Xaaska askari ka tirsan Ciidanka AMISOM oo la dilay

0
Tuesday December 07, 2021 - 13:56:47 in Wararka by
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaska askari ka tirsan Ciidanka AMISOM oo la dilay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Catherine Ruto oo ah xaaska Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya ayaameydkeeda qoyskeeda waxaa ay ka heleen Hoygeeda oo kuyaalla tuulada

Kosachei ee ka tirsan degmada Turbo ee
ismaamulka Uasin Gishu ee dalka Uganda.

Meydka Haweeneyda ayaa waxaagurigeeda
ka helay carruurteeda oo dhigata Fasalka


Shanaad iyo Fasalka Kowaad, kuwaas oo ka
soo laabtay Iskuulka, balse ay heleen xilli ay dhex jiiftay barkad dhiig ah.

 

Haweeneeyda ayaa waxaa jirkeeda ku yaallay tooreey dhowr jeer looga dhuftay qoorta, waxaana dadka deriska la’ah ay ku tuhmeen dilkeeda Nin ka yimid degaanka Kabarnet oo booqasho ugu yimid ka hor dilleeda.

” Waxaan u cararnay guriga oo qeylo ka yeertay, waxaana helnay iyada oo meyd ah oo jiifa sagxada qolkeeda fadhiga,” ayuu yiri Vincent Karoney, oo deris la ah.

Patrick Ng’etich oo ahaa Ninka qabay Haweeneyda la dilay ayaa deg deg ugu laabtay dalka Uganda, kadib markii dhacdadaas lagu soo wargeliyay xilli uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya maadaama uu kamid yahay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Catherine Ruto oo 29 jir aheyd ayaa laheyd Uur todobo bilood ah oo noqon lahaa hadii ay dhasho cunuveeda Saddexaad, waxaana socda baaritaano ay wadaan baaritaano la xiriira dilka.

laamaha Amniga dalka Uganda ayaan weli ka hadlin dhacdadaas, balse waxaa arrintaas fajac ay ku noqotay Ehellada Haweeneeyda, iyaga oo sheegay in aysan ogeyn sababta loo dilay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip