HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA W. MOGTIMES EE MAANTA OO SABTI 11-KA DEC. 2021-KA

0
Saturday December 11, 2021 - 08:39:51 in Wararka by
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA W. MOGTIMES EE MAANTA OO SABTI 11-KA DEC. 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
Shir lagu qorsheynayay sidii DFS kula wareegi laheyd Amniga dalka oo la soo geba-gabeeyay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Shalay magaalada Muqdisho kaga qayb galay xi ritaanka Shirkii lagu hawl-gelinayey Guddiga Hog gaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula waree gayso Amniga Dalka (STP SSC). Shirka oo labo maalmood socday ayaa waxaa Shalay ka qayb galay Xub no ka socday Golaha Wasi irrada ee Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya iyo Xafiisyada Sarsare ee Do wladda. Waxaa kale oo ka soo qayb galay xubno ka socdey hay'adaha qaabi lsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo xubno matalayey Beesha Caalamka oo lagu martiqaaday xiritaanka shirka.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayey sidii Soom aaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas'uuliyadda sugidda Amn iga Dalka, iyada oo sidoo kale qiimayn lagu samay nayey wejigii koowaad ee Qorshaha Amniga Soo maaliya (STP) iyo dardar gelinka wejiga xiga ee Qo rshaha, iyada oo hoosta laga wada xarriiqay fulinta qorshaha amniga Soomaaliya, lana soo jediyey go' aanno lagu dardar gelinayo dhammays-tirka qor shaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalami ga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Manaasabadda ayaa tilmaam ay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay mudn aanta ugu sarraysa siinayso, hirgelinta iyo dhamm aystirka Qorshan.


"Dowladdu haddii ay qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana" Waxaa sidaas yiri…
Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr.Maxamed Cabdi Waare ayaa soo jeediyay in marnaba aan laga cabsan in dagaal meesha looga saaro dowladda mud do xileedkeeda uu dhamaad ay, haddii ay wada-hadal wax uga badalmi waayan.
"Dowladda haddii hadal ay wax ku yeelayso waa lala hadla, haddii banaanbax wax ku yeelayso waa lagu banaanbaxa, haddey qori wax ku yeelayso qori ayaa loo qaadana," ayuu yiri Maxamed Waare.
Waxa uu sheegay in waddanka uu kusii socdo meel xun oo aan laga soo laaban karin, haddii aan ha dda wax laga qaban, isaga oo mucaaridkana u soo jeediyay inay mowqif wada jir ah ku wajahaan xaa lada dalka.
"Waxaa dhihi lahaa horta doorashada waxay Far maajo is hayaan waa idinka (Midowga Musharaxiin ta) ma aha maamul goboleedyada," ayuu yiri Mada xweynihii hore ee maamulka HirShabelle oo si gaar ah farriin ugu diraya Midowga Musharaxiinta.
Waxa uu intaas kusii daray in Ra'iisul Wasaara ha lagaga adkaaday awooda dowladda, islamarka aana ay hadda la gudboon tahay in uu ka shaqeeyo doorasho dhex-dhexaad ah oo lagu wada kalsoona an karo.
Hadalkan ayaa imanaya xili ay Midowga Musha raxiinta Mucaaridka kal hore qaadaceen sida ay u socota doorashada, ka dib markii kuraas kamid ah doorashada Golaha Shacabka loo maray hanaan ka duwan midkii lagu heshiiyay.
Mucaaridka ayaa maalmihii u dambeeyay maga alada Muqdisho ka waday kulamo looga arrinsana yo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka, ka dib markii ay ku tilmaameen doorashada socota mid boob iyo awood sheegasho ah.
Dowladda Somalia Oo Shalay Dowlad Carbeed Kala Wareegtay Deeq Daawo ah
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha da Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Shalay Deeq is ugu jirta Qalab iyo Daawo ka guddoontay Hay'adda Samafalka ee Cumaan (Oman Charitible Organi zation). Deeqdan ayaa si toos uga timid Boqortooy ada aan Walaalaha nahay ee Saldanada Dalka Cuman taasoo oo ay ugu talagaleen Inay kaga qeyb qaataan kajawaabida Caab uqa Covid-19 iyo taaku leynta Shacabka Soomaal iyeed.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Sooma aliya HE. Dr. Fawziya Abiikar iyadoo ku hadlaysa magaca Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalmada katimid Saldanada iyo Shacabka Cumaan ee Walaalaha nahay.
James Swan "Musuq-Maasuqa Wuxuu Caqabad Ku Yahay Dowlad-Dhisidda & Nabadda"
Guud ahaan Caalamka ayaa Shalay oo ay ku beegan tahay 9-ka Diseembar laga xusayaa Maal inta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maas uqa, iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lah aa wacyiga ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo doorka UNCAC ee ka hortagga iyo la daga alanka.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee So omaaliya James Swan oo ka qeyb gal ayay Munaasabadda Maalinta Caalami ga ah ee La-dagaal anka Musuqmaasu qa, ayuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhis maha hay'addo isla xisaabtanka iyo hufnaanta leh, isaga oo soo dhoweeyay horumarka DFS ka same eysay La-dagaalanka Musuqa.
James ayaa sheegay inuu Musuqa caqabad wayn ku yahay horumarka, isla markaana uu wiiq ayo dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nab adda iyo dib-u-heshiisiinta, sidoo kalena uu hoos u dhigayo kalsoonida shacabka, hay'adaha dowliga ah iyo awooddooda.
"Iyadoo taa la eegayo, QM waxaa dhii rige liyey ku biirista Soomaaliya ay dhow aan ku biirtay Axdiga Q/Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa,..Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday" ayuu yiri James Swan.
Axdiga Q/Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaas uqa (UNCAC), oo ay Soomaaliya ka noqotay xubin-Do wladeed 11-kii Agoosto 2021 ayaa ah aalad ca alami ah oo muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maa reeyo lagulana socdo dagaalka waddamada ee ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa aaladda kaliya ee si sharci ah ugu xiran adduunka ee la dagaalanta musuqmaasuqa.
"Q/Midoobayda Soomaaliya waxa ay soo dhow aynaysaa sida ay uga go'an tahay DFS dhanka hir gelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladni mada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaa suqa.
Ballanqaadkan waxa caddaynaya magacaabista guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa bishii Maajo 2021" "Waxaan ku boorineynaa dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maa liyadda iyo tas-hiilaadka dadweynaha iyadoo la xooj inayo qaababka sharciga iyo hay'adaha ee ka dhan ka ah musuqmaasuqa islamarkaana la adeegsana yo dhaqangelin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed," ayuu yiri Mr. Swan Wakiilka QM ee Soomaaliya.
Midowga Musharaxiinta Oo Dalbaday In La Hak iyo Doorashada Socota (WAR CUSUB)
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa gala bta kulan ku yeeshay M/Muqdisho, iyagoona ulankooda uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka socda. Wa r-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay ku dalbadeen in doorashada Gola ha Shacabka ee socota la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xaliyo tabashooyinka laga qabo doorashooyinka.
Golaha ayaa soo jeediyay in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada oo ay ugu horeyso in la shaaciyo liiska 135 Oday dhaqameed iyo in la xaqiijiyo Ergada doorashada ay yihiin kuwo ay soo xuleen Odayaasha dhaqan ka ee la diiwaan geliyay.
Sidoo kale Midowga ayaa dalbaday in kursi kasta lagu tartamo, isla markaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro, ayna goobta door ashada kor joogta ka ahaadan Soomaali, kuwo heer Caalami ah iyo Saxaafadda Madaxa bannaan.
G/M/Musharaxiinta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan doorashooyinka, haddii la waafajiyo shuruudaha ay soo jeediyeen, haddii la baal maro waxay qaadi doonaan tallaabooyinka lag ama maarmaanka u ah samata bixinta Qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo loo qaadan karo inay tahay inay dhisayaan Gole Kumee Gaar ah oo dalka maamula.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxayGolaha.

Dowladda Somalia Oo Caddeeysay In La Diyaariyay Sharciga Hannaanka Federaalka
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xuk uum d da xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay ku guuleyste en arri mo badan oo xal u ah horumarinta nidaamka guud ee hagaya Garsoorka iyo Maxkamadaha dalka Wasiirka ayaa xusay in la dhameyst iray dhi smaha Guddiyada la dagaalan ka mus uqmaasuqa iyo dhismaha hay 'adaha Garsoorka,wuxuuna intaa raac iyay in ay si joogto ah u socdaan wacyigalinta hay 'addaha u xils aaran adeegyada Garsoorka .
Wasiirka oo ka qeyb galayey Barnaamij ka baxa yey Telefashinka dowladda ayaa waxaa uu caddie yay in la diyaariyay Sharciga hannaanka Federaal ka , iyadoo lala kaashanaayo Maamulada dowlad Goboleedyada dalka. Ugu dambeyn Wasiir C/qaadir Maxamed ayaa waxaa uu qiray in ay jiraan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo doowladaGacan lagu siiyo waxa ay Bulshada u hayaaan       
qqqqqqqqqq

Siyaasiyiin HAWIYE ah oo MUQDISHO ka billaabay ololaha doorasho ee DENI

Siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa Muqdisho ka billaabay ololaha door ashada madaxweynaha Puntland Saciid C/hi Deni oo la filayo inuu isku sharaxo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, sida aysheegtay in ay ogaatay Caa simada Online.

Madaxweynha Puntland Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho ka qortay shaqsiyaad sirta iyo xogta siyaasadda Muqdisho u qaabilsan oo Hawiye ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona qorshihiisa doorasho.

Kooxdan waxey isugu jiran siyaasiyiin dhallinyaro ah, xildhibaano hore, dad hadda xildhibaano u sha raxan iyo suxufiyiin. Shaqada ay dadkaan Saciid Deni u qaban doonaan ayaa ah inay u keenaan:

1- Guuxa magaalada Muqdisho yaalla

2- Caqabaddaha musharixiinta Hawiye heysta

3- Ka iibiya beesha Hawiye inuu Deni dhismi karo, oo ay liidato fursadda Hawiye, waxna ku darsada an.

Siyaasiyiinta howshaan loo xil saaray ayaa M/ Muqdisho sameystay xarumo ay isugu yimaadaan, islamarkaana ay ku uruuriyaan xogaha, waxaaa ma shruucaan bil kasta lagu bixinayaa lacago tobanaan kun oo dollar ah.

Saciid Deni oo la filayo inuu ku dhawaaqo mu sharaxnimadiisa tartanka doorashada madaxweyn aha Soomaaliya ayaa isku arka inuu yahay siyaas iga kaliya ee Farmaajo kaga guuleysan kara kursiga Villa Somalia.

Siyaasiyiinta u taagan xilka madaxweynaha ee ka soo jeeda Hawiye ayaa waxaa ugu cadcad Xas an Sheekh iyo Shariif oo labadaba horey usoo noq day madaxweyne, hase yeeshee tirada musharaxii nta Hawiye oo aad u badan darteed, waxaa laga cabsi qabaa in si la mid ah 2016-kii laga dhex bixiyo kursiga madaxweyne.

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciid an Oo Ku Yaalla Garoon Diyaaradeed

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaarada ha M/Jowhar Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas habeenimadii Habeen hore ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan dagaalamaya asha Al-shabaab.

Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Garoonka Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen inuu ahaa mid ay u adeegsadeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuur een Saldhig Ciidanka M/Afrika ee AMISOM ku leey ihiin halkaas.

Dad degan meelo ku dhow Garoonka diyaarada ha Jowhar ayaa ku warramay inay maqlayeen jugta tirro hoobiyeyaal ah, kadibna ay xigtay rasaas g oos-goos ah oo dhaceysay, balse markii dambe xaaladda si caadi ah kusoo laabatay.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ku sheegteen in Habeen hore wee rar loo adeegsaday Madaafiic ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku le eyihiin Garoonka Jowhar, mana sheegin wax khas aaro oo ka dhashay.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay weeraro isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ugu qaadeen Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kolonyo ay la socdeen Ciidankaas, xil iyo socdaal ku marayeen degaano ka tirsan G/ Shabeellaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in si khaldan loo isticmaalo diyaaradaha ay Turkiga keentay Soomaaliya

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka tirsan Xubanaha Muca aradka ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay soomaaliya keentay Diy aarado Drones ah, xili uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah, islamark aana doorashooyinkii Soomaaliya uu si weyn dib u dhac ugu yimid. Si doo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay in diyaaradahaan droneska loo isticmaalo qa ab aan ahayn la dagaalanka Al-shabaab, wuxuu sheegay in Safaaradda Turkiga ee muqdisho ay kala hadli doonaan arrintaan iyo waxa xiligaan ku soo beegay maadama Muddo Xileedkii sharcigaa uu dhammaaday Hay’addaha Dowladda Federaal ka.

Wuxuu xusay in Drones ka Turkiga Soomaaliya keentay ay sabab u noqon karaan in dagaal sokee ye oo dalka ka qarxo, isagoo tusaalo usoo qaatay wadamo dariskeena ah oo Drones ka isku adeegs aday, isagoo sheegay in dulmiga siyaasiga kaliya uusan ku dhaceyn balse uu saameyn ku yeelanayo qalalaaso dalka ka dhaca, midka ka ganacsadaha ah iyo kan ardaga ahba.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya, iyadoo Hay’adda NISA ay sheegtay in dhawaan ay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku qabatay diyaarado Drones ah, kuwaas oo markii da mbe uu sheegtay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, isagoo sheegay in diyaaradahaan uu dalka u keensaday waraabinta Beeraha iyo la dag aalanka Cayayaanka heebaaba Beeraha       X igasho:Caasimadda.Net

CUMAR CABDI AXMED "Sheekadii na dhex-mar tay Lafta-gareen habeenkii uu tartanka ka reebay JAWAARI”

Cumar Cabdi Axmed oo ka mid ahaa mushara xiinta kursiga Hop103 ee laga boobay guddoomihi yii hore ee Golaha shacabka Prof. Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa ka sheekeeyey qaabkii loogu diiday tartanka isaga iyo Guddoomiye Jaw aari. Cumar ayaa sheegay inuu ahaa musharaxii ugu horeeyey ee shaaciyey inuu u tartamayo kursig aas, isla markaana mudo shan jeer ah uu la kulmay madaxweynaha K/Galbeed Cab dicasiis Lafta Gareen.

"Markii doorashadu bilaabatay Baydh abo ayaan tagnay, Madaxweyne Cabd icasiis waxaan is aragnay ugu yaraan shan jeer, fursad uma aana yeelan in aan la shiro oo habeen kasta balan hor leh ayuu ii qabanayey, ilaa ay dha cday doorashadii kursiga lagu boobay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in habeenkii ugu dambeeyey ee fursada uu u helay inuu la shiro madaxw eynaha uu ugu bishaareeyey in kursiga uu ka diray Prof. Jawa ari, taas oo sida uu sheegay ay ku murmeen isaga iyo Lafta Gareen.

"Habeenkii ugu dambeysay oo ay ii suurta ga shay in aan kulano Lafta Gareen, markii aan u gal ay xafiiska ayuu igu yiri bishaaro Prof. Jawaari wa an ka diray kursiga, waxaan ku iri Madaxwe yne soo muwaadin maaha, oo xaq uma laha inuutarta mo, sidee uga dirtay kursiga? Ka dibna waxuu igu yiri arrintaas odayaasha cida ayaan kala hadlaa ee habeen dambe ii soo laabo,” ayuu yiri Cumar Cabdi.

Waxa uu sheegay in habeenkii xigay uu ku soo laabtay madaxtooyada si uu ula kulmo Lafta Ga reen, "Habeenkaas waxuu igu yiri odayaashii waxay i dhaheen kursi in qof loo diido qofna loo ogolaado inuu u tartamo wax aan ogolaa karno maaha, wa ana iga tageen,” ayuu yiri Musharax Cumar Cabdi.

Intaas ka dib waxa uu sheegay in habeenkii dambe ay ka war heleen in la diiwaan geliyey mu sharaxa kursiga loo boobay oo ahaa wasiir ka tirsa naa xukuumadda Lafta Gareen, sidaasna ay maalin kii ku dhacday doorashadu.

"Waxaan u tegay guddiga doorashada, guddoom iyaha ayaa igu yiri wax lacag ah ha iska bixin, ana ga madaxweyne Lafta Gareen waxuu nagu yiri qof kii aan idiin soo diro siiya kursiga oo diiwaan geliya, Cabdicasiis waxa uu noo soo diray qofkaas ee lacag ha iska bixin,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xilli habeen ah la diiwaan geliyey musharaxii loo boobay kursiga, ka dibna uu malxiis ka dhigtay askari ilaalo u ahaa, sidaasna la gu boobay kursigii uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey guddoomiye M.Sh.C.Jawaari.

Xigasho:Caasimadda.Net

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soo maaliya ayaa Shalay waxaa oo xukun kuriday Da ble NISA Maxamed Cali Xuseen, kaas oo horaantii Bishii November ee sanadkaan degmada Beled-Xaawo ku dilay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo Shacab ahaa.

Askarigaan ayaa Maxkamadeyntiisa waxaa ay soo martay heer kala du wan, waxaana markii dilayay labada dhalin yarada ah ay Kubbad ku ciyaarayeeen Garo on kuyaalla degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalab ka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in dood dheer kadib dable NISA Maxamed Cali Xuseen lagu riday xukun dil toogasho oo ah qis aasta labada marxuum.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan waxaa ay sibareer ah u dileen dad Shacab ah, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho askar ka tirsan Ciidamada dowl adda ay ku dileen Wiil iho Gabar Walaalo ahaa iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Somaliyed.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo Hooyo So omaaliyeed u dilay Taliyahaada ayaan kugu dacweynaya

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dil bareer ah waxa uu u geystay Hooyo haysa tay sagaal caruur ah oo agoon ah, xaafada xoosh degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

Hooyada dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jiray Faay Beeso waxayna aheyd sida dadka dee gaanka ay inoo sheegeen hooyo nolosha caruurtee da ku maareyn jirtay waxay xoogeeda kusoo shaq eysato.

Dilka hooyadaan ayaa yimid ka dib markii askari ka mid ahaa askar ilaalo u aheyd sar kaal ka tirsan ciidanka dowlad da oo da ris lahaa guriga hooyada la dil ay, inuu marwaliba qori ku qaban jiray caruurtee da, taasoo keentay hooyada dhimatay In ey ka dacwooto askariga, balse inta aysanba dacw oonin ku dhuftay dhowr xabadood oo sababay iney u dhimato.

"Ilmaha maxaad qoriga iga taagtaa mad iiga dha aftid mise Taliyahaada ayaan kugu dacweynaya ay ay tiri, markey albaabka guriga sarkaalka dagana ay garaacis ku bilaawdayna dhowr xabadood ayuu ku dhuftay oo Caloosha, Kilida iyo Minka ayay kaga dhaceen, ilmaheda markey so baxeena baas ayuu ku furay oo alle ka badbaadiyay, kadib asne wuu cararay oo wuu fakaday" ayay tiri hooyo daris la aheyd marxuumada gardarada lagu dilay.

Dadka ku nool degmada Dharkiinleey ayaa dhac daan si weyn uga argagaxay kuwaas oo dalbaday in dowladda Soomaaliya si deg deg ah cadaalad ugu keento dilka xaqdarada ah ee loo geystay hooy ada la dagaalameysay korinta nolosha 9 caruur ah oo ay haystay oo agoon u badnaa.

Muqdisho maalmahii lasoo dhaafay waxay askar ta dowladda siyaabo kala duwan oo bareer ah ugu dileen dad shacab ah oo aanan waxba Shalaysan, ta asoo u muuqaneysa mid sii kordheysa dhibaatada loo geysanayo dadka shacabka ah.

Haweeneey lagu dilay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaray degaanka Birta dhe er oo u dhow deegaanka balicad oo hoos taga D/ Cabudwaaq ee G/Galgaduud ayaa waxaa ay she egayaan in halkaasi Shalay lagu dilay Haween eey kamid aheyd dadka ku nool degaankaas.

Nin hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Haweeneyda uu dilay ka dib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan sida ay sheegeen dad ku sugan degaanka uu dilka ka dhacay ee birta dheer ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidanka Boliska Degamada Cabuudwaaq howl gal ay sameeyeen ay suurto gashay inay gacan ta ku dhigaan Ninkii ka dambeeyay dilka Haween eyda. Beryahaan Falalka dilka ah ayaa ku soo badana gobollada dalka


Maxkamadda ciidamada PUNTLAND oo amar culus dul-dhigtay hay’adda PSF

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dan biyada Culus ee maamulka Puntland ayaa war ka soo saartay Ilaalinta dhammaan Hantida hay’ adda ciidamada PSF, oo garab ka mid ah ay xiisad xoog gan kala dhaxeyso madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu amray Agaasimaha hay’adda PSF S/Guuto Amiin C/hi Xaaji Khayr in uu mas’uuliyad iska saaro Ilaalinta dha mmaan Hantida Ciidanka PSF. Hoos ka aqriso qora alka maxkamadda.

KU: AG/Guud ee Ciidamada PFS S/Guuto Aamiin C/hi Xaaji Khayr

OG: Madaxweynaha D/Puntland

OG: Wasiirka Amniga D/Puntland

OG:Taliyaha Ciidanka Difaaca D/Puntland

OG: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab ka Sida ee D/Puntland Anigoo tixraacaya qodobada xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida ee D/Pun tland iyo Soomaaliya, sida qodob ada soo socda:- (B) 289. (T) 290. (J) 291. (X) 305/306/307.

Kuwaas oo tilmaamaya xariga, ganaaxa iyo ciqa abta Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee D/ Pun tland. Qodobadan soo socda waxay fiira gaar ah u lee-yihiin Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dembiyada ay galaan 308/309/310/311, qodobada asi waxay qeexaya an Xilkaqaadista, Xariga iyo gan aax ay mutays taan dhammaan saraakiisha ciidama da ee gala dembi in laga qaado Xilka, in Xabsi loo diro iyo in Ia Ganaaxo.

Qodobada Xeerka ciidanka oo lala akhriyo qodo bada dastuurka D/Puntland, sharciga iyo ka la dam baynta wixii amardiido Dowli ah Ia yimaa da ayaa lagu qaadayaa qodobada kor kuxusan.

Madaxweynaha D/Puntland ayaa ah Taliyaha Gu ud C/Q/Sida Ahna Illaaliyaha Sharciga, Dastu urka, Qawaaniinta iyo Shuruucda Dalka u yaalla. Xil Mag acaabis iyo Xilkaqaadis waxaa iska leh Taliyaha Gu ud ee Ciidmada Qalabka sida ee D/ Puntland wa ana Madaxweynaha D/Puntland.

QODOBKA 1-AAD ee kala saraynta CQS ee D/ Puntland, cidkastoo ka hortimaada qawaaniinta, shaciga iyo kala dambaynta dowliga ah waxaa lala tiigsanayaa xeerka ciqaabta ciidamada qalab ka sida iyo Maxkamad ciidan oo Ia horkeeno cidkasta oo ku xad gudubta Dastuurka D/Puntl and iyo ilaal inta Dartuurka sharciga ciidanka u yaalla. Cidkasta oo ku xad gudubta waxay la kulmaysaa ciqaab Max kamadeed, qofkasta wux uu Ia kulmayaa ciqaabta u dhiganta qodobada kor ku xusan.

Waxay Maxkamadda C/Q/Sida & Dembiyada Cu lus soo gudbinaysaa, kuna Amraysaa Agaasi maha Guud ee ciidanka PSF S/Guuto Amiin C/hi Xaaji Khayr inuu ilaaliyo, masuuliyad dhammays tirana iska saaro Hubka, Gaadiidka, Dareeska iyo dham maan hantida ciidamada PSF wax Bad ku jira iyo wax Beriyaalaba, isla- markaana uga guto waajiba adkiisa sida uu qabo dastuurka D/ Puntland ee dha wrista hantida Dowliga ah.

S/GUUTO MAXAMUUD CABDI MAXAMED

Miisaaniyada xukuumada Somaliland oo koro dhay %17 sannadkan

Golaha wasiirada Somaliland ayaa Shalay ansi xiyay miisanadiyada xukuumada Somaliland ee sa nnadka 2022, oo dhan 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin, wa xayna korodhay %17 marka loo eego tii sannadkan 2021.

Miisaaniyada dowlada dhexe ayaa korodhay %11, ta dowladaha hoo se ayaa korodhay %44, ta hay'addaha madaxaban nan ayaa korodhay %12, ta macaawinooyinka dib ada ayaa korodhay, %41, isla markaana ciidamada ayaa mushaarkooda boqolkiiba %20 la kordhiyay.

"Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka waxa lagaga shaqayn doona, Isku dheelli-tirka dakhliga iyo khara shka, xakamaynta sicir-bararka, Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland, Ka guurista ku-tiirsanaanta ca shuuraha kastamka, xoojinta amniga, qabashada iyo soo saarista biyaha, Ku-talogalka abaaraha, xoojinta keydka qaranka, kor u qaadista adeeggyada caafima adka iyo waxbarashada, dhiirrigelinta wax soo saarka, deegaanka,xoojinta ictiraaf raadinta" ayaa lagu yidhi warbixin laga soo saaray ansixinta.

Munaasibada ansixinta miisaaniyada ayaa waxa fadhiyay 30 wasiir oo ka tirsan xukuumada Somalil and, waxaa ka aamusay hal wasiir, manay jirin cid diiday.

Mareykanka oo lacag ugu deeqay Abaarta kajirta Soomaaliya

Xilli meelo badan oo kamid ah Soomaaliya ay waqtigaan kajirto Abaar baahsan oo saameeysay dad iyo Duunyo ayaa dowladda Mareykanka waxaa ay Soomaaliya ugu deeqday lacag loogu talo galay waxka qabashada Abaaraha.

Hay’adda Caalamiga ah ee Mar eykanka u qaabilsan dhinaca gargaar ka ee USAID ayaa shaacisay in Soom aaliya ay ugu deeqday lacag dhan 2 Milyan oo Dollar si loo yareeyo saa meynta abaaraha iyo dhacdooyinka naxdin leh ee bulshooyinka la hayb sooco ee kunool koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka ma shaacin goobaha rasmiga ah ee lagu bixinaayo lacagtaas, hayeeshee ujeedkooda uu yahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa wax ka qabashada Abaaraha kajira qaar kamid ah Gob olada Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Hay’ado badan oo Caalami ah ayaa dhankooda horay u bixiyay lacago loogu talo galay waxka qaba shada Abaaraha, balse sanadkaan ayaa abaarta waxaa ay kusoo aaday xilli Soomaaliya ay kujirto w aqti doorasho. Meelo badan oo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajirta Abaar saameysay dad iyo Duunyo, iyada oo dowladda Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada ay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan u gurmashada dadka ay saameeysay abaarta.

Somaliland oo ku hanjabtay inay xiri doon to Xarunta Universal TV Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleemaan Yuusuf Cali Koore ayaa ugu hanjabay Maamulka TV-ga Universal Xaruntooda Magaalada Hargeysa kadib dood ka baxday tv-ga.

"Waxaan habeen hore arkayay Tv-ga Universal oo baahinayay Dood Diinta & Dhaqankaba wax u dhimaysa Waxa an u sheegaynaa hadii ay qabtaan Barnaamijyadda caynkaas ah mar dambe innaan talaabo ka qaadi doono”Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in hadda kahor ay xireen xarunta tv-ga Universal ee Hargeysa kadibna ay ku ganaaxeen tobanaan kun oo Dollar, wuxuuna sicad u sheegay Wasiirka in ays an ka aqbaleyn Maamulka Universal doodaha qaar oo ay qabanayaan. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dadkii dooda ka hadlayay qaarkood aysan aqoon luuqada Soomaaliga oo uu dhib ku ahaa, kuwaas oo uu sheegay in aysan ka hadli karin dhaqanka Soomaalida.Habeeno ka hor ayaa Tv-ga Universal waxaa ka baxay dood ay dad badan ka qeyb galeen taas oo qaar kamid ah Haweenkii ka qeyb galay ay sheegeen in Sodohda ay qeyb ka tahay burburka Guriga, isla markaana aysan ku noolaan Guriga uu Wiilkeeda xaas ku qabo, hadalkaas oo dood ka dha liyay Baraha Bulshada.

Isimada Puntland oo go’aan cusub kasoo saar ay xiisadda PSF kadib baaqii uu diiday Deni

Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa soo saar ay baaq cusub kasoo saaray xiisadda ka dhex oog an madaxweyne Saciid C/hi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cismaan C/hi Diyaano.Isimada soo saaray baaqa oo gaaraya 12 ayaa taageeray go’ aanadii horey uga soo baxay Is imada ka horreeyey, marka laga reebo hal qodob oo ah in milkiyadda hubka, ciidanka iyo agabka kale ee PSF loo reebo agaasimaha xilka laga qaaday.

Go’aankii Isimada hore, gaar ah aan qodobka dhigaya in hubka iyo hantida PSF uu si gaar ah u qaato agaasimihii hore, ayaa waxaa ku gacan seeray xukuumadda Puntl and, oo ku tilmaam tay "mid meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntla nd, dhiirigelina u sameyna ysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. "

Baaqa cusub ee Isimada kasoo baxay ayey ku soo jeediyeen in agaasimihii xilka laga qaaday loo reebo agab iyo ciidan ku filan amnigiisa kal iya, ma adaama, bey yiraahdeen, uu ku soo shaqeeyey xaalad adag.

Isimada ayaa sidoo kale taageeray baaqii Isima da ka horreeyey ee ahaa inay dhaqan-gasho ware egtadii uu madaxweyne Deni xilka uga qaaday aga asimihii hore 24-kii November 2021.

Isimada 12-ka ah ayaa soo saaray qodobada hoos ku qoran:

• In hantida PSF looga reebo agaasmihii hore agab iyo ciidan ku filan aminigiisa maadaama uu ku soo shaqeeyeyxaalado adag.

• Anagoo ixtiraamayna kala duwanaanshaha fikirka iyo tanasulka oo lafdhabar u ah nolosha aad anaha, waxan sidoodii ku qaadanay 4-ta qod ob oo kale; qodobka 1-aad, 3-aad,4-aad &5-aad.

Markaanu midaynay shantii qodob waxay u qormay aan sidan:

1- Waa inay dhaqangashaa digreetadii madax waynaha Puntland, kuna taariikhaysn ayd 24 Nove mber 2021, ujeedaduna ahayd xil-lka qaadistil lagu sameeyey agaasime Jen. Maxamuud Cismaan C/hi, laguna magacaabay Sarreeyo Guuto Maxam ed Amiin Xaaji C/hi Khayr.

2- Waa in hantida PSF looga reebo agaasmihi hore agab iyo ciidan ku filan amnigiisa maada ama uu kusoo shaqeeyey xaalad adag.

3- Waa in dawladu siisaa ciidamada PSF xuq uuqdii ka maqnayd 13-ka bilood.

4- Waa in ay dawladdu bixisaa kharashka ilaala da gaarka ah ee Jeneraal Maxamuud Cismaan Cab dullaahi.


Maamulka Galmudug oo soo saaray amar lagu mamnuucayo ka ganacsiga Dhuxusha

Maamulka Gobolka Mudug ee dowlad Goboleed ka Galmudug ayaa bilaabay tallaabooyin looga ho rtagayo dadka jaraya dhirta ee ka sameeynaya Dhu xusha, kuwaas oo degaannada Galmudug si xowli ah uga socday.

Dhowr jeer oo hore ayaa laamaha Am niga Maamulka Galmudug waxaa ay xire en dad jaraya Dhirta iyo kuwo ka Ganacs anayay Dhuxusha, kuwaas oo dhowr jeer sidoo kale digniin loo diray.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Ca bdiraxmaan Cali Diiriye ( Isxal) ayaa sheegay in la gaaray heer Geedihii yar yaraa ee dadka ku nsan jir een la gubo si dhuxul looga sameeyo, taas oo uu sheegay inay dhibaato ku tahay dadka Reer Galm udug.

Waxaa uu uga digay Bulshada kunool degaanna da Galmudug inay jaran dhirta si ay Dhuxul uga sa meeyan, waxaana uu sicad u sheegay in tallaabo ka qaadi doonaan dadka dhirta jaraya & kuwa ka Ganacsanaya Dhuxusha.

Dhowr jeer oo hore ayaa laamaha Amniga Maa mulka Galmudug waxaa ay xireen dad jaraya Dhirta iyo kuwo ka Ganacsanayay Dhuxusha, kuwaas oo dhowr jeer sidoo kale digniin loo diray.

Qaraxyo ‘ay diyaarinayeen’ Al-Shabaab oo la fashiliyey

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari.

Howlgalka ciidamada ay sameeyeen ayaa wa xaa lagu burburiyey saldhigyo ay ciidamada Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalo buura leyda Golis. Sidoo kale, saraakii sha hog gaamineys ay ciidamada how lgalka sameeyey ayaa sheegay inay qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaa rinayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howllgalka lagu sam eeyay.

Ma jirto illo madax banaan oo xaqiijiyey sheega shada maamulka Puntland ee ah inay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab iyo dilka daga alyahanada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saldhigyo waaweyn ku leh Buuraleyda Golis waxayna marar badan hal kaas kasoo qaadeen weeraro culus. Sidoo kalana waxaa halkaas ku dhuumaaleysanaya dagaalyaha no ka tirsan Daacish.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli uu khilaaf u dhaxeeyo ciidamada PSF ee loo tababa ray la dagaalanka Al-Shabaab iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaasoo saameyn xoog leh ku yeeshay Magaalada Boosaaso.

CPJ Oo Sheegtay In Tirada Saxafiyiinta Sana d kan La Xirey Ay Gaartay Heerkii Ugu Sareysay Abid

Warbixin ay soo saartay Hay’adda CPJ ayaa la gu sheegay in tirada saxafiyiinta xabsiyada ku xiran ay gaartay heerkii ugu sareysay caalamka sa nadkan 2021.

CPJ ayaa daabacday in tirada sa xafiyiinta la xirey sanadkan ay gaartay 293 weriye caalamka oo dhan marka la xisaabiyay 1-dii December ee sanadkan.

Ugu yaraan 24 saxafi ayaa la dilay sababo la xiriira tabintooda, 18 kalena waxa ay ku dhinteen xa alado aad u adag in la go’aamiyo in loo beegsaday sababo la xiriira shaqadooda, ayay CPJ ku sheeg tay sahan sanadeedkeeda xorriyadda saxaafadda iyo weerarada ka dhanka ah warbaahinta.In kasta oo sababaha xariga saxafiyiinta ay ku kala duwan yihiin wadamada, tirada rikooradu waxay ka tarjumaysaa kacdoonada siyaasadeed ee aduunka iyo dulqaad la’aanta sii kordheysa. "Tani waa sann adkii lixaad oo xiriir ah oo CPJ ay diiwaangelisay tir adii ugu badneyd ee saxafiyiinta lagu xiro caalam ka,” ayuu agaasimaha fulinta ee CPJ Joel Simon ku yiri hadal uu soo saaray.

"Tiradu waxay ka tarjumaysaa laba caqabadood oo aan kala sooc lahayn – dawladuhu waxay go’a ansadeen inay xakameeyaan oo ay maareeyaan macluumaadka, waxayna sii kordhayaan geesini mada dadaalkooda si ay sidaas u sameeyaan.”

Intii u dhaxaysay Janaayo 1 iyo Disembar 1 20 21, ugu yaraan 108 saxafi ayaa la xiray, tiradaas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee 293 saxafiyiin ah oo ku xiran dunida oo dhan – waana tiradii ugu bad nayd tan iyo markii uu ururku bilaabay dabagalka xariga suxufiyiinta 1992-kii.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in tan iyo san adkii 1992 illaa Disembar 1, 2021, ugu yaraan 1,440 saxafiyiin ah lagu dilay caalamka.

Saxafiyiinta la dilay sanadkii 2021 ayaa waxaa ku jiray sawir qaade Danish Siddiqui, oo ahaa sawir qaade u shaqeynayay Reuters oo ku dhintay wee rar ay Taliban ku qaadeen Afgaanistaan ​​bishii Luul yo, iyo Gustavo Sanchez Cabrera, oo bishii June la gu toogtay Mexico iyo Cabdicasiis Afrika oo lagu dil ey magaalada Muqdisho dalka Soomaaliya.

Shiinaha ayaa xiray 50 saxafi, waana inta ugu badan waddan kasta, waxaa ku xiga Myanmar (26), ka dib Masar (25), Vietnam (23) iyo Belarus (19), ay ay tiri CPJ. Markii ugu horeysay, liiska CPJ waxaa ku jira saxafiyiin ku xiran Hong Kong .

Warbixintu waxa ay xustay in inkastoo tiro yar oo saxafiyiin ah lagu hayo wadamo ay ka mid yihiin Turkiga oo mar ahaa xabsiga ugu sarreeya adduun ka balse hadda galay kaalinta lixaad iyo Sucuudiga, haddana tani ma muujinayso horumar.

"Waa wax laga xumaado in la arko dalal badan oo liiska ku jira sannadba sanadka ka dambeeya, la akiin waxaa si gaar ah looga naxo in Myanmar iyo Itoobiya ay si naxariis darro ah albaabada ugu laabt een xorriyadda saxaafadda,” ayuu yiri Simon.

Muddo 40 sano ah, CPJ waxa ay cambaareysay suxufiyiinta la dilay, la xiray, la faafreebiyay, jir ah aan la dhaawacay iyo hanjabaad.

Bankiga Adduunka oo Soomaaliya ka taageerayo Korontada

Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay mashru uc ku kacaya 150 milyan oo dollar oo dib loogu soo noolaynayo adeegga korontada Soomaaliya.

Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay maalintii Dorraad in mashruuca dib usoo kabista adeegga kor ontada uu kordhinayo helitaanka koronto nadiif ah oo qiimaheedu hooseeyo oo ay helaan dad dhan 1 milyan iyo 100 kun oo qof ama qiyaas ahaan 7 milyan oo Soo maali ah kuwaasi oo kala-badh ay yihiin dumar.

War saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ilaa 15 milyan oo qof oo Soo maali ah, 9 milyan oo ka mid ah aysan haysan koro nto; qiimaha korontaduna uu ku jiro kuwa ugu qaali san dunida. Taasi waxaa la socota in tobankii qof ee Soomaali ah, sagaal ka mid ah ay saamaysay mid ka mid ah culayska ka imanaya dhinaca lacag

la’aan, tamarta, waxbarashada, biyaha iyo adeeg yada sixada.

Helitanaka koronto la awoodo waxay muhiim u tahay hoos u dhigista faqriga sababtoo ah waxay kor u qaadaysaa dakhliga qoyska, waxay saacida ysaa jawiga ganacsiyada, waxayna abuuraysaa sha qo, sidaasi waxaa tiri Kristina Svensson, maamul aha Bankiga Adduunka faraciisa Soomaaliya.

Madaxda Bankiga Adduunka ayaa sheegay in ma shruucan uu sii kaabayo shaqada Bankiga Adduun bka ku gargaarayo hay’adaha maxalliga ah ee nu gul, iyo kuwa waddamada ay colaaduhu saameey een, iyadoo hadafku yahay kor u qaadista aqoonta dadka degaanka iyo kartida lagu kobcinayo adeeg yada, sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay Bankiga Adduunka.

In ka badan 50 Ruux oo ku geeriyootay Shil Gaari

Gaari Nooca Xamuulka qaado ah oo ay saran aayeen dad u muuqday inay ahaayeen Muhaajiriin ayaa ku dul-rogmaday Buundada ay marayeen Waddada weyn ee Koonfurta Mexico, halkaas oo ay ku dhi nteen ugu yaraan 53 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Luis Manuel Moreno oo ah madaxa xafiiska difa aca madaniga ah ee gobolka Chiapas ayaa sheeg ay in ilaa 21 kamid ah dadka dhaawacmay ay qab aan dhaawacyo halis ah waxaana loo qaaday isbi taalada deegaanka.

Shilka ayaa ka dhacay wado weyn oo aada xar unta gobolka, waxaana Sawirro laga soo qaaday go obta muujinayeen dhibanayaasha oo daadsan laamiga iyo gudaha Gaariga xamuulka.

Dhibanayaasha shilka galay ayaa u muuqday inay ahaayeen muhaajiriin ka yimid Bartamaha Ame erika, inkastoo aan weli la xaqiijin dalalka ay u dha sheen. Moreno oo ka badbaaday shilka ayaa shee gay in qaar ka mid ah dadkii badbaaday ay sheege en in ay ka yimaadeen dalka deriska la ah ee Guat emala.

Q/ Midoobay Oo Joojisay Gargaar ka Cuntada Ee Kombolcha, Dessie Ka Dib Markii La Bililiqeystey

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa joo jisay raashin qaybintii ay ka waday magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ee dalka Itoobiya ka dib markii la bililiqaystay sahaydii loo waday magaalooy inkaas. Ciidamada Itoobiya ayaa Dorraad dib ula war eegay gacan ku haynta magaalada oo ay ka qabsa deen ciidamada Tigreega ee kacdoonka wada, sida ay dawladu sheegtay.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo la gu magacaabo Stephane Dujarric ayaa Arbacadii sheegay in la xaday lagana bililiqaystay raashin aad u badan oo ay ku jiraan nafaqeynta carruurta ay hayso nafaqo-xumada, waxaana laga soo dhacay magaalada Kombolcha ee gobolka Axmaarada

."Xatooyada yar ee cuntada ayaa isu bedde shay bililiqo ballaaran oo loo geystay bakhaarradii ku yaallay Kombolcha maalmihii la soo dhaafay, si da ay sheegeen xubno ka tirsan ciidamada Tigree ga iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka,” Dujarric ayaa u sheegay suxufiyiinta.

"Waa wax aan la aqbali ka rin dhibaataynta noocan oo kale ah oo ay ciidamada qal abka sida ku hayaan shaqaa laha samafalka. Waxay wiiq aysaa awoodda Qaramada Midoobay iyo dhamma an saaxiibadayada bini’aadantinimo si ay u caawiy aan marka loo baahdo,” ayuu raaciyay.

Dhacdooyinkaasi waxay sii xumeyn doonaan nafaqo-xumada cuntada ee ka jirta waqooyiga Itoo biya, halkaasoo lagu qiyaasay 9.4 milyan oo qof oo ku nool gobollada Tigray, Amxaarada iyo Canfarta.

Saddex baabuur oo WFP ah oo loo adeegsan jiray hawlaha bini’aadantinimo ee Axmaarada ayaa waxaa amar ku bixiyay ciidamo millatari ah, waxa yna u isticmaaleen ujeeddooyinkooda todobaadkan, Dujarric ayaa sidoo kale sheegay, isagoo cambaar eeyay shilalkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya inay ixtiraamaan oo ay ilaa liyaan shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo.

Dagaalka sanadlaha ah ee u dhaxeeya dowlad da federaalka iyo hogaanka gobolka waqooyi ee Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, malaayiin kalena waxay ku qasbeen in ay ka barakacaan guryahooda.


Qiimaha hubka oo sare uga kacay magaal ada Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Qiimaha kala iibsiga hubka ayaa sare u kac xoog leh la ga dareemay gudaha magaalada Muqdisho, waxaa kale oo kordhay dhaqdhaqaaqa dalaallada hubka, iibka, kala wareejinta iyo arrimaha la xiriira.

Xog uruurin laga sameeyey suuqyada hubka ee Muqdi sho waxaa ku cad in qoryaha qaar uu qiimahoodu kordhay 100% sideeddii bil ee ugu dambeysay, taasi oo muuji neysa sida dhaqdhaqaaqu yahay.

Mid ka mid ah kuwa hubka iibiya oo magaciisa C. M. aan kusoo koobeyno sababo amni waxaa uu leeyahay "Wa xaa batay qoryaha la iibsanayo, siya asiyiin iyo dad caadiya waa naga iibsadaan, diyaar-garow ayaa jira, ma ogin”. Mar aan weydiinay goorta ay qiimaha kordheen "April markii dagaalka dhacay kadib waaye” ayuu kusoo gabagabeeyey.

Ganacsatada hubka ayaa sheegaya in uu jiro hub uru ursi xooggan, uuna kala badan yahay dalabka iyo hubka suuqa yaalla iyaga oo intii raaciyey in aaney tan oo kale dhicin wixii ka dambeeyey 2009-kii.Isbadalka Qiimaha: AK47 nooca Kuuriyanka halkii uu ka ahaa $800 hadda su uqa waxaa uu ka joogaa $1,100

AK47 nooca Qarshoole halkii uu ahaa $1,000 hadda waxaa qiimahiisa gaaray ilaa $1,700

Qoriga BKM waxaa uu qiimahiisu ahaa $9, 000 hadda waxaa uu suuqa ka joogaa $13,000

Qoriga Dhashiike Dabamalaay halkii uu ka ahaa $8,000 waxaa uu hadda marayaa qiimahiisu ilaa $17,000

Qoriga Dhashiike Dabool yare oo qiimahiisu ahaa $8,000 hadda waxaa uu gaaray ilaa $15,000

Qoriga Sabanka halkii uu qiimahiisu ahaa $1,000, waxaa uu hadda gaaray ilaa $1,600

Bastoolada Dhabancas halkii qiimaheedu ka ahaa $1,800 hadda waxaa ay gaartay ilaa $2,500

Bastoolada Biljim-ta oo qiima ahaan horay u joogtay $1,800 hadda waxaa ay joogtaa $2,500

Basoolada Tetega oo markii hore lagu iibin jiray $700 iminka waxaa uu qiimaheedu gaaray ilaa $1,200

Dhanka rasaasta: Rasaasta AK47 xabaddii aheyd $1.2$ waxay gaartay $1.5, Rasaasta BKM oo la iibin jiray $1 waxay hadda joogtaa $1.5, Rasaasta Shashike oo halkii Sanduuq ahaa $150 hadda waa $250, Rasaata Suu gga oo halki xabo horay u ahaa $10 iminka waxaa uu gaaray $20 halka Raasta RBJ ama Sabanka oo $90 ahaa uu marayo ilaa $180.

Dalka waxaa ka socota doorasho guud, oo ah tii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo kuraasta loo xerayo dad gaar ah, la badalayo odeyaashii saxiixayaasha ahaa, la qortay qaar cusub, beelaha qaar la dhacay, lana diiday tartan hufan oo musharaxiinta beelaha ah, taasi oo horseedi karta cabsi laga qabo qalalaaso iyo in dagaallo sokeeye ay dib u qarxaan. Isha: Goobjoog

R/ Wasaare Christophe Oo Shaqada Laga Ceyriyay Iyo Qalalaaso Sii Kordhaya

Madaxweynaha Burkiina Faaso Roch Marc Christian Kabore ayaa shaqada ka ceyriyay ra’iisul wasaarihii da lkaaasi, iyadoo ay sii kordhayaan qa lalaasodhanka ammnia ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Xafiiska Madaxtooyadda ee dalkaa si ayaa sheegay in madaxweynuhu uu warqad is casilaad ah ka helay ra’iisul wasaare Christophe Dabire,sida uu ku wramay Xoghayaha guud ee dawladda Stephane Wenceslas Sanou oo la hadlay warbaahinta dalka Burkiino Faaso.

Xil ka qaadista Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaaneysa xilli ay jiraan isku shaandheyn lagu sameeyay hoggaanka ciidanka.

Dalkaan oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan Galbeed ka Afrika, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2016-kii hareeyay weerarro ay qaadayaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ISIL (ISIS), kuwaasoo ay ku dhinteen 2,000 oo qof ,isla markaana ay ku barakaceen badan hal milyan oo qof.

Dibadbaxyo lagu diidan yahay dowladda ayaa ka socda waddooyinka magaalooyinka waaweyn,ka dib markii bishoo hore kooxaha hubeysan ay dileen 49-ruux oo isugu jiray ciidan iyo dad rayid ah.

Dhaca Gaadiidka ay leeyihiin Soomaalida oo ku batay Mareykanka

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhowr jeer dhac loo geystay Gaadiid ay leeyihiin Soomaalida kunool Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka iyo dadka kale ee Ajaanibta ah.

Goobaha qaar ee Gaadiidka laga dhacayay ayaa ahaa kuwo uu mashquul kajiray halka ko oxaha Burcadda ah qaarkood ay yi hiin kuwo hubeysan oo si awood ah kaaga qaadanaya Gaarigaaga.

Ciidanka Booliiska magaaladda Minneapolis ayaa shee gay in ay wadaan baaritaano la xiriira Kooxaha Burcadda ah ee soo batay, kuwaas oo khalqal gelinaya Amniga Mag aalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Dorraad waxaa shil Gaari ku dhintay laba Dhalinyaro ah halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen Kooxaha burcadd ah ee dhaca u geysta Gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Soomaalida ku nool Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ay aa walaac muukinaya, iyaga oo sheegay in Gaarigooda xa taa muddo kooban aysan dhiga karin Goobaha loogu talo galay in Gaadiidka la dhigto.

M/ Minneapolis ee dalka Mareykanka oo ay ku nool yi hiin Soomaali farabadan ayaa dhowr jeer waxaa lagu dilay dhalinyaro Soomaalia ah, walow Ciidamada Booliska ay dilalkaas dad u xireen.

Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo Booqa sho Ugu Horeeyay Ku Tagay Dalka Qatar

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Max amed Bin Salmaan, ayaa Arbacadii gaaray dalka Qatar, taasoo qayb ka ah booqasho uu ku marayo dalalka Khaliijka, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay ee uu dalkaas ku tago kaddib markii labada dhinac ay xiriirka u jareen afar sano ka hor.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraad ka Carabta iyo Baxrayn ayaa gabi aha anba xidhiidhka u jaray Qatar bishii June 2017, iyaga oo ku andacoonaya in ay taageerto kooxaha Islaamiyiinta ah ee xagjirka ah, aadna ugu dhowdahay Riyaad oo ay xaf iiltamaan Tehran, eedaymaha Doha ayaa beenisay. Laa kiin xiriirka ayaa si buuxda u soo laabtay bishii Janaayo ka dib shir madaxeed taariikhi ah oo ka dhacay magaalada saxaraha ah ee Sacuudiga ee Al-Ula.Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaa qaabilay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, oo uu wada-hadal la yeelan doono, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.

Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socda an mowjado diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo khilaafa adka gobolka, gaar ahaan Iran iyo Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkan ku sugnaa dalka Qatar, halkaasi oo uu ku joogay wadahadalo labo maalmood qaatay.

Ankara iyo Doha waxay noqdeen saaxiibo dhaqaale iyo siyaasadeed wakhti dambe, waxaana xukuumadda Erdogan ay si gaar ah u taageertay Doha intii lagu jiray qa adacaada Qadar ee Sucuudigu hoggaamiyo.

Turkiga oo ka soo kabanaya dhibaato dhaqaale oo hor leh, isla markaana doonaya maalgashi iyo ganacsi shishe eye, ayaa dadaal ugu jira dib u soo celinta xiriirkii uu la lahaa dalalka Khaliijka oo ay ka mid yihiin Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxa sido kale sanadkan soo ifbaxaya ifafaalo muuji naya in Sucuudiga iyo Iran ay wada-hadallo dhawr ah yee sheen tan iyo bishii April, ujeedaduna tahay in la wanaa jiyo xidhiidhka labada dal.

Xiisada u dhaxeysa Ankara iyo Riyadh ayaa cirka isku shareertay kadib dilkii 2018 saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Boqortooyada Sacuudiga ee Istanbul.

Xariga nin lagu xiray Paris Talaadadii looga shakiyay in uu ku lug lahaa dilka Khashoggi ayaa ku hanjabay inuu ha dheynayo socdaalka Amiir Maxamed ee Khaliijka.

Sumcadda caalamiga ah ee dhaxal-sugaha boqorto oyada ayaa waxaa hoos u dhacay dilkii Khashoggi, kaa soo ahaa nin dhaleeceyn jiray mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Balse Faransiiska ayaa Arbacadii Dorraad sii daayay ninka Sucuudiga u dhashay ee watay baasaboorka magaca Kha lid al-Otaibi ka dib markii ay ogaadeen in aanu la mid ahayn shaqsigii lagu doonayay amar lagu soo xirayo oo uu Turkigu bixiyay.

Amiir Maxamed ayaa gaaray magaalada Dooxa kadib booqasho uu ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carab ta, halkaas oo uu kula kulmay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed oo uu kaga qeyb galay goobta Expo 2020.

Ammaanka Carwadda ayaa si weyn loo adkeeyay, wa xaana goobtaasi ku sugnaa carwada caanka ah ee Sac uudiga, waxaana bannaanka isugu soo baxay dadweyne aad u tiro yar oo ay ku jiraan haween ku labisan dharka madow.

Heesaha Sucuudiga, oo uu ku jiro mid ay ku qoran tahay ereyada "Soo dhawoow Maxamed,” ayaa ku garaacayay cod-baahiyaha Al Wasl Plaza, oo ah goobta dhexe ee goobta.

Labada dal ayaa Arbacadii soo saaray bayaan wadajir ah, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay "kor u qaadista midnimada iyo xasilloonida Golaha Iskaashiga Khaliijka,” oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain, Kuwait, Oman iyo Qatar.

Amiirka Sacuudiga ayaa ka soo kicitimay dalka Cuma an, halkaasoo ay labada dhinac ku kala saxiixdeen heshii syo ku kacaya 30 bilyan oo dollar, wuxuuna sidoo kale bo oqan doonaa dalka Bahrain Khamiista, ka dibna u sii gu dbi doona Kuwait.

Amiir Maxamed waxa uu isku dayay in uu naftiisa u dhigo mid u ololeeya casriyaynta iyo dib-u-habaynta, xitaa iyada oo sumcadiisa caalamiga ah ay ka soo gaadhay dilkii Khashoggi. Dhaxal sugaha ayaa sheegay in uu aqbalayo mas’u uliyadda guud ee Sacuudi Carabiya, laakiin waxa uu bee niyay in uu xiriir shaqsi ah la leeyahay, Boqortooy ada ay aa sheegtay in ay ahayd shaqada wakiillo ka bax ay &qu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip