Guddi loo saaray kufsi & dil Gabar yar loogu geystay degaanka Janaale

0
Sunday December 12, 2021 - 06:42:26 in Wararka by
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi loo saaray kufsi & dil Gabar yar loogu geystay degaanka Janaale

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maamulka degaanka Janaale ee hoostaga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay guddi baaritaan u saareen dhacdo kufsi iyo dil ah oo degaankaas loogu geystay Gabar yar oo lagu Magacaabi jiray Sahra Cali Maxamuud, taas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 11 Xubnood ayaa laga soo kala xulay Saraakiil ka Tirsan Ciifanka Xoogga dalka, NISA Booliska, Maamulka iyo Ehelka Gabadha la kufsaday ee la dilay, kuwaas oo laga sugayo inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan sida uu falkaasi ku dhacay.

Guddoomiyaha degaanka Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur Al-Cadaala oo soo saaray Gufdigaan ayaa sheegay in geerida Gabadha ay kasoo baxayaan warar kala duwan, wuxuuna cadeeyay in Guddigaan baari doonaan sida ay wax u jiraan.

Qaar kamid ah Ehellada Gabadha ayaa waxaa ay sheegeen in Gabadhooda oo markii hore ku nooleyd Magaalada Muqdisho ay degaanka Janaale geeysay Gabar Gurigooda ka waday, iyaga oo ku eedeeyay in falkaasi ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.



Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga la Magacaabay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip