Madaxweynaha Uganda oo sheegay weerarada dhawaan ka dhacay dalkiisa in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya

0
Monday December 06, 2021 - 18:51:05 in Wararka by
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Uganda oo sheegay weerarada dhawaan ka dhacay dalkiisa in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
email sharing button Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Kampala , ee ay ka dambeysay kooxda Daacish, in lagasoo abaabulay Soomaaliya iyo Kenya.
Museveni ayaa sheegay in Uganda ay hayso cadaymo muujinaya in ismiidaamintii ISIS uu ahaa weerar ay iskusoo dubarideen kooxo ku sugan Somalia iyo Kenya.


"Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya," ayuu Museveni ku yiri wareysi uu siiyay Reuters.

Qaraxyada ka dhacay bartamaha caasimadda Uganda oo ay ku dhinteen illaa saddex, ayaa keentay in Museveni uu 1,700 askari u diro dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda dimuqraadiga Koongo.

Uganda iyo Congo ayaa dhawaan si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaad taabacsan Daacish sida ay xaqiijiyeen labada dal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip