Gedo: Carruur ku geeriyooday haraadiga walxa qarxa oo ay ku cayaarayeen

0
Tuesday December 07, 2021 - 13:13:47 in Wararka by
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gedo: Carruur ku geeriyooday haraadiga walxa qarxa oo ay ku cayaarayeen

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
 Ugu yaraan labo carruur ah ayaa ku geeriyootay, saddex kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax ka dhashay aalad loo maleynayo in tahay haraadiga gantaal ay leeyihiin diyaaradaha dagaalka ee Kenya.
Falkan oo ka dhacay meel qiyaastii 18km u jirta degmada Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa ururka Alshabab oo ka howlgala waxay sheegeen inuu ahaa qarax ka dhashay gantaal ay lahaayeen diyaaradaha Kenya oo horey halkaas duqayn uga geystay.


Boggaga Alshabab ayaa lagu faafiyay sawirradda dhacdadan, iyadoo wareysi laga qaaday qoysaska carruurta ka geeriyoodeen ay sheegeen in Kenya ay dhowr jeer deegaankooda madaafiic ku garaacday.

Carruurta geeriyootay oo ahaa wiil iyo gabadh walaalo ah oo ku jiray da’da 9-12 sano jir, ayaa xilliga qaraxu dhacayay waxay ku sugnaayeen goob miyi ah oo ay xoolo ari ah ku raacayeen.

Dowladda Kenya ayaa duqayn marar badan ka geysatay gobolka Gedo, iyadoo bartilmaameedkeedu yahay Alshabaab, balse duqeymaha ay geysato waxay inta badan khasaare kasoo gaaraan dadka shacabka ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip