dhexe.
Xoogagga Ahlu-Sunna oo daba-yadii bi shii February ee sanadkii 2020 looga adka aday dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib u soo rogaalceliyay bartamihii bishii September ee sanadkan. Xoogagan ayaa 1-dii bishii October la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel, iyadoona dag aal dhowr cisho socday ay magaaladaasi kula galeen Ciidamada DF iyo kuwa Galmud ug, ka hor intii aanay daba-yaaqadii bishaasi dib uga bixin.
Dagaalkaas oo dad badan oo saraakiil ay ku jiraan ku dhinteen ayaa muujiyay in Ahlu-Sunna weli tahay cudud ciidan oo saamayn ku leh Gobolada Dhexe, marka aad eegto in afar boqol oo dagaal-yahanadeeda ka mida ay u babac-dhigeen dhowr kun oo isugu jira ciidamada kala duwan ee DF iyo kuwa Galm udugba. Saraakiisha Ahlu-Sunna waxay bi shii November sheegeen in Guriceel uga baxeen dhex dhexaadin ay garwadeen ka aha ayeen odayaasha, waxg aradka iyo ganacsa tada dee gaanka.
Dasaaradda Machadka SPA oo Khamiis tii lagu soo bandhigay caasimadda Muqdi sho ayaa lagu sheegay in soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna ay ka dhalatay carro badan, oo ay ka muujisay qaabkii loola dhaqmay.
Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu she egay inay jireen fursado muhiim ahaa oo la dayacay, ka hor inta aanay Ahlu-Sunna isa soo abaabulin, dibna ugu soo laaban deeg aankii ay ka arrimineysay dhowr & 10 sano.
Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaasimaha Mach adka SPA ayaa sheegay inaanan Ahlu-Sun na laga daba tegin, oo wada xaajood lala sa mayn, ka dib markii looga adkaaday dagaal kii Dhuusamareeb.
"Markii laga adkaaday magaalada ayay ka taggeen, Gaalkacyo ayay taggeen oo ay ka sii taggeen, markii laga adkaadayna ma dhicin dib-u-heshiisiin, soo dhaweyn, ka da ba tegid iyo wada hadalo lala furo. Taas wa xay keentay tabasho ay qabaan Ahlu-Sunna Waljameeca, maadaama ay ahaayeen maa mul ka talinayay deegaanka muddo 12 sano ku dhawaad ah oo maamul jiro ahaa. Dowla dda Soomaaliya ayaa wada hadal la gash ay, markii hore oo maamul la sameynayay ay ogolaadeen, xubnana la siiyay, haddana intii ay filanayeen wax ka yar ayay ula muuq atay ayaga," ayuu yiri Agaasimaha. Agaas imaha Machadka SPA ayaa sheegaya inaan ay weli muuqan dadaalo uu Madaxweyn aha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (-Q Qoor) wax kaga qabanayo tabashada Ahlu-Sunna.
"In wada hadal lala furo Ahlu-Sunna Wal jameeca oo lala heshiiyo waxay ahayd xalka ugu fiican, oo dagaal dhacaa oo soo laaba sho Ahlu-Sunna WalJameeca ah iyo xoog wax lagu raadiyaa ka hortaggi lahaa, mays an dhicin." Ayuu yiri Farxaan Isaaq Yuusuf, Agaa simaha Machadka SPA.
Waxa kaloo uu yiri "Arrimo kaloo fara-ba dan ayaa jirta ayadana ay meesha ka muu qato farsamo ahaan markaad fiirisid, inays an jirin xog iyo xooraansi oo looga hortaggi lahaa ama xitaa ka warhayn imaanshahoo da ah, ma jirin."
Farxaan Isaaq ayaa tilmaamay, haddii si dii hore wax ku sii socdaan, lana xalin taba shada Ahlu-Sunna ay markaasi halis gelin karto amniga aan cagaha badan ku taagn ayn ee Galmudug ka jira.
"Ahlu-Sunna WalJameeca ciidan ahaan hadda lagama adkaanin, inta laga adkaaday hogga ankoodii lama soo qaban, ciidamadii ka tirsa naa lama soo qabanin, lamana afjar in jiritaan koodii. Way jiraan oo waa xoog jira oo hubey san oo joogga, kuna uruursan had da qaybo ka mida Galmudug. Marka sii jirita ankooda waa mid halis ku haysa amniga iyo nabadda deeg aanka, illaa iyo haddeer ma muuqdaan waan-waan iyo wada hadal lala furayo Ahlu-Sunna, oo wax looga qabanayo tabashooyinka ay qabaan, arrintaasi u muu qata haddii sidii hore wax ku socdaan oo lab ada dhinacba in xoog wax ku xaliyaan isku dayaan waxay halis gelin kartaa amniga yar ka ah ee ka jira deegaan kaasi."
Dhawaan, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisa laan Aadan Xuseen ayaa sheegay in iyagu ay doonayaan in arrinta taagan wada hadal lagu dhammeeyo, ha yeeshee uu Galm ud ug ku eedeeyay in taasi diidan tahay.
Ahlu-Sunna waxa ay Gobolada Dhexe dib ugu soo laabatay, xilli Madaxtooyada Galmudug ku howlan tahay Doorashada Xil dhibaanada G/Sh/BFS.
Diiwaangelinta Musharrixiinta kuraas kamid ah G/Shacabka oo Maanta bilaabaneysa
Guddiga Maamulaya doorashada Xildhiba annada Golaha Shacabka ee Gobolada Waq ooyi ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah ay billaabaan diiwaangelinta Musharrixiinta Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka iyo Ergadii dooran laheyd.
Shalay waxaa ay guddiga ku dhawaaqeen in dhawaan la qabanayo doorashada Afar kur si, kuwaas oo kamid ah 16 kursi oo horay Gud diga doorashooyinka ay ku dhawaaqeen in do orashadooda la qabanayo.
Afarta kursi ee Musharrixiintii ku tartami la haa Maanta la bilaabayo diiwaangelin tooda ayna socon doonto diiwaangelinta ilaa 16 Bish aan ayaa waxaa ay kala yihiin:
Hop229 oo uu ku fadhiyo Cusmaan Cabdu llaahi Ducaale.
Hop262 oo ay ku fadhido Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan kana mid ah Musharrixiinta Mad axweynaha.
Hop254 oo uu ku fadhiyo Jaamac Maxamed Askar
Hop255 oo uu ku fadhiyo Axmed Maxamu ud Maxamed.
Guddiga Maamulaya doorashada Xildhiba annada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqo oyi ayaa horay Muqdisho ugu qabtay doora shada 8 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Lala Eegtay Qarax Khasaaro Dhaliyey
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo saacadihii lasoo dhaafay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxa miinada ayaa waxaa Gaariga Cii damada AMISOM gaar ahaan kuwa ka so cda dowladda Burundi lagula beegsaday wa dada xiriirisa degmooyinka Magaalada Jow har iyo Mahadaay, xili halkaas ay socdaal ku marayeen Ciidanka la qarxiyey.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaw ac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Go bolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ku geeri yooday laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Burundi, halka kuwo kal ena ay dhaawacyo soo gaareen.
Al-shabaab oo sheega tay mas'uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay in ay ku dishay laba Askari oo ka tirsan Ciidan ka Midowga Afrika ee AMIOSM, kuwaasi oo saarnaa gaari socdaal ku marayey inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay.
Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay qaraxyo miinooyin dhulka la geliyay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM, waxaana inta badan qaraxaas AMISOM kasoo gaaray Ciid ankooda khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Ciidanka Kumandooska DANAB oo deg aano la wareegay
Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ay aa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay How lgal qorsheysan ka fuliyren degaano ka tir san Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen degaanada kala ah Gambarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo kamid ah Gobalka Sh/ho ose, isla markaana ay bur buriyeen Saldhig yo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in how lgallada ay Ciidamada sii wadi doonaa ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaanna da ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Hoose oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan.
Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Xo ogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay howlgallo qor sheysan oo qaarkood degaano ay kula ware egeen waxaa ay ka sameeyeen meelo ka mid ah Gobolada Shabeellooyinka iyo Jub bada Hoose.
Muwaadin Soomaali ah oo u geeriyooday dhaawac loogu geystay Turkiga
Baashe Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay 6-dii bi shaan December ku qaadeen seddax nin oo burcad ah Turkish ah, xilli uu ku sugnaa go ob dalxiis oo ku taalla deg mada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul.
Warhaainta dalka Turkiga ayaa soo bandhi gtay muuqaallo muujinaya qaab kii loo fuliy ey weerarkaas. Wax ayna kaamiraduhu qa bteen rag ga burcadda ah oo gadaal uga yi mid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ay aa Feer qoorta ka ga dhuftay, dhulka ayuu na ku dhacay Baa she, isagoo halkaas ku mi yir daboolmay, si da ay warbaahinta u shee geen goobjoogaya al ku sugnaa goobta.
Burcadda ayaa baaratay Baashe oo dhul ka yaalla, waxayna ka qaateen taleefano, bo orso iyo agabyadii kale ee uu watay, wax ay na ku baxsadeen gaari Taxsi ah, balse bo oli ska ayaa ku guuleystay in uu soo qabto.
Xogaha laga baahiyey dhacdadaan wax ay intaas ku darayaan in seddaxdii burcada aheyd deg deg loo hor-geeyey maxkamad, isla markaana labo ka mid ah oo ka yaraa da'aadda 18-sano lagu soo oogay dacwad xatooyo, halka ninka 3-aad ee feray Baashe lagu soo Oogay inuu geystay dil bareer ah.
Marxuum Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa Aabbe deganaa M/Todonto ee dalka Canada oo uu dhalashadiisa 2aad ka heist ay, waxuuna Istanbul u tegay dalxiis.
Allaha u naxariistee Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xo osh Jabriil oo isna 8-dii Maarso 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiir Cumar Cali "Koontaroolada hubin ta Isgoysyada Muqdisho waxa ka jira dhac dadban oo aan indhaha laga qabs an karin"
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Cumar Cali Rooble ayaa sheegay iney soo gaartay cabasho la xariirta ciidamada dowladda, kuwa ka howlgala Isgoysyada M/ Muqdisho iney lacago baad ah ay ka qaat aan gadiidka dadweynaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale shee gay in ciid amada dowladda ee ka howlgala baraha ko ontaro olada ay gadiid kasta waydiiyaan lacago, haddii aysan bixina ay dib u cel iyaan, taasoo uu sheeg ay iney sumcad dar ro ku tahay CDFS.
"Goobaha hubinta ciidamada am niga u xilsaaran ee jooga Isgoysyada waxaa ka socda dhac dadban oo aanan indhaha la ga qabsan karin, sababto ah gadiidkii ama Mootadii lacag bixin uma soo gudbi karto gu daha magaalada, hadad lacag tuuri weyso dib u laabo in la dhaho wax la aqbali karo maahan waana in wax laga qabtaa arintaa si" ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble.
Wasiirka ayaa ugu baaqay laamaha am aanka dowladda iyo cid walba ay quseeyso arintaan laga soo cawday iney wax ka qab taan, si meesha uga baxdo dhaca dadban ee lagu haayo gaadiidleyda.
Hadalka kasoo yeeray wasiir Cumar Cali ayaa imaanaya xili dowladda Soomaaliya ay xirtay wadooyinkii muhiimka ahaa ee ku dhex yiilay xaafadaha Muqdisho, taasoo ke entay in gaadiidka lama huraan ay ku noqo tay iney lacag tuuraan si ay uga gudbaan ba raha koon taroolada ay fadhiyaan ciidamada dowladda.
Guddiga Doorashada Somaliland oo shaa ciyay diiwaan gelinta kuraas ka mid ah Golaha Shacabka
Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Shalay soo saaray Jad walka diiwan gelinta afar kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada gobo lada Waqooyi ee Somaliland uga mid noqonaya Baarlama anka 11-aad ee dalka.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ay aa lagu sheegay in diiwaan gelinta ergada dooraneysa afarta kursi iyo Musharaxiinta u tartameysa kuraastaasi ay bilaabaneyso 13-ka bishaan oo berito ku beegan, iyadoona ku eg 16-ka bishan oo ku beegan maalinta Kamiista ah.
Kuraasta la shaaciyay in diiwaan gelint ooda beri laga bilaabo la guda galayo ayaa kala ah HOP 229, HOP 262, HOP 221,HOP 225, shaacinta kuraastaan ayaa imaaneysa xili Dorraad uu shaaciyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in xal buuxa laga gaaray khilaafkii markale soo kala dhexgalay guddiga sare ee doorashooyinka Somaliland Raysal wasa are ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga oo dhameystiran:-

 
Ciiddanka xoogga dalka oo sheegay in ay 5 xubnood oo katirsan Alshabaab ku dileen shabeeladda hoose
Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal qo rsheysan oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka fuliyeen tuulooyinka Gambaarey iyo Da'wa alle ee gobolka Shabeellaha hoose waxa ay sheegeen inay ku dileen 5 ka tirsan Al-sha baab.
Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen gob olka Shabeeladda hoose halkaas oo ciid amadu ay sheegeen in ay kasoo abaabuli jireen weerarada ka dhanka ah ciiddanka dowladda.
Saraakiil katirsan ciiddanka oo la hadlay warbaahinta ciiddamada qalabka sida ayaa sheegay inuu howlgalkaan qeyb ka yahay howlgallo Alshabaab looga sifaynayo deeg aanada aay gobolka kaga sugan yihiin.
Bilowgii bishan ayay ahayd markii Ururka 4-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ay howlgal qorsheysan ku burburi yeen goobo Al-shabaab ay kaga Dhumaalay san Jireen Deegaanka Leego
Faahfaahin ku saabsan waxa Shalay ke enay in la xayiro shaqadii Tarminaalka garoon ka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirsh abeelle ayaa Shalay xiray howlahii Tarm inaalka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib markii la sheegay iney isfaham waa dhinaca dhaqaa laha ah uu soo kala dhexgalay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo madaxda shi rkada Whitestar Group ee dhistay Tarminaal ka Garoonka Ugaas Khaliif.
Xayiraarada la saaray shaqadii maalinla ha aheyd ee ka socotay Tarminaalka garoon ka Ugaas Khaliif ayaa saameynta ugu weyn waxay ku yeelatay dadka shacabka ah ee doonayay iney ka duulaan garoonka oo ku nasan jiray gudaha Tarnimaalka, taas badal keedana Shalay diyaaradii ay raaci lahayeen ku sugaay meel banaan ah, islamarkaana cadceedu dushooda ku dhaceysay.
Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakada HOL ayaa inoo sheegay in kulan isfaham waa kusoo dhamaaday uu dhexmaray mad axweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo madaxa Shir kada dhistay Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif Baledweyne Cabdimaalik Xaaji Cab dulle, kaasoo sababay ugu dambeyn in cii damada madaxweyne ku xigeenka Hirshab eelle Yuusuf dabageed ay jirdil xoogan u ge ysteen Cabdimaalik Xaaji Cabdulle.
Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka madaxda shirkada dhistay Tarminaalka garoonka Ugaas Khaliif Baledw eyne oo la xariirta sababta keentay in la xayiro howlahii shaqo ee Tarnimaalka garo onka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.
Somaliland oo ku dhawaaqday in la furay Ururada Siyaasada
Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la furay Ururada Siy aasadda ka dib markii dhawaan uu muran badan ka dhashay.
Saleymaan Cali Koore Wasiirka Warfaaf inta Somaliland ayaa sheegay in xeerka furashada ururada Siyaasadda uu yahay mid dhaqangal.
Waxaa uu sheegay in cidw alba hadda ay xisbi furan kar to." Madaxweynaha Sonal ila nd oo aan afkiisa ku hadlayo waxaa uu aamin san yahay inu dhaqan gal yahay xeer ka furista ururada siyaasada
Somaliland , qoraalka ma daxweynuhu golaha ku celiy ayna wuxuu ahaa sidii doorashooyinka loo galayay , ninkii urur raban waa u furan yah ay Shalay" ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka xuku umadda Somaliland. Somaliland hadda wax aa ka jira Saddex Siyaasadeed oo labo ka mid ah yihiin Muca arad.
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ka horyimid furista ururada siyaasada
Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa si wayn uga hor yimid go'aanka xukuumada Somaliland ee furista ururada siyaasada, oo Shalay uu ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xa aji Cali Xasan, ayaa go'aanka xukuumada ee furista ururada siyaada ku tilmaamay, sharci jabin, isagoo sheegay in xukuumadu anay faro-galin karin xeerka furista ururada siyaasada ee yaala golaha wakiilada So maliland.
"Qodobka 37 waxa uu tilmaamayaa in sad exda hayadood ee dalku ka koobanyahay ay kala madaxbannaanyihiin, oo anay is farag alin, oo uu dastuurku reebay faragalin kasta oo uu dhadhaar kale dhadhaar kale ugu gu dbo, wasiirku hadalkiisu faragalin cad ayuu ahaa, qodob gole horyaala oo laga doodayo waa farogalin cad" ayuu yidhi Xirsi.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa isaguna go'aanka xukuuma da ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan ka rin, isaga oo sheegay in hadalka wasiir Ko ore ahaa qaran dumis.
"Wasiirka Shalay hadalkiisu, hadal masu ul muu ahayn, hadal dal u tudhaya muu ahayn.., ina Koorow dhimashada Somaliland ku adimi maysid, reer Somaliland waxan leeyahay qof iyo qaran kala doorta, hadii madaxweynuhu 5 tiisa sanno iimaansan waayo shir talo qaran baanu iskugu noqon" ayuu yidhi Faysal.
Xeerka furista ururada siyaasada ayaa yaala golaha wakiilada Somaliland, oo uu madaxweyne Biixi dib ugu celiyay si wax looga badalo qodobada qaarkood, isla mar kaana xubnaha golaha ayaa ku muransan in xeerku dhaqan gal yahay iyo in kale.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soom aalida Oo Gaaray Jabuuti Iyo Ujeedkiisa
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soo maalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay gaaray Magaalada Jabuuti ee Caas imadda Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweyne Cagjar ayaa waxaa safark iisa ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Mas'uuliyiin kala duw an oo ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti iyo Gudd oomiyaha Gobolka Cali Sabiix.
Ujeedka Madaxweynaha dowlad deega anka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxum ed Cumar Cagjar ee Jabuuti ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka madasha aragti-wadaagga ah oo uu soo agaasimay mac' hadka Heritage oo berri ka furmaya dalkaas.
Ajandaha sanadkan lagu falanqeynayo Ma dasha aragti-wadaagga ayaa halku dhiggiisu yahay Xasillooni darada ka jirta Geeska Afrika, muddo saddex maalin oo ay socoto Shirweynahan ayaa waxaa jiri doona Mada lo Dood ah oo looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, marxalada kala gu urka iyo doorashada Soomaaliya.
Madasha shirka Heritage ayay Soomaal ida Gobolka iyo kuwa caalamkuba isku waraystaan, isla markaana uga doodaan da naha guud ee ka dhaxeeya Soomaalida. tan iyo aas-aaskii mac'hadka waxaa la qabtay shan kulan oo midkii ugu danbeeyay uu ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Caasim adda Maamulka Puntland.
TACSI TIIRAANYO LEH
Reer Axmed Jimcaale Cigalle,Reer Maxa med Jimcaale, Reer Xasan Jimcaale Reer Xuseen Jimcaale Reer Muxumud Jimcaale
Reer Muxummud Cigalle, Reer Maxamed Cigalle Reer,Roobel Cigalle, Reer, Cosob oow Cigalle iyo guud ahaanba Reer Ciggalle gadiid waxaay Taci Tiraanyo leh u dirayaan Reer Xaaji Geeddow Cigalle iyagoo ugu Tac siyadeynaya Geeridii ku timid Yuusuf Xasan Xaaji Geedoow{Y.Miir-laawe} oo dhwaan ku geeriyooday M.Muqdisho waxayna alle ugu barayayaan inuu naxariistii janno ka waraabi yo ehelkana Samir iyo iimaan saadaq ah ka
siiyo aamiin aamiin aamin.
 
Heya'adda socdaalka aduunka oo sheegtay in ay korodhay tirada dhimashada Tahriibeyaasha caalamka
Hay'adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka oo dhan sanadkan 2021,taas oo ka dhigan in Caalamka, tirada dhimashada sanadkan ay ka badan tahay tii la diiwaangeliyey sanadkii hore 2020 oo ahayd 4,236 ayey tiri IOM.
Heya'adda IOM waxa ay sheegtay in ugu yaraan 54 muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil baabuur oo khamiistii ka dhacay Chiapas – shilkii kaliya ee ugu dhimashada badnaa ee soo galootiga Mexico tan iyo ugu yaraan 2014, markaasoo IOM ay bilowday diiwaan gelinta dhimashada
Xuduudka dhulka ee u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga ayaa ka mid ah goobaha ay kor u kacday dhimashadu sanadka 2021 marka loo eego sanadihii ka horeeyey ayey lagu xusay warbixinta
In Ka Badan 70 Qof Oo Ku Dhintay Duufa ano Xoog Leh Oo Ku Dhifatay Lix Gobol
In ka badan 70 qof ayaa ku dhintay duufaan ku dhifatay lix gobol oo Mareykanka ah, gaar ahaan gobolka Kentucky, taas oo sidoo kale bur-burisay guryo iyo goobo ganacsi, sida ay Sabtidii sheegeen saraakiisha laga doorto gobolladaas.
Tobaneeyo qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen warshad shumaca sameysa oo ku taal galbeedka Kentucky, halkaas oo ilaa 110 qof ay ka shaqeynayeen markii duufaan xoog leh ay ku dhufatay goor dambe oo Jimcihii ah.
Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa sheegay in 40 ka mid ah 110-ka shaqaale laga soo badbaadiyay warshadda ilaa hadda.
"Heerka burburku wuu ka duwan yahay wax kasta oo aan weligay arkay," ayuu yiri Beshear isagoo ka hadlaya waxyeelada ay keentay duufaantan, oo ku socotay xawaare ka badan 227 mayl (365 km), sida ay qortay walaaladda wararka ee Reuters.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii amray in taageerada dowladda Federaalka loo kordhiyo gobollada ay waxyeelleysay duufaantan.
Gobollada Illinois, Tennessee, Missouri and Arkansas, iyo Mississippi ayay sidoo kale duufaantani ku dhishay dhowr qof oo kale.
R/wasaaraha Israa'iil oo ku wajahan mid ka mid ah Dalalka Carbeed
.Shalay oo axad ah waxaa lagu wadaa in Ra'isul Wasaaraha Israa'iil Naftali Bennett, uu markii ugu horreysay booqasho ku tago waddanka Imaaraadka Carabta.
Ujeedka Safarkiisa Ra'iisul wasaare Bennett, ayaa lagu sheegay in kulan gaar ah uu rabo in uu la soo qaato mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.
Israa'iil ayaa doonaysa in ay isbaheysi ku dhisan difaac wadajir ah la samayso dow ladaha Khaliijka si looga hortago dhaq dha qaaqyada Iraan ka waddo Gobolkaas.
Maxay Israel uga walaacsan tahay siyaas ada dowladda cusub ee dalka Germany?
Siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiinta Israel ayaa indho walaac leh ku eegaya isbeddelka xukun ee ka dhacay Germany, halkaasi Angela Merkel ay xukunka ka degtay kadib 16 sano.
Waxaa jirta cabsi ah in maamulka cusub ee Germany uusan Israel u taageeri doonin si la mid ah kan xukunka kaga horeeyey.
Eldad Beck, oo ah qoraa ka tirsan wargey ska Israel Hayom, horeyna u qoray buugaag badan oo ku saabsan xiriirka Germ any iyo Israel ayaa sheegay in siyaasad da dowladda cusub ee wadaag ga ah ee Berlin oo ka kooban 177 bog ay ku jiraan qodobo walaac leh.
Beck ayaa sheegay in siyaasaddaas ay ku jirto in Germany ay si xooggan uga soo horjeedo sharciga oranaya in Israel "ay tahay qaran Yahuud."
Waxa uu sidoo kale cambaareeyey ballan-qaadka dowladda isbaheysiga ee ah "inay ku baaqi doonto joojinta dhismaha deegaa nada Yahuudda, ee ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah."
Beck waxa uu su'aal ka keenay ballan-qaad ka dowladdaas ee ah inay maal-gelin doonto hay'adda UNRWA, oo ah ah midda QM u qaabilsan taageerada qaxootiga Falastiin.
Marka ay noqoto Iran, oo Israel ay u aragto mid halis ku ah jiritaankeeda, Beck ayaa sheegay in dowladda cusub ee Germany ay rajeyneyso in deg deg loo soo gaba-gebe eyo wada-hadallada Nukliyeerka "ayada oo Iran lagu celinyo u hoggaansamid da heshiiska Nukliyeer ee 2015."
Israel ayaa kasoo horjeedda in Iran lala galo wada-hadallo ama heshiis Nukliyeer, oo hogaaminaya in laga qaado cunaqabateyna da, ayada oo rumeysan in taasi ay siin karto fursad ay kusii horumariso barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Ra'iisul Wasaraaha cusub ee Germany Olaf Scholz ayaa la dhaariyey 8-dii December, 
waxaan hadda Israa'iliyiinta ay ka war dhowrayaan sida uu siyaasadihiisa u fuliyo.
Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaya Shir Ka Furmay Masar Waxaa Magaalada Sharma Al sheekh ee dalka Masar Shalay ka furmay shir heer sare ah oo looga hadlayay la dagaalanka Musuq-maasuqa kaasi oo ay ka qeybgalayaan dowladdaha qeybta ka ah heshiiska Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shirka ka qeybgalaya oo ay ku matalayaan Soomaaliya.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Xaamud ayaa inta uu socdo Shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo Arrimaha la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo horumarada dowladda Soomaaliya ka gaartay la-dagaalanka Musuqa.
Maalmo kahor ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shir looga hadlaayay la dagaallanka musuq maasuqa oo ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya, xubno ka socday hay'addaha dowladda iyo ururadda bulshada raiyidka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay musuq maasuqu uu ka mid yahay aafooyinka saameynta xun iyo mahadhooyinka ku yeesho kalsoonida iyo aaminaada dadweynaha ee ay ku qabaan xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Oo Dib Ugu Laabtay Jiida Hore Ee Dagaalka
Ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira fallaagada daacadda u ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa qabsaday waddo istiraatiiji ah oo isku xirta magaalada Woldia iyo caasimadda Tigreega ee Mekelle, sida ay sheegtay shabakadda Fana.
Xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaruhu uu qeyb ka ahaa howlgalkii lagu qabsaday wadada weyn ee istiraatiijiga ah.
"Ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed" ayaa la wareegay " Jidka Istiraatiijiga ah ee Woldia iyo Mekelle , waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale," ayuu lagu yiri Fana.
Fana ayaa intaa ku dartay: "Qaar badan oo kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee TPLF ayaa dhowr jiho lagu jebiyay, qaar kale oo ka badbaaday weerarka culus ayaa si fuleynimo ah ugu gurtay meelo badan, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askar
badan oo ka tirsan TPLF."


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip