In ka badan 50 Ruux oo ku geeriyootay Shil Gaari

0
Friday December 10, 2021 - 13:56:57 in Wararka by
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan 50 Ruux oo ku geeriyootay Shil Gaari

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Gaari Nooca Xamuulka qaado ah oo ay saarnaayeen dad u muuqday inay ahaayeen Muhaajiriin ayaa ku dul-rogmaday Buundada ay marayeen Waddada weyn ee Koonfurta Mexico, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 53 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Luis Manuel Moreno oo ah madaxa xafiiska difaaca madaniga ah ee gobolka Chiapas ayaa sheegay in ilaa 21 kamid ah dadka dhaawacmay ay qabaan dhaawacyo halis ah waxaana loo qaaday isbitaalada deegaanka.

Shilka ayaa ka dhacay wado weyn oo aada xarunta gobolka, waxaana Sawirro laga soo qaaday goobta muujinayeen dhibanayaasha oo daadsan laamiga iyo gudaha Gaariga xamuulka.

Dhibanayaasha shilka galay ayaa u muuqday inay ahaayeen muhaajiriin ka yimid Bartamaha Ameerika, inkastoo aan weli la xaqiijin dalalka ay u dhasheen. Moreno oo ka badbaaday shilka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii badbaaday ay sheegeen in ay ka yimaadeen dalka deriska la ah ee Guatemala.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip