Madaxweyne Mustafe cagjar "Cadaw Soomaaliyeed oo taariikhi ah, oo na dhibaateeyay weeyaan kooxdaas (TPLF)"

0
Saturday December 11, 2021 - 19:56:01 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mustafe cagjar "Cadaw Soomaaliyeed oo taariikhi ah, oo na dhibaateeyay weeyaan kooxdaas (TPLF)"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
email sharing button
 Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe cagjar, oo ka hadlayay xafladda xarig jarka Isbitaalka Shinniile oo maalintii shalay ahayd ka dhacday degmada Shinniile, ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay dhibaatadii ay kooxda TPLF ka gaysatay gobollada degaanka, gaar ahaan gobolka Sitti, isagoo sheegay in gobolka Sitti ay ka jirtay colaad gobollada kale ee degaanku ay ka nasteen mudadii uu isbaddalku jiray, colaadaas oo uu sheegay in qayb ahaan xukuumaddu ay gacan ka gaysatay sidii loo xalin lahaa, inta kalena ay ku daba jirto.
Balse dhibkaas iyo colaadaas uusoo maray gobolka Sitti, waxa uu Madaxweyne Mustafe sheegay inay colaadaas hurinayeen kooxda TPLF, isagoo yiri " Gobolkan Sitti maanta dhibaatada aan la daalaa dhacayno iyagaa abuuray, waxay ku bilaabeen markay dhulkan soo galeen dagaalkii u horeeyay waxay la galeen shacabkii halkan degganaa, kaddib waxay ku dhammaatay sheekadii in magaaladii ay dadkii ka faro maroojiyaan".


Mar uu ka hadlayay dhibaatadaas hore haddaysan abuuri lahayn kooxda TPLF, oo aysan talo xumadaa keeni lahayn in magaalada Diridhabe ay maanta ka tirsanaan lahayd gobolka Sitti, waxa uu yiri Madaxweynuhu " waxaa laga yaabaa in kooxdaasi ( TPLF) haddaysan talo xumadaasi aysan keenteen, in maanta xafladdan lagu qaban lahaa magaalada Diridhabe, oo xarunta degmada Shinniile ay noqon lahayd magaalada Diridhabe".

Sidoo kale mar uu ka hadlayay tallaabadii xigtay ee kooxda TPLF ku dhaqaaqday isla wakhtigaa, waxa uu sheegay in shacab dhan iyo dhulkoodii iyagoo aan raalli ka ahayn, lagu wareejiyay dad kale, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri "Kooxda TPLF waxay gaartay in dhul dhan iyo dadkiiba la wareejiyo oo dad kale loo gacan galiyo iyagoo aan raalli ka ahayn", oo u jeedo dhulka lagu muransan yahay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadlay oo uu sheegay in dadka u sacabtumaya kooxdaas TPLF aysan matalin shacabka Soomaaliyeed, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Kooxdaas TPLF cida maanta u sacab tumaysa, kuwa u adeegaya, kuwa heshiisyada la galaya, ma aha kuwo danta Soomaali ka shaqaynaya, sidaas darteed waa inaan iska dhex saarnaa, cadaw Soomaaliyeed oo taariikhi ah oo na dhibaateeyay weeyaan kooxdaas (TPLF).

Ugu dambayn, waxa uu sheegay in dhib kasta iyo qalalaase walba oo ka dhacaya dalka ay hormuud u tahay kooxda TPLF, waxa uuna yiri " Waxaan aaminsanahay qalalaasayaasha siyaasadeed, iyo kuwa dhaqan ee hadda la bilaabayo in kooxdaas ay abaabulayso oo ay maalgalinayso".

Hadalladan uu Madaxweyne Mustafe cagjar u jeediyay shacabka gobolka Sitti ayaa u ekaa kuwa shacabka loogu iftiiminayay dhibaatooyinkii ay hadda ka hor shacabka u gaysatay kooxda TPLF, isla markaana lagula dardaarmayay inay ka fogaadaan wax kasta oo xiriir la leh kooxda TPLF, sidoo kalena ay shacabku ilaashadaan nabadgalyadooda, isla markaana ay ka fogaadaan falkasta oo wax u dhimaya nabadgalyada maanta la haysto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip