Ra'iisul Wasaare Rooble oo furay Shirka Wadatashiga ee Taabbagelinta Geeddi-socdka Dowladnimada Xilliga Kala-guurla

0
Monday December 06, 2021 - 13:27:57 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo furay Shirka Wadatashiga ee Taabbagelinta Geeddi-socdka Dowladnimada Xilliga Kala-guurla

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka oo uu la yeeshay bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.

Ugu horrayn, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey halka ay marayso doorashada baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in laga guuleystay dhamaystirka aqalka sare ee baarlamanka, isla markaana la bilaabay doorashada aqalka hoose. Mudane Rooble ayaa xusay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladnimadu tahay meerto iyo qori isu dhiib, isagoo tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay hirgelinta doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.

Ra'iisul Wasaare ayaa bogaadiyey kaalinta bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed kaga jiraan dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo taabbagelinta nidaam dowladeed oo u adeegaya danaha ummadda Soomaaliyeed oo dhan

67634927-B36E-4496-A360-7B1192638646
5DA55B6C-5B3A-460B-AB45-536E72B01D62
E4D5494B-9475-4F0C-ACB6-DCA1AEAD756B
3F67F017-7196-4A6E-B45D-16703ACE88F3
C63165ED-56A6-4623-A7D2-B9E38E271F76
F8EFF721-2F41-4F82-994B-A18C339C3251
0AA87D3C-CB96-44D6-B26A-6487D8F5C6E7
B7A19891-F4F4-4AE8-8839-64E77C57CEAB
3F7662D1-61B4-43D0-ABAB-14EB78045877
70444B1A-C0A0-43C0-BF1C-4A966CEA95EB
F521A8A2-63B2-4D67-A199-1E9060FC781D
485C89D8-E11A-460F-80D2-304837931AC8
919A65E8-187C-4E11-A8F4-CA47598367B4
31C4B0A1-AE09-4D69-888F-3137513D4333
https://www.facebook.com/dalsantv/videos/1341982149605867/?t=369https://www.facebook.com/dalsantv/videos/1341982149605867/



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip