Dalalka bixiya deeqaha oo isku raacay in loo gurmado Afganistaan

0
Saturday December 11, 2021 - 19:57:02 in Wararka by
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka bixiya deeqaha oo isku raacay in loo gurmado Afganistaan

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dalalka bixiya deeqaha ayaa ku heshiiyey in lacag gaareysa 280-milyan oo doolar lagu wareejiyo hey’adaha (WFP) iyo UNICEF si loogu taageero wax ka qabashada macaluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta Dalka Afgaanistaan .

Lacagtaan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu taageero barnaamijyada haqab-beelka cuntada iyo caafimaadka ee dadka Afgaanistaan,maadaama ay jirto dhibaato dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in lacag gaareysa $180-milyan lagu wreejinaayo hey’adda WFP si kor loogu qaado haqab-beelka cuntada iyo hawlaha nafaqeynta halka $100-milyan la siinayo UNICEF si ay u bixiso adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah,sida ay lagu sheegay bayaan ka soo baxay bangiga maalinimadii shalay.

​​Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ​​23 milyan oo ruux ay wajahayaan heerar aad u daran oo gaajo ah, halka dad gaaraya ​​sagaal milyan ay halis ugu jiraan macaluul.

Mareykanka iyo deeq bixiyayaasha kale ayaa jaray kaalmadii dhaqaale ee la siin jiray Afgaanistaan,ka dib markii talada dalkaasi ay la wareegeen Taalibaan,waxaana sidoo kale la xayiray in ka badan $9-bilyan oo ah hantida lacagta adag ee dalkaas.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip