Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya hor istaagtay deeqihii waxbarasho ee ay heli jirtay

0
Saturday December 11, 2021 - 23:23:44 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya hor istaagtay deeqihii waxbarasho ee ay heli jirtay

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
 Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay hor istaagtay 7 kamid ah 10 dal oo ardayda Somaliland deeqo waxbarasho siin jiray.
Guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe, ayaa golaha wakiilada u sheegay in dowlada Soomaaliya ay hor istaagtay, deeqihii waxbarasho, sida guddida tacliinta sare la wadaageen golaha.


"Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libiya, Turkey, Malesiya, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaliya" ayuu yidhi Casoowe.

"Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyada lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada woxoodii".

Dowlada Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbaysay waday dadaalo, ay Somaliland kaga joojinayso dhamaan deeqaha aan Muqdisho soo marin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip