Somaliland oo ku hanjabtay inay xiri doonto Xarunta Universal TV Hargeysa

0
Friday December 10, 2021 - 16:29:00 in Wararka by
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo ku hanjabtay inay xiri doonto Xarunta Universal TV Hargeysa

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleemaan Yuusuf Cali Koore ayaa ugu hanjabay Maamulka TV-ga Universal Xaruntooda Magaalada Hargeysa kadib dood ka baxday tv-ga.

"Waxaan habeen hore arkayay Tv-ga Universal oo baahinayay Dood Diinta & Dhaqankaba wax u dhimaysa Waxaan u sheegaynaa hadii ay qabtaan Barnaamijyadda caynkaas ah mar dambe innaan talaabo ka qaadi doonoā€¯

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in hadda kahor ay xireen xarunta tv-ga Universal ee Hargeysa kadibna ay ku ganaaxeen tobanaan kun oo Dollar, wuxuuna sicad u sheegay Wasiirka in aysan ka aqbaleyn Maamulka Universal doodaha qaar oo ay qabanayaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dadkii dooda ka hadlayay qaarkood aysan aqoon luuqada Soomaaliga oo uu dhib ku ahaa, kuwaas oo uu sheegay in aysan ka hadli karin dhaqanka Soomaalida.

Habeeno ka hor ayaa Tv-ga Universal waxaa ka baxay dood ay dad badan ka qeyb galeen taas oo qaar kamid ah Haweenkii ka qeyb galay ay sheegeen in Sodohda ay qeyb ka tahay burburka Guriga, isla markaana aysan ku noolaan Guriga uu Wiilkeeda xaas ku qabo, hadalkaas oo dood ka dhaliyay Baraha Bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip