Maamulka Galmudug oo soo saaray amar lagu mamnuucayo ka ganacsiga Dhuxusha

0
Friday December 10, 2021 - 14:53:41 in Wararka by
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Galmudug oo soo saaray amar lagu mamnuucayo ka ganacsiga Dhuxusha

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maamulka Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa bilaabay tallaabooyin looga hortagayo dadka jaraya dhirta ee ka sameeynaya Dhuxusha, kuwaas oo degaannada Galmudug si xowli ah uga socday.

Dhowr jeer oo hore ayaa laamaha Amniga Maamulka Galmudug waxaa ay xireen dad jaraya Dhirta iyo kuwo ka Ganacsanayay Dhuxusha, kuwaas oo dhowr jeer sidoo kale digniin loo diray.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ( Isxal) ayaa sheegay in la gaaray heer Geedihii yar yaraa ee dadka ku nsan jireen la gubo si dhuxul looga sameeyo, taas oo uu sheegay inay dhibaato ku tahay dadka Reer Galmudug.

Waxaa uu uga digay Bulshada kunool degaannada Galmudug inay jaran dhirta si ay Dhuxul uga sameeyan, waxaana uu sicad u sheegay in tallaabo ka qaadi doonaan dadka dhirta jaraya & kuwa ka Ganacsanaya Dhuxusha.

Dhowr jeer oo hore ayaa laamaha Amniga Maamulka Galmudug waxaa ay xireen dad jaraya Dhirta iyo kuwo ka Ganacsanayay Dhuxusha, kuwaas oo dhowr jeer sidoo kale digniin loo diray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip