Qaramada Midoobay Oo Joojisay Gargaarka Cuntada Ee Kombolcha, Dessie Ka Dib Markii La Bililiqeystey

0
Thursday December 09, 2021 - 20:10:47 in Wararka by
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Joojisay Gargaarka Cuntada Ee Kombolcha, Dessie Ka Dib Markii La Bililiqeystey

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa joojisay raashin qaybintii ay ka waday magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ee dalka Itoobiya ka dib markii la bililiqaystay sahaydii loo waday magaalooyinkaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa shalay dib ula wareegay gacan ku haynta magaalada oo ay ka qabsadeen ciidamada Tigreega ee kacdoonka wada, sida ay dawladu sheegtay.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa Arbacadii sheegay in la xaday lagana bililiqaystay raashin aad u badan oo ay ku jiraan nafaqeynta carruurta ay hayso nafaqo-xumada, waxaana laga soo dhacay magaalada Kombolcha ee gobolka Axmaarada.

"Xatooyada yar ee cuntada ayaa isu beddeshay bililiqo ballaaran oo loo geystay bakhaarradii ku yaallay Kombolcha maalmihii la soo dhaafay, sida ay sheegeen xubno ka tirsan ciidamada Tigreega iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka,” Dujarric ayaa u sheegay suxufiyiinta.

   "Waa wax aan la aqbali karin dhibaataynta noocan oo kale ah oo ay ciidamada qalabka sida ku hayaan shaqaalaha samafalka. Waxay wiiqaysaa awoodda Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibadayada bini’aadantinimo si ay u caawiyaan marka loo baahdo,” ayuu raaciyay.

Dhacdooyinkaasi waxay sii xumeyn doonaan nafaqo-xumada cuntada ee ka jirta waqooyiga Itoobiya, halkaasoo lagu qiyaasay 9.4 milyan oo qof oo ku nool gobollada Tigray, Amxaarada iyo Canfarta.

Saddex baabuur oo WFP ah oo loo adeegsan jiray hawlaha bini’aadantinimo ee Axmaarada ayaa waxaa amar ku bixiyay ciidamo millatari ah, waxayna u isticmaaleen ujeeddooyinkooda todobaadkan, Dujarric ayaa sidoo kale sheegay, isagoo cambaareeyay shilalkaas, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo.

Dagaalka sanadlaha ah ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo hogaanka gobolka waqooyi ee Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof oo rayid ah, malaayiin kalena waxay ku qasbeen in ay ka barakacaan guryahooda.

Qaramada Midoobay oo joojisay gargaarka cuntada ee Kombolcha, Dessie ka dib markii la bililiqeystey - Jowhar somali news leader




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip