Hoggaamiyaha Tigrayga oo wacad ku maray in dagaalku sii socon doono

0
Monday December 06, 2021 - 20:51:27 in Wararka by
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Tigrayga oo wacad ku maray in dagaalku sii socon doono

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Hoggaamiyaha Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalkaasi, isagoona ku hanjabay inay dagaalka sii wadi doonaan, illaa afka ay ciidda u darayaan waxa uu ugu yeeray cadowga.


Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in xoogagooda ay iska caabinayaan Ciidamada Federaalka, guulo wax ku ool ahna ay soo hoyeen. Waxa kaloo uu sheegay in dagaalku sii socon doono, inta ay afka ciidda uga darayaan cadowga amaba ay ku khasbaan in miiska wada hadalada yimaadaan.

Debretsion Gebremichael oo wareysi siiyay telefishinka afka Tigrayga ku hadla ayaa sheegay goobaha maalmihii ugu dambeysay dagaalka looga qabsaday ciidamadooda in ay uga soo baxeen xaalad dagaal, oo dan u ah buu yiri shacabka Tigrayga.

Dhanka kale Hoggaamiyaha TPLF ayaa sheegay in Dowladaha Turkiga, Iran iyo Emirate-ka Carabta ay dagaalka qayb ka yihiin, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay Dowladda Federaalka siiyeen hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan hubka ay siinayaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, sababtuna ay tahay in lagu dhibaateynayo dadka rayidka, sida uu yiri.

Gebremichael ayaa ku waramaya sii socoshada taageeradaasi militari in ay dabka ku sii shidi doonto dagaalka ka socda dalkaasi.

Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay guulo ka gaarayay dagaalka ka dhanka ah jabhadaha ay TPLF ugu tunka weyn tahay, iyagoona meesha ka saaray hujuumkii ay ku hayeen Addis Ababa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip