Ku Soo Laabashadiisa England, Xusuusto Uu Ka Heysto Man City, Muhiimada Ugu Weyn Ee Kulankaan Iyo Wax Waliba Uu Gareth Bale Ka Hadlay Ka Hor Kulanka UCL Ee Man City

0
Monday April 25, 2016 - 10:43:42 in Sports News by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Soo Laabashadiisa England, Xusuusto Uu Ka Heysto Man City, Muhiimada Ugu Weyn Ee Kulankaan Iyo Wax Waliba Uu Gareth Bale Ka Hadlay Ka Hor Kulanka UCL Ee Man City

    Gareth Bale ayaa sheegay iney farxad u tahay ku soo laabashada dalka ingiriiska ka hor kulanka adag ee lugta labaad ee Champions league ee ay la leeyihiin kooxda Manchester City oo ay ku soo booqan doonaan garoonka Erihad Stadium.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gareth Bale ayaa sheegay iney farxad u tahay ku soo laabashada dalka ingiriiska ka hor kulanka adag ee lugta labaad ee Champions league ee ay la leeyihiin kooxda Manchester City oo ay ku soo booqan doonaan garoonka Erihad Stadium.

Xidigii hore ee Tottenham ayaa qaba iney wax weyn u tahay ku soo laabashada dalka ingiriiska wuxuuna yiri "Waxaan ka guuleysnay Man City dhowr jeer, waxaan ka dhaliyay dhowr gool, waxay noqon doontaa ciyaar aad u wanaagsan, waa koox aad u adag laakin waxaan halkaas u aadeena anagoo dooneyno inaan guuleysano si aan u gaarno ciyaar dhamaadka”.

Isagoo ka hadlayay ku laabashadiisa dalka ingiriiska ayuu yiri "Marwlaiba waan jeclaa ka ciyaarista Premier league, wali waan daawadaa, wax weyn ayeey ii noqon doontaa inaan soo ku soo laabto, waxa ugu muhiimsan ayaana ah inaan guul gaarno”.

Gareth Bale

"Marka aad ka hortegyso koox weyn, ama aad ciyaareysaan kulan weyn ma jirto koox ugu cadcad kulankaas, waa inaad si adag u shaqeysaa waana inaad u ciyaartaa sidii aad guul u gaari laheyd, waxaan aadeenaa kulankaan anagoo qabna kalsooni badan, waan ognahay iney guul ka gaareen Stoke laakin anagaba niyad fiican ayaan leenahay”.

Bale

Bale ayaa ahaa xidigii bandhiga sameyay kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka markii waliba ay fuushay masuuliyad ah in labadaba Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema aysan garoonka kiula jirin laakin masuuliyadaas ayuu kaga soo baxay sideeda wuxuuna Zidane u sheegay in kaligiis la isku haleyn karo wuxuuna isagoo guushaas ka hadlayay yiri "Waxay kooxda u shaqeysay si adag, si wadajir ah waxaana ku dadaalnay inaan guul gaarno, waxay aheyd ciyaar adag, waa sax waan jeclaan laheyn guul sahlan laakin guul waa guul, waxa ugu muhiimsan ayaa aheyd sadexda dhibcood si aan labad akoox oo kale cadaadis u sii saarno, waxaan si buuxdo haatan ugu jirnaa tartanka horyaalka, waxaan meel fiican ka joognaa Champions league, kalsoonaida hawad aayeey mareysaa”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip