RIKOOR: Barcelona Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee TAARIIKHDA La Liga Lagu Abaalmariyo Gool Ku Laadyadii Ugu Badnaa

0
Monday April 25, 2016 - 10:42:09 in Sports News by
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RIKOOR: Barcelona Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee TAARIIKHDA La Liga Lagu Abaalmariyo Gool Ku Laadyadii Ugu Badnaa

    Xili ciyaareedkaan 2015/16 waxaa taariikha ka dhigay horyaalka La Liga kooxda maclain Luis Enrique ee Barcelona kadib markii ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee taariikhda horyaalka dalka Spain ee hesha 19 gool ku laad hal xili ciyaareed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili ciyaareedkaan 2015/16 waxaa taariikha ka dhigay horyaalka La Liga kooxda maclain Luis Enrique ee Barcelona kadib markii ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee taariikhda horyaalka dalka Spain ee hesha 19 gool ku laad hal xili ciyaareed.

Kooxda Barca ayaa rikoorkaan dhigtay kulankii ay guushii weyn ka gaareen kooxda Sporting Gijon markaasoo uu garsooreCarlos Clos Gomez kooxdaCatalan uu ku abaalmariyay sadex gool ku laad iyadoo ay xidigaha Barca sadexdaba goolal u safriyeen si ay ugu adkaadaan lix gool oo aan loolan laheyn.

Markii ugu badneyd ee ay taariikhda horyaalka kooxi hesho gool ku laadyadii ugu badneyd mudo hal xili ciyaareed ah ayaa aheyd xili ciyaareedkii 1986/87 kooxda Real Betis ayaana markaasi lagu abaalmariyay 16 gool ku laad.

Neymar Penalty

Sidoo kale sadexdii gool ku laad ee loo dhigay Barca kulankii Sporting ayaa ka dhigaya markii sadexaad ee kooxda lagu abaalmariyo sadex gool ku laad hal kulan gudahiis waxayna taasi hore u dhacday markii ay la ciyaareen Osasuna sanadii 1993/94 iyo Sabadell 1944/45.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip