Dhaca Gaadiidka ay leeyihiin Soomaalida oo ku batay Mareykanka

0
Friday December 10, 2021 - 16:07:11 in Wararka by
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaca Gaadiidka ay leeyihiin Soomaalida oo ku batay Mareykanka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhowr jeer dhac loo geystay Gaadiid ay leeyihiin Soomaalida kunool Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka iyo dadka kale ee Ajaanibta ah.

Goobaha qaar ee Gaadiidka laga dhacayay ayaa ahaa kuwo uu mashquul kajiray halka kooxaha Burcadda ah qaarkood ay yihiin kuwo hubeysan oo si awood ah kaaga qaadanaya Gaarigaaga.

Ciidanka Booliiska magaaladda Minneapolis ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano la xiriira Kooxaha Burcadda ah ee soo batay, kuwaas oo khalqal gelinaya Amniga Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Shalay waxaa shil Gaari ku dhintay laba Dhalinyaro ah halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen Kooxaha burcadd ah ee dhaca u geysta Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Soomaalida kunool Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa walaac muukinaya, iyaga oo sheegay in Gaarigooda xataa muddo kooban aysan dhiga karin Goobaha loogu talo galay in Gaadiidka la dhigto.

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo ay ku nool yihiin Soomaali farabadan ayaa dhowr jeer waxaa lagu dilay dhalinyaro Soomaalia ah, walow Ciidamada Booliska ay dilalkaas dad u xireen.

Dhaca Gaadiidka ay leeyihiin Soomaalida oo ku batay Mareykanka - Radio Risaala: Somali News Online





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip