Daawo: Dhacdo argagax leh oo ka dhacday duleedka Muqdisho

0
Tuesday December 07, 2021 - 14:37:02 in Wararka by
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Dhacdo argagax leh oo ka dhacday duleedka Muqdisho

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taas oo lagu dilay caruur walaalo ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Caruurta oo ahaa wiil iyo gabar ayaa waxa da’dooda ay kala aheyd shan sano jir iyo todobo sano jir, waxaana saaka meydadkooda laga helay xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaan weynaha Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ehellada caruurta la dilay ayaa innoo sheegay in wiilka iyo gabadha yar xalay adeeg loo diray, balse la waayey, iyadoo saaka dib loo helay meydadkooda.

Sidoo kale dadka soo arkay meydadka labadaasi caruur ayaa sheegay in si arxan darro ah loo dilay, isla-markaana mid ka mid ah caruurta xarig lagu sirqiyey, halka midka kale ilkaha ay ka daad-sanaayeen, taas oo ay ka argagaxeen dadka deegaanka iyo ehelladoodaba.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya, waxaana ay xireen Seyga qabay hooyada dhashay caruurtaas, kaas oo lagu tuhmayo inuu geystay falkan, waxaana haatan ku socdo baariraano dheeraad ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah ama faahin faahin ah oo hay’adaha ammaanku ka bixiyeen dhacdadaasi xanuunka badan.

Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo argagax leh ay ka dhacday degmada Xamarjajab, kadib markii nin mindi ku hubeysnaa uu dilay xaaskiisa oo aheyd hooyada 12 caruur ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

                                    XIGASHO:-CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip