NATO oo diiday dalab uga yimid Ruushka

0
Saturday December 11, 2021 - 15:42:23 in Wararka by
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NATO oo diiday dalab uga yimid Ruushka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa diiday dalabaadka Ruushka ee ah in la baabi’iyo ballanqaadkii 2008 ee Ukraine ee ahaa in waddanku uu maalin uun xubin ka noqdo xulafada milatariga reer galbeedka.

Hadalkaan ayaa soo baxay Jimcihii ka dib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ay sheegtay in NATO ay tahay in ay si rasmi ah u baabi’iso ku dhawaaqistii 2008-dii ee xubinnimada Georgia iyo Ukraine, oo ah laba Jamhuuriyadood oo hore u ahaan jiray Soviet Union.



"Xiriirka NATO ee Ukraine waxaa go’aamin doona 30 dal ee kujira xulufada NATO iyo Ukraine, cid kale ma jirto,” Stoltenberg ayaa u sheegay suxufiyiinta Brussels Jimcihii.

Ruushka ayaa qabsaday gobolka Crimea ee Ukraine 2014-kii isagoo lagu eedeeyay inuu taageeray fallaagada gooni-goosadka ee gobolka Donbas ee bariga dalkaas. Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale qabsaday laba gobol oo ka go’ay Georgia.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip