Miisaaniyada xukuumada Somaliland oo korodhay %17 sannadkan

0
Thursday December 09, 2021 - 20:05:13 in Wararka by
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miisaaniyada xukuumada Somaliland oo korodhay %17 sannadkan

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
 Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisanadiyada xukuumada Somaliland ee sannadka 2022, oo dhan 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin, waxayna korodhay %17 marka loo eego tii sannadkan 2021.

 
 
Miisaaniyada dowlada dhexe ayaa korodhay %11, ta dowladaha hoose ayaa korodhay %44, ta hay'addaha madaxabannan ayaa korodhay %12, ta macaawinooyinka dibada ayaa korodhay, %41, isla markaana ciidamada ayaa mushaarkooda boqolkiiba %20 la kordhiyay.


"Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka waxa lagaga shaqayn doona, Isku dheelli-tirka dakhliga iyo kharashka, xakamaynta sicir-bararka, Ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland, Ka guurista ku-tiirsanaanta cashuuraha kastamka, xoojinta amniga, qabashada iyo soo saarista biyaha, Ku-talogalka abaaraha, xoojinta keydka qaranka, kor u qaadista adeeggyada caafimaadka iyo waxbarashada, dhiirrigelinta wax soo saarka, deegaanka, xoojinta ictiraaf raadinta" ayaa lagu yidhi warbixin laga soo saaray ansixinta.

Munaasibada ansixinta miisaaniyada ayaa waxa fadhiyay 30 wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland, waxaa ka aamusay hal wasiir, manay jirin cid diiday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip