NEWS Dowladda Shiinaha Oo Dib U Qalabayn Ku Samaynaysa Tiyaatarka Qaranka

0
Monday December 06, 2021 - 16:20:05 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NEWS Dowladda Shiinaha Oo Dib U Qalabayn Ku Samaynaysa Tiyaatarka Qaranka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Dowladda Shiinaha oo dib u qalabayn ku samaynaysa Tiyaatarka Qaranka iyo waaxyo ka mid ah wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu bilow u yahay wada shaqeyn balaaran oo mustaqbalka ah oo dhex mari doonta Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo xusay in waxyaabaha is-af-garadkan quseeya ay yihiin dayactirka qaar kamid ah waaxiyaha Wasaaradda sida; Radio Muqdisho, Tiyaatarka iyo 

"Runtii heshiiskan waa bilow fiican u ah dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo Pilot projects oo ah mashaariic yaryar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan SONNA,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Tiyaatarka Qaranka waxaa dhisay dowladda Shiinaha sanadkii 1965 ka dib burburkii dalka ka dhacay waxaa dowladda federaalka Soomaaliya barnaamijka is-xilqaan ku dhistay 2019.

Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhexeeyay xiriir soo jireen ah, dowladda Shiinaha waxaa ay dalka ka fulisay mashaariic waa weyn oo ay kamid yihiin tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir iyo waddooyin ay kamid tahay tan isku xirta Beledweyne ilaa Burco.

Dowladda Shiinaha oo dib u qalabayn ku samaynaysa Tiyaatarka Qaranka - Jowhar somali news leader



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip