Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in si khaldan loo isticmaalo diyaaradaha ay Turkiga keentay Soomaaliya

0
Friday December 10, 2021 - 14:37:37 in Wararka by
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in si khaldan loo isticmaalo diyaaradaha ay Turkiga keentay Soomaaliya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka tirsan Xubanaha Mucaaradka ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay soomaaliya keentay Diyaarado Drones ah, xili uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana doorashooyinkii Soomaaliya uu si weyn dib u dhac ugu yimid.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay in diyaaradahaan droneska loo isticmaalo qaab aan ahayn la dagaalanka Al-shabaab, wuxuu sheegay in Safaaradda Turkiga ee muqdisho ay kala hadli doonaan arrintaan iyo waxa xiligaan kusoo beegay maadama Muddo Xileedkii sharcigaa uu dhammaaday Hay’addaha Dowladda Federaalka.

Wuxuu xusay in Drones ka Turkiga Soomaaliya keentay ay sabab u noqon karaan in dagaal sokeeye oo dalka ka qarxo, isagoo tusaalo usoo qaatay wadamo dariskeena ah oo Drones ka isku adeegsaday, isagoo sheegay in dulmiga siyaasiga kaliya uusan ku dhaceyn balse uu saameyn ku yeelanayo qalalaaso dalka ka dhaca, midka ka ganacsadaha ah iyo kan ardaga ahba.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya, iyadoo Hay’adda NISA ay sheegtay in dhawaan ay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku qabatay diyaarado Drones ah, kuwaas oo markii dambe uu sheegtay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, isagoo sheegay in diyaaradahaan uu dalka u keensaday waraabinta Beeraha iyo la dagaalanka Cayayaanka heebaaba Beeraha.

Leave a Reply

              xigasho:-radiokulmiyenews.net





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip