Aqooni Sweydaarsiga Sannadlaha Siddeedaad Ee Cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2021) Oo Muqdisho Lagu Daahfuray

0
Tuesday December 07, 2021 - 20:26:29 in Wararka by
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqooni Sweydaarsiga Sannadlaha Siddeedaad Ee Cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2021) Oo Muqdisho Lagu Daahfuray

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Waxaa maanta furmay Aqoonisweydaarsiga sannadlaha siddeedaad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2021), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.

Aqoonisweydaarsigan wuxuu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qaybqaadanaya aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal ka kala tirsan jaamacadaha, xarumaha cilmibaarista iyo guud ahaanba waxgaradka bulshada oo kala jooga Geeska Afrika iyo qurbaha intaba.

Aqoonisweydaarsigu wuxuu isugu jiraa qayb fool-ka-fool ah oo ku qabsoomaysa Hotel Afrik ee Muqdisho, iyo qayb fiidkii ah oo ku baxaysa aaladda ZOOM-ka iyo barta Facebook.

Aqoonisweydaarsiga waxaa lagu soo bandhigi doonaa in ku dhow labaatan daraasadood oo ay soo bandhigayaan cilmibaarayaal kala duwan oo isugu jira arrimaha waxbarashada, deegaanka iyo khayraadka, dhaqaalaha, bulshada, saamaynta safmarka COVID19 iyo kuwo kale.Masuuliinta goobta ka hadashay waxaa kamid ahaa agaasimaha machadka cilmibaarista Soomaaliyeed ee ISOS ee Jaamcadda Muqdisho ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruus ayaa kasoo qayb galayaasha ugu mahadceliyay kasoo qayb galka ay akasoo qayb galeen aqoonisweydaarsigaan oo galay sanadkiisii sideedaad isagoo soo bilawday 2014-kii.

Waxaa kaloo isagana kahadlay Dr. Maxamed Maxamuud Bidey, guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Muqdisho horumarka Joogtada ah ee machadkooda uu ka sameeyay dhanka cilmibaarista wuxuuna u rajeeyay inay horumaro kale ay ku talaabsadaan.


Waxaa iyadana halkaas ka hadashay Duniya Maxamed Cali oo kasocotay oo u mahadcelisay machadka ISOS ee cilmibaarista waxayna u rajeysay inuu ku talaabsado guulo waaweyn.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay agaasimaha hiddaha iyo tacliinta sare iyo cilmibaarista ustaad Ismaaciil Yuusuf Ismaaciil oo bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee qabato Jaamcadda Muqdisho iyo machadkeeda cilmibaarista ee ISOS isagoo yiri "Jaamacad aan lahayn xarun cilmibaaris ma ahan jaamacad”

Aqoonisweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed Waxaa qabanqaabiya machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmibaariseed ka tirsan Jaamacadda Muqdisho.
Kanina waa aqoonisweydaarsigii siddeedaad oo noociisa ah, markii ugu horaysay waxaa la daahfuray sannadkii 2014. Aqoonisweydaarsiga sannadakan waxaa halkudheg u ah: "Aqoon iyo Horumar”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip