Dagaal Maanta dhexmaray Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab

0
Sunday December 05, 2021 - 19:19:00 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Maanta dhexmaray Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab

    Barqanimadii Maanta ayaa Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan waxaa uu ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, wuxuuna u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu yimi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barqanimadii Maanta ayaa Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan waxaa uu ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, wuxuuna u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan A-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Jubbaland ee degaanka Baar- Sanguuni ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawaceen askari ka tirsan Ciidamada Jubbland oo lagu Magacaabo Nuur. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen. Degaanka Baarsanguuni iyo degaannada kale ee hoostaga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab, waxaana sidoo kale Ciidamada Jubbaland dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip