Ciidanka DANAB oo degaanno la wareegay

0
Sunday December 12, 2021 - 07:47:49 in Wararka by
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka DANAB oo degaanno la wareegay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidanka Danab oo ah kuwa Sida gaarka ah u tababaran ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee la  magac baxay  DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay Wararku sheegayaan inay  Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay hore  gacanta ugu  hayeen Xarrakada Al-Shabaab.

     Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadooda ay la wareegeen degaannada kala ah Gambarreey, Dawacaale iyo Geediyaan oo kamid ah Gobalka Sh/hoose, isla markaana ay bur buriyeen Saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab.

 

      dhinaca kale waxaay Sidoo kale ay sheegeen in howlgallada ay Ciidamada sii wadi doonaa illaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan.

      Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay howlgallo qorsheysan oo qaarkood degaanno ay kula wareegeen waxaa ay ka sameeyeen meelo ka mid ah Gobolada Shabeellooyinka iyo Jubbada Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip