Qaramada Midoobey oo warbixin laga siiyay xaaladda Abaaraha Soomaaliya

0
Sunday December 12, 2021 - 06:45:26 in Wararka by
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey oo warbixin laga siiyay xaaladda Abaaraha Soomaaliya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xoghaya Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Maraykanka Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ka qeyb galayay Dood loogga arinsanayay gargaarka arimaha Beni’aadannimo iyo Musiibooyinka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyay xaaladda Abaaraha ee dalka iyo dedaalada ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu jirto taakuleynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xoghayaha Koowaad oo ka waramayay shirka uu ka qeyb galay ayaa yiri "Waxaan warbixin ka siinay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas beni’aadannimo ee hadda taagan.”

 

Sidoo kale Maxamed Cabdiraxmaan Cumar ayaa u mahadceliyay guddiga Abaaraha ee Heer Qaran oo dedaal badan ku bixiyay sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Warbixintaan ay dowladda Soomaaliya siisay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadeeysa xilli meelo badan oo kamid ah Soomaaliya ay xilligaan kajirto abaar saameysay dad iyo Duunyo intaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip